4/19/2024
Today from Hiiraan Online:  _
Wararka Maanta- Arbaco, Apr 4 , 2012
Al-shabaab oo sheegatay mas'uuliyadda Qaraxii ka dhacay tiyaatarka iyo Dowladda KMG ah oo ka hadashay

Arbaco, Abriil 04, 2012 (HOL) — Xarakada Al-shabaab ayaa sheegtay inay iyadu mas'uul ka ahady qarax khasaare badan geystay oo ka dhacay Tiyaatarka Muqdisho maanta, xilli ay ka socotay xaflad lagu maamuusayay furitaankii telefishinkta Qaranka.

Saraakiil u hadlay Al-shabaab ayaa sheegay in weerarkaas lagu dilay saraakiil ka tirsan ciidamada dowladda, xildhibaanno iyo xubno kale oo dowladda ka tirsan, waxayna sheegeen in weerarkan uu ka mid yahay kuwa ay la beegsanayaan goobaha ay dowladdu ku sugan tahay.

Al-shabaab waxay sheegeen in weerarka uusan ahayn mid ismiidaamin ah, balse uu ahaa mid meesha lagu sii diyaariyay, halka la sheegayo in qaraxaas ay fulisay gabar dhallinyaro ah oo ka mid ahayd dadkii ku sugnaa goobta xafladdu ka dhacaysay.

Weerarkan oo ahaa mid si lama filaan ah u dhacay ayaa waxaa ku dhintay dad ka badan lix qof oo ay ku jiraan madaxda isboortiga Soomaalida, kuwaasoo mid ahaa xubnihii lagu casuumay munaasabadda.

Sidoo kale, waxaa weerarka ku dhaawacmay in ka badan 20-qof oo u badan dad shacab ah, waxaana dhaawacyada la dhigay isbitaallada Muqdisho sida isbitaalka Madiina iyo midka Daarul-shifa oo gaar loo leeyahay.

Dowladda Soomaaliy ayaa sheegay in weerarkan uusan wax niyad-jab ah ku keenayn howlaha ay ku doonayaan inay ku sugaan ammaanka Muqdisho, sidoo kalena ay sii wadi doonaan dagaalka ay kula jiraan xoogagga Al-shabaab.

Maxamed Xaaji Xuseen, Hiiraan Online
[email protected]
Muqdisho, Soomaaliya