4/24/2024
Today from Hiiraan Online:  _
Wararka Maanta- Arbaco, Apr 4 , 2012
AMSIOM oo si adag u cambaareysay Qaraxii Tiyaatarka Muqdisho ka dhacay kuna sifeysay Weerar Argagaxiso

Arbaco, Abriil 04, 2012 (HOL) — Warsaxaafadeed kasoo baxay taliska ciidamada Midowga Afrika ee AMISOM, ayaa lagu sheegay in weerarkii Tiyaatarka uu ahaa mid ismiidaamin ah oo ay fulisay haweeney, kaasoo ay ku dhinteen dad shacab ah kuwo kalena ay ku dhaawacmeen.

AMISOM ayaa sheegtay in Al-shabaab ay ku guuldareysatay inay ku disho xubno ka tirsan golaha wasiirrada dowladda KMG ah. Sidoo kale warsaxaafadeedka AMISOM ayaa lagu sheegay in haweeneyda fulisay weerarka ay ka mid ahayd dadkii ku jiray xafladda lagu maamuusayay howlgelinta telefishinka Qaranka.

"Waxaan la midoobaynaa dowladda Soomaaliya, waxaana gacan ku siinaynaa sidii looga hortegi lahaa dambiyada noocan oo kale ah, kuwaasoo lagu waxyeelleynayo dadka shacabka ah, inkastoo aan la joojin karin illaa nabadda Soomaaliya si buuxda loo xaqiijiyo," ayuu yiri ku xigeenka taliyaha AMISOM, Jen. Audace Nduwumunsi.

Sidoo kale taliyuhu wuxuu warsaxaafadeedka ku yiri: "Waxaan cambaareynayaa qaraxa foosha xun. AMISOM waxay ku garabtaagan tahay DKMG ah iyo qoysasaka Soomaaliyeed ee dadkooda ay wax ku noqdeen qaraxa."

"Weli falalka argagaxisada waxay noo muujinayaan inay cadow ku yihiin nabadda ayna dibadda ka yihiin dhaqanka Soomaalida. Mar walba waxay isku dayayaan inay weeraraan shacabka, balse way ku guuldarreysanayaan," ayuu taliye xigeenku ku daray hadalkiisa.

Jen. Nduwumunsi wuxuu sheegay in shacabka Muqdisho ay ku dhiirrigelinayaan inay kusoo wargeliyaan wararka ku saabsan falalka qaraxyada iyo weerarradan noocan oo kale ah. Isagoo sheegay in shacabku ay ogaadaan inay iyagu yihiin kuwa dhisi kara nabad ay ku noolaadaan.

Ugu dambeyn, warsaxaafadeedka AMISOM waxaa lagu sheegay in tiyaartarka Muqdisho la dib loo furay laba todobaad ka hor markii ugu horreysay 20-sano oo uu xirnaa kaddib. Sidoo kalena ay cidamada ammaanku fashiliyeen toddobaadyadii ugu dambeeyay weerarro qorsheysan oo laga fulin lahaa Muqdisho.

Maxamed Xaaji Xuseen, Hiiraan Online
[email protected]
Muqdisho, Soomaaliya