3/28/2024
Today from Hiiraan Online:  _
Wararka Maanta- Arbaco, Apr 4 , 2012
Ra'iisul Wasaaraha Somalia oo sheegay in Qaraxii Tiyaatarka uusan wax saameyn ah ku yeelanayn Xukuumad ahaan

Arbaco, Abriil 04, 2012 (HOL) — Ra'iisul wasaaraha Soomaaliya, Cabdiweli Maxamed Cali oo ka hadlay qaraxii ka dhacay Tiyaatarka Muqdisho ayaa sheegay inuusan wax khasaare ah kasoo gaarin, isagoo ku tilmaamay qarax fulaynimo ah oo waxyeello ay kasoo gaartay dad shacab ah.

C/weli Gaas ayaa sheegay in wasiirrada dowladda ay ka badbaadeen dhimasho, balse ay dhaawacyo jiraan, isagoo xusay in qaraxa ay fulisay garbar goobta ku sugnayd, xilli uu jeedinayay khuadbad.

"Weerarkan wuxuu ahaa mid fulaynimo ah oo ay fulisay Al-shabaab, waxayna caado u leeyihiin markii looga adkaado dagaallada tooska ah inay soo qaadaan weerarro ay ku waxyeelleynayaan shacabka," ayuu yiri ra'iisul wasaaraha Soomaaliya.

Sidoo kale, ra'iisul wasaaruhu wuxuu sheegay in qaraxa ay ku dhinteen Aadan Xaaji Yabarow Wiish iyo Siciid Mugaanbe oo ahaa saraakiisha isboortiga Soomaalida, isagoo Alle uga baryay inuu u naxariisto iyaga iyo intii kale ee ku dhintay.

"Dabcan dhacdan waa mid argagaxiso, waana caadadooda markii looga adkaado dagaalka inay laayaan masaakiibta iyo shacabka, waxaa naga go'an xukuumad ahaan inaan la dagaalanno inta aan ka sifeynayno dalka oo dhan," ayuu yiri C.weli Gaas.

Ra'iisul wasaaruhu wuxuu sheegay inaysan xukuumad ahaan wax difeeto ah ku yeelanayn qaraxa dhacay maanta, isagoo shacabka ku boorriyay inay isdajiyaan wax dhibaato ahna aysan jiri doonin, ayna dowladdu ballaanqaadayso inay ammaanka adkeynayso.

Maxamed Xaaji Xuseen, Hiiraan Online
[email protected]
Muqdisho, Soomaaliya













Click here
4/4/2012 9:18 AM EST
Arbaco, April 04, 2012(HOL):Saaka barqadii 11:45 daqiiqo ayaa waxaa uu qarax ka dhacay gudaha tiyaatarka qaranka Soomaaliyeed, kaasi oo geystay dhimasho iyo dhaawac soo gaartay dad muhiim u ah bulshada Soomaaliyeed.

4/4/2012 8:34 AM EST
Arbaco, Abriil 04, 2012 (HOL) — Warsaxaafadeed kasoo baxay taliska ciidamada Midowga Afrika ee AMISOM, ayaa lagu sheegay in weerarkii Tiyaatarka uu ahaa mid ismiidaamin ah oo ay fulisay haweeney, kaasoo ay ku dhinteen dad shacab ah kuwo kalena ay ku dhaawacmeen.

4/4/2012 7:53 AM EST
Arbaco, Abriil 04, 2012 (HOL) — Xarakada Al-shabaab ayaa sheegtay inay iyadu mas'uul ka ahady qarax khasaare badan geystay oo ka dhacay Tiyaatarka Muqdisho maanta, xilli ay ka socotay xaflad lagu maamuusayay furitaankii telefishinkta Qaranka.

4/4/2012 5:33 AM EST
Arbaco, Abriil 04, 2012 (HOL) — Qarax sababay dhimsho iyo dhaawaca fara badan maanta oo Arbaco ah ayaa ka dhacay golaha murtida iyo madadaaalada ee Muqdisho oo ay ka socotay munaasabad lagu xusayay sannadguuradii koowaad ee kasoo wareegtay markii dib loo howlgeliyay telefishinka dowladda Soomaaliya.

4/4/2012 3:15 AM EST
Arbaco, Abriil 04, 2012 (HOL) — Magaalada Muqdisho oo ah xarunta dalka Soomaaliya oo ay xasillooni-darro ay ka jirtay muddo 21-sano ah ayaa u muuqata xiligan mid xaaladdeeda nololeed ay caadi kusoo laabanayso.

4/4/2012 2:41 AM EST
Arbaco, Abriil 04, 2012 (HOL) — Xarakada Al-shabaab ayaa sheegtay inay saakay la wareegeen gacan ku haynta degmada Ceelbarde ee gobolka Bakool, halkaasoo saldhig u ahayd ciidamada dowladda KMG ah saddexdii sano ee lasoo dhaafay.

4/4/2012 2:39 AM EST
Arbaco, Abriil 04, 2012 (HOL) — Guddoomiyaha guddiga fulinta ee ururka Ahlusunna Waljamaaca, Sheekh Maxamed Yuusuf Xeefow ayaa sheegay in ciidamada Itoobiya ee gacanta ku siinaya dagaallada ay kula jiraan Al-shabaab ay isaga bixi doonaan deegaannada ay ka taliyaan dhammaadka bishan Abriil.