4/26/2024
Today from Hiiraan Online:  _
Wararka Maanta- Arbaco, Apr 4 , 2012
Xarakada Al-shabaab oo saakay aroortii hore la wareegtay gacan ku haynta degmada Ceel-barde ee Gobolka Bakool

Arbaco, Abriil 04, 2012 (HOL) — Xarakada Al-shabaab ayaa sheegtay inay xoogaggeedu saakay aroortii la wareegeen gacan ku haynta degmada Ceelbarde ee gobolka Bakool, halkaasoo saldhig u ahayd ciidamada dowladda KMG ah saddexdii sano ee lasoo dhaafay.

War laga sii daayay idaacad ku hadasha afka Al-shabaab oo lagu magacaabo Andulus ayaa lagu sheegtay in in dagaal 5:00 aroornimo ee sakay billowday ay ugu suurogashay xoogagooddu inay qabsadaan degmadaas oo ku dhow soohdinta ay wadaagaan Soomaaliya iyo Itoobiya.

"Mujaahidiinta waxay saakay weerar ku qaadeen degmada Ceelbarde, dagaal hal saac socday kaddibna waxaa u suurogashay inay gacanta ku dhigaan," ayuu yiri sarkaal ka tirsan Al-shabaab sheegay in dagaalkaay ku dhinteen ugu yaraan 20-qof oo dhinacyadii dagaalamay ka tirsan, kuwaasoo ay ku jiraan saraakiil.

Sarkaalka u hadlay Al-shabaab ayaa sheegay in dagaalka ay ku dileen shan mas'uul oo ka tirsan DKMG ah, kuwaasoo ay sheegeen inuu ku jiro guddoomiyihii degmada Ceelbarde ee dowladda KMG ah, Cumar Dheere iyo xubno kale oo maamulka ka tirsanaa.

Inkastoo hadal kasoo baxay dhinaca dowladda uusan jirin, haddana xoogaga Al-shabaab ayaa laba toddobaad ka hor waxay ciidamada Itoobiya iyo kuwa DKMG ah oo isgarabsanaya kala wareegeen gacan ku haynta degmada Xudur oo xarun u ah gobolka Bakool.

Xarakada Al-shabaab ayaa sheegtay inay billaabeen dagaallo dhuumaaleysi ah si ay dib ugu qabsadaan deegaannadii ay isaga baxeen, waxaana sidoo kale saraakiisha u hadlay Al-shabaab ay sheegeen in saakay ay sidoo kale weerareen deegaan lagu magacaabo Hoosingoow oo ka tirsan gobolka Jubbada hoose.

Maxamed Xaaji Xuseen, Hiiraan Online
[email protected]
Muqdisho, Soomaaliya