Wednesday, June 19, 2013
Today from Hiiraan Online:  _
Wararka Maanta- Sabti, Apr 7 , 2012
Al-shabaab oo sheegtay inay xoogageedu weli gudaha Muqdisho kula dagaalamayaan AMISOM iyo Dowladda KMG ah

Sabti, Abriil 07, 2012 (HOL) — Xarakada Al-shabaab ayaa war-saxaafadeed ay soo saartay maanta oo Sabti ah ku sheegtay in xoogaggeedu ay weli gudaha Muqdisho kula dagalamaayaan ciidamada AMISOM iyo kuwa dowladda KMG ah, kaddib sideed bilood markii ay banneeyeen furumaha dagaalka ee Muqdisho.

"Tan iyo markii ay mujaahidiintu si xeeladeysan u banneeyeen furmaha dagaalka ee Muqdisho waxay wadeen weerarro gaadmo ah oo ay la beegsanayaan saldhigyada AMISOM iyo xarumaha hay'adaha dowladda," ayaa lagu yiri warsaxaafadeedka ay soo saartay Al-shabaab.

Xarumaha dowladda ee ay beegsadeen ayaa waxay ku sheegeen inay ka mid yihiin madaxtooyada, tiyaatarka, xafiisyadii wasaaradaha dowladda iyo kuwo la mid ah. Iyagoo sheegay in mujaahidiinta oo kaashanaya ALLE ay beegsan doonaan goob walba oo ay Muqdisho kaga sugan yihiin waxay ugu yeereen cadowga Islaamka.

Sidoo kale, Al-shabaab waxay sheegtay in ciidamada AMISOM oo ay ku sheegeen soo duulayaal in saldhigyadooda ay la beegsan doonaan weerarro toos ah, ayna ku guuleysan doonaan hadafkooda.

"AMISOM waxay dhowr jeer isku dayeen inay qabsadaan degmada Dayniile iyagoo adeegsanaya dacaayado been ah iyo hub culus, balse way u suurogeli wayday kaddib markii Mujaahidiintu ay ka hortageen," ayay Al-shabaab ku sheegtay warka ay soo saartay.

Waxay sheegeen in Muqdisho uusan ammaan ka jirin, taasna ay caddeyn u tahay awood xumada ciidamada AMISOM iyo kuwa dowladda KMG ah, iyagoo xusay inay saraakiisha AMISOM iyo kuwa dowladdu ku bixi doonaan gacanta mujaahidiinta.

"Shacabka Muqdihso waxaan ugu baaqaynaa inaysan u fududeyn waxyaabaha ay doonayaan ciidamada AMISOM, ciddii caawisana waxay mujaahidiintu ku beegsan doonaan goob walba oo ay ku arkaan sida Muqdisho," ayaa lagu yiri warka kasoo baxay Al-shabaab.

Ugu dambeyn, Al-shabaab waxay ku sheegtay warsaxaafadeedkeeda in meel qura looga soo wadajeesto ciidamada AMISOM ee caawinaya dowladda KMG ah, si loogu guuleysto in dalka laga saaro.

Hadalka Al-shabaab ayaa wuxuu imaanayaa xilli 100 ka tirsan ciidamada AMISOM la geeyay degmada Baydhabo, kuwaasoo qayb ka ah 2,500 oo askari oo la doonayo inay ka howgalaan gobolka Bay.

Maxamed Xaaji Xuseen, Hiiraan Online
maxuseen@hiiraan.com
Muqdisho, Soomaaliya





Post your comments

4/7/2012 4:35 PM EST
Sabti, April 07, 2012(HOL): 12 sano guuradii ciyaaraha Waqooyiga America ee sanadkiiba mar la qabto ayaa maanta ka billowday magaalada Columbus ee Gobolka Ohio. Ciyaaraha sanadkan ayaa koobka loo dhigay waxaa loogu magic-daray halyeeyadii u soo halgamay Isboortiga Soomaaliyeed...

4/7/2012 9:47 AM EST
Sabti, Abriil 07, 2012 (HOL) — Guddoomiyaha baarlamaanka KMG ah ee Soomaaliya, Shariif Xasan Sheekh Aadan iyo wafdi uu hoggaaminayo oo baqonimadii maanta ka dhoofay garoonka diyaaradaha ee Muqdisho iyagoo kusii jeeda magaalada Xudur ee gobolka Bakool, halkaasoo ay todobaad ka hor la wareegeen ciidamada DKMG ah iyo kuwa Itoobiya oo iskaashanaya.

4/7/2012 9:45 AM EST
Sabti, Abriil 07, 2012 (HOL) — Ganacsatada Soomaalida iyo kuwa Turkiga ayaa ku sameysay kulan ay Muqdisho ku yeesheen Khamiistii lasoo dhaafay urur ganacsi oo ay ku mideysan yihiin, iyadoo la sheegay in ujeedka ururkan uu yahay sidii labada dal ay albaabooyinka ganacsiga isku dhaafsan lahaayeen.

4/7/2012 9:44 AM EST
Sabti, Abriil 07, 2012 (HOL) — Xildhibaannada afhayeenka baarlamaanka u doortay, xildhibaan Madoobe Nuunow Maxamed oo maanta kulan ku yeeshay Muqdisho ayaa sheegay in maanta la billaabayo qabashada araajida murashaxiinta u tarmaya xilka madaxweynimo ee Soomaaliya, iyagoo isla maanta soo gudbiyay shuruudaha looga baahan yahay mas'uulkan xilkan u tartamaya.

4/7/2012 9:42 AM EST
Sabti, Abriil 07, 2012 (HOL) — Warbixin ay soo saartay hay'adda dhaqaatiirta aan xuduudda lahayn ee MSF ayay kaga warbixisay howlihii caafimaad ee ay Soomaaliya ka qabtay sannadkii hore 2011, iyadoo xustay in weli ay taagan yihiin xaaladihii bani'aadmanimo ee Soomaaliya iyo macluushii laga dhaxlay abaarihii sannadkii hore.

4/7/2012 5:40 AM EST
Sabti, Abriil 07, 2012 (HOL) — Waxaa maanta gaaray degmada Ceelwaaq ee gobolka Gedo saraakiil ciidan oo ka socota dalka Sieraleone, kuwaasoo hordhac u ah ciidamo la filayo in dowladda Sieraleone ay usoo dirto dalka Soomaaliya.

4/7/2012 5:34 AM EST
Sabti, Abriil 07, 2012 (HOL) — Dowladda Kenya ayaa uga digtay shacabkeeda weerarro ay sheegtay in ay qorsheynayaan xoogagga Al-shabaab ee ka dagaalama Soomaaliya, iyadoona ay dowladdu ka codsatay shacabka in ay la shaqeeyaan Booliska.

4/7/2012 5:16 AM EST
Sabti, Abriil 07, 2012 (HOL) — Waxaa magaalada Stockholm ee caasimadda ee dalka Sweden lagu qabtay kulan ballaaran oo loogu talagalay in loogu baroordiiqo madaxdii sportiga iyo dadkii ku geeriyooday iyo kuwii ku dhaawacmay qaraxii ka dhacay Golaha Murtida iyo Madadaallada ee magaalada Muqdisho arbacadii la soo dhaafay. Bahweynta sportiga dalka Sweden ayaa soo qaban qaabiyey kulanka tacsida ah, waxaana ka soo qeyb galay dhamaan qeybaha kala duwan ee bulshada ku dhaqan magaalada Stockholm iyo nawaaxigeeda.

4/7/2012 5:05 AM EST
Sabti, Abriil 07, 2012 (HOL) — Munaasabad lagu maamusayay Kooxda SYS (Ex Skiftinge) oo sanad jirsatay ayaa lagu qabtay Magaalada Eskilstuna ee dalka Sweden, iyadoo munaasabaddana ay ka qeybgaleen bahda Isboortiga Magaalada, saxafiyiin iyo siyaasiyiin.

4/7/2012 2:55 AM EST
Sabti, Abriil 07, 2012 (HOL) — Abaanduulaha ciidamada milateriga Soomaaliya, Jen. C/kariim Yuusuf Aadan (Dhego-badan) ayaa ka badbaaday qorshe lagu dili lahaa oo ay qabanqaabinaysay Xarakada Al-shabaab, kaddib markii la qabtay jaakad la doonayay in lagu qarxiyo.

4/7/2012 2:36 AM EST
Sabti, Abriil 07, 2012 (HOL) — Ciidamada DKMG ah iyo kuwa Itoobiya ee ku sugan gobolka Bay ayaa saddex degmo oo gobolkaas ka tirsan kala wareegay 24-kii saac ee lasoo dhaafay xoogagga Al-shabaab.