Saturday, May 25, 2013
Today from Hiiraan Online:  _
Wararka Maanta- Axad, Apr 29, 2012
Jaaliyada Soomaaliyeed ee ku dhaqan Gobolka Minnesota ee wadanka Mareykanka oo munaasibad mahadcelin ah u sameeyey dowladda Turkiga iyo Mas’uuliyiin Turkiga ka socday oo ka qeyb-galay.


Minneapolis, MN (USA)

Axad, Abriil 29, 2012  (HOL) - Munaasibadaan, oo ahayd mid aad u balaaran oo si weyn loo soo agaasimay ayaa waxaa ka soo qeyb-galay boqolaal Soomaali ah oo ka kala yimid qeybaha kala duwan ee gobolka Minnesota oo ah halka Soomaalida ugu badan ee wadanka Mareykanku ay ku dhaqan yihiin, iyadoo sidoo kalena ay munaasibada Soomaalida kala soo qeyb-galeen mas’uuliyiin ka socotay dowladda Turkiga gaar ahaanna safiir ku xigeenka safaarada Turkigu ku leeyahay wadanka Mareykanka Mr: Timur Soylemez.

Munaasibada ayaa waxaa ka hadlay dad aad u tiro badan oo isugu jira aqoonyahano, waxgarad, haween iyo waliba cuqaal, waxaaana dhammaantood ay si isku mid ah dowladda Turkiga kaga mahaceliyeen gurmadkii ay Soomaaliya ka geysatay xiligii ay macaluushu ku dhufatay iyo waliba dadaalada horumarineed ay wali dowladda Turkigu ka wada gudaha Soomaaliya.

Xaashi Shaafi, oo madax ka ah urur u dooda xaquuqda dadka Soomaalida gobolka, islamarkaasna uu ururkiisu munaasibadaan soo abaabulay, ayaa ujeeda munaasibada ku sheegay in ay dowladda Turkiga tusaan sida ay Soomaalidu u aragto waxqabadka ay ka hayso gudaha Soomaaliya iyo waliba gargaarkii ay gaysatay xiligii macaluushu ku dhufatay Soomaaliya.

“Ujeedadeenu waxaa ay ahayd in aan muujino in aan nahay kuma abaal leh oo og wixii loo sameeyey, islamarkaasna aan ka mahadcelino wixii naloo qabtay, sidoo kalena aan raali ka nahay waxaa ay dowladda Turkigu ka sameynayso gudaha wadankeeni Soomaaliya, halka aan mahadcelintaasi marin karno waxaa ahayd safaarada oo dowladda mashatasha, waana taasi sababta aan safiir ku xigeenka halkaan Minnesota ugu casuunay,” ayuu yiri Xaashi Shaafi.

Dadkii munaasibadaan ka hadlay ayaa waxaa ka mid ahayd, Hodan Ciise, oo ah marwada ra’isal wasaaraha Soomaaliya Cabdiwali Maxamed Cali, waxaana ay sheegtay in dowladda Turkigu kaalin muhiim ah ka qaadatay samata bixinta dadka Soomaaliyeed oo mudo dheer ku soo dhex-jiray dhibaato baahday, islamarkaasna ay indhaha caalamka ku soo jeedisay in wax laga qabto xaalada Soomaaliya.

Sidoo kale, waxaaa ka mid ahaa dadkii munaasibadaan ka hadlay Sh. Xassan Jaamici oo ka mid aqoon-yahanada Soomaaliyeed ee ku dhaqan gobolka Minnesota, kaasi oo sharaxay bilowga iyo waqtiga soo jireenka ah ee xiriirka ka dhexeeya Soomaaliya waliba Turkiga, isagoo sidoo kalana goobtaasi ka aqriyey gabi ka turjumaya waxqabadka dowladda Turkiga ee Soomaaliya waliba sida ay dadka Soomaaliyeed ugu riyaaqeen.

Safiir ku xigeenka safaarada Turkiga Mr Tumer Soylemes, oo gabagabadii munaasibada ka hadlay ayaa bulshada Soomaaliyeed ee ku dhaqan gudaha dibada uga mahadceliyey soo dhaweynta balaaran ee ay kala kulmeen iyo waliba sidii ay ugu oogalaadeen in ay gudaha Soomaaliya tagaan islamarkaasna ay howlo ka fuliyeen.

“Waxaan idiin sheegayaa Dowladda Turkigu marnaba raali kama noqoneyso in ay Soomaaliya sii ahaato qaran guul-daraystay oo maxbuus u ah macaluul iyo colaad, waxaanse doonaynaa in ay Soomaaliya noqoto qaran buuxa lugihiisa ku istaaga,” ayuu yiri Timur Soylemez, oo intaasi ku daray in Soomaalida looga fadhiyo in ay ka shaqeeyaan xal u helida wadankooda.

“Ma jirto cid kale oo dhibtiina xalinaysa, hase ahaatee idinka ayaa la idin kaga baahan yahay xalka in aad gacmihiina ku keentaan, oo aad ka shaqeysaan nabadeynta iyo dib u dhiska wadankiina, waana taasi midda anaga na dhiiragalinaysa, idinkana idin farxad galinaysa,”  ayuu yiri safiir ku xiigeenka dowladda Turkiga ee Mareykanka u fadhiya.

Gabagabadii munaasibada ayaa qaar ka mid ah ururada ka shaqeeya gargaarka ee ay Soomaalidu leedahay gobolka Minnesota iyo waliba dhalinyaro, waxaa ay safiir ku xigeenka Turkiga gudoonsiiyeen hadyado kala duwan oo qaarkood ay ahaayeen muuqaalo iyo astaamo lagu muujinayey midnimada Soomaaliya iyo Turkiga.


Maxamed Faarax Talyaani, Hiiraan Online
mtalyaani@hiiraan.com
Minneapolis,Minnesota





Post your comments

4/29/2012 10:17 AM EST
Kulan ballaaran oo ay soo qabanqaabiyeen taageerayaasha madasha Rajo ayaa xariga looga jaray madashaasi cusub oo noqon doonta dhaqdhaqaaq siyaasi ah oo ku soo biiray saaxada siyaasada Soomaalida.

4/29/2012 8:45 AM EST
Axad, Abriil 29, 2012 (HOL) — Hay'adda samofalka Turkiga ee Kimse Yok Mu ayaa u mahadcelisay deeq-bixiyeyaashii taageeray shacabka Soomaaliyeed xilligii ay jirtay abaartii macluusha dhalisay.

4/29/2012 8:24 AM EST
Axad, Abriil 29, 2012 (HOL)- Maxkamadda sare ee Somaliland, ayaa afar gacan ku dhiigle ku xukuntay dil toogasho ah, ka dib markii hore loogu eedeeyey inay dilal toos ah ay ka sameeyeen gobolka Togdheer.

4/29/2012 8:22 AM EST
Axad, Abriil 29, 2012 (HOL) — Kooxo hubeysan ayaa magaalada Muqdisho ku dilay saddex askari oo ka tirsan ciidamada DKMG ah ee Soomaaliya, iyadoo sidoo kalena dagaal dhexmaray askar ka tirsan ciidamada dowladda uu ku dhintay hal qof halka ay shan qof oo kalena ku dhaawacmeen.

4/29/2012 8:10 AM EST
Axad, April 29, 2012(HOL): Ra’iisul Wasaaraha Xukuumada Federaalka KMG ah ee Soomaaliya Dr. Cabdiweli Maxamed Cali ayaa maanta kulan la qaatay Uraradda Bulshada Rayidka ah.

4/29/2012 6:49 AM EST
Axad, April 29, 2012(HOL): Waxaa xalay la soo gebagebeeyay qeybtii labaad ee tartankii hirgelinta heesaha kaasi oo lagu qatay magaalada Gävle ee dalka Sweden, iyadoo habeen hore uu tartankan si rasmi ah uga soo biowday Magaalada Örebro ee isla dalka Sweden.

4/29/2012 6:48 AM EST
Axad, Abriil 29, 2012 (HOL) — Booliiska dalka Kenysa ayaa sheegay in ugu yaraan hal qof uu ku dhintay 10-qof oo kalena ay ku dhaawacmeen bam-gacmeed maanta oo Axad ah lagu weeraray kaniisad ku taalla bartamaha magaalada Nairobi ee dalka Kenya.

4/29/2012 6:24 AM EST
Axad, Abriil 29, 2012 (HOL) — Guddoomiyaha ururka Raaskaambooni ee ka dagaalama Jubbooyinka, Sheekh Axmed Max'ed Islaam (Axmed Madoobe) ayaa maanta booqasho ku tagay furimaha hore ee dagaalka, isagoona goobahaasi kula hadlay cutubyo katirsan ciidamada ururka Raaskaambooni.

4/29/2012 3:28 AM EST
Axad, Abriil 29, 2012 (HOL) — Isbahaysiyada isbeddel-doonka Soomalaiyeed oo ay ku mideeysan yihiin ururro siyaasadeed iyo xisbiyo ay ka mid yihiin ayaa shalay soo saaray bayaan cinwaan looga dhigay - Geeddi socodka Dowlad-dhisidda Somalia.

4/29/2012 3:06 AM EST
Axad, Abriil 29, 2012 (HOL) — Maamulka Puntland ayaa war kasoo saakay dil loogu geystay deegaanka Isku-shuban ee gobolka Bari sarkaal u shaqeynayay shirkadda SARISAN oo Puntland ka taageerta dhinaca tababarrada ciidamada la dagaalanka burcadbadeedda.

4/29/2012 2:54 AM EST
Axad, Abriil 29, 2012 (HOL) — Diyaarad rakaab kasoo qaaday magaalada Hargeysa ayaa ku burburtay garoonka diyaaradaha ee magaalada Gaalkacyo gallinkii dambe ee shalay, kaddib markii ay si lama filaan ah uga baxday jidkii ay ku cararaysay, iyadoo diyaaraddu ay laba u kala jabtay.

4/29/2012 2:42 AM EST
Axad, Abriil 29, 2012 (HOL) — Dowladda KMG ah ee Soomaaliya ayaa sheegtay in la ansixinayo dastuurka cusub ee Soomaaliya, uuna dhawaan billaaban doono shirkii loogu talogalay ansixinta dastuurka.

4/29/2012 2:23 AM EST
Axad, Abriil 29, 2012 (HOL) — Dagaallo saf-ballaaran oo xalay Muqdisho ku dhexmaray ciidamada DKMG ah oo garbsanaya AMISOM iyo xoogagga Al-shabaab ayaa xalay ka dhacay duleedka galbeed ee magaalada Muqdisho, waxayna saameyn ku yeesheen dagaalladan saameyn ku yeesheen dadka ku nool deegaanka Xoosh ee degmadfa Dharkeynley.

4/29/2012 2:20 AM EST
Axad, Abriil 29, 2012 (HOL) — Ugu yaraan saddex qof ayaa ku dhintay 10-qof oo kalena way ku dhaawacmeen kaddib bambooyin xalay lagu weeraray shineemo ku taalla degmada Hodan, gaar ahaan agagaarka Tarabuunka.