4/24/2024
Today from Hiiraan Online:  _
Wararka Maanta- Arbaco, Apr 4 , 2012
Guddoomiyaha Guddiga Fulinta Ahlusunna oo shaaciyay waqtiga ay ciidamada Itoobiya ka baxayaan deegaanadooda

Arbaco, Abriil 04, 2012 (HOL) — Guddoomiyaha guddiga fulinta ee ururka Ahlusunna Waljamaaca, Sheekh Maxamed Yuusuf Xeefow ayaa sheegay in ciidamada Itoobiya ee gacanta ku siinaya dagaallada ay kula jiraan Al-shabaab ay isaga bixi doonaan deegaannada ay ka taliyaan dhammaadka bishan Abriil.

Sheekh Xeefow ayaa sheegay in xilligaas lasoo gabagabeyn doono dagaalka lagula jiro Al-shabaab ayna rajeynayaan in gobolka oo dhan ay la wareegi doonaan. Sidoo kale wuxuu sheegay inay uga mahadcelinayaan ciidamada Itoobiya gacanta ay ku siinayaan howlgallada socda.

"Waxaan qorsheynaynaa in ciidamada Itoobiya ay bishan dhammaadkeeda ay isaga baxaan gobollada aan ka talino, markaasoo aan soo gabagabeyn doonno howlgalka aan wadno," ayuu yiri Sheekh Xeefow.

Ma jiro hadal ku aaddan arrintan oo kasoo baxay dowladda Itoobiya, iyadoo bishii hore uu ra'iisul wasaaraha Itoobiya, Meles Zenawi sheegay in ciidamadiisa uusan kala bixi doonin Soomaaliya inta laga adkaanayo Al-shabaab.

Dhanka kale, guddoomiyaha golaha fulinta ee Ahlusunna wuxuu sheegay in Al-shabaab ay bilaabeen inay dadka cabsi-geliyaan, balse dadku ay taas ka madax adaygeen oo ay billaabeen inay dib ugu laabtaan deegaannadooda sida degmada Ceelbuur iyo Maxaas.

Ciidamada Itoobiya ayaa dhamaadkii bishii lasoo dhaafay ee Maarso gudaha u galay gobolka Galguduud, maalmo kaddib markii Al-shabaab ay weerar kaddis ah ku qabsadeen degmada Dhuusomareeb ee xarunta gobolka Galguduud.

Maxamed Xaaji Xuseen, Hiiraan Online
[email protected]
Muqdisho, Soomaaliya