Sunday, May 19, 2013
Today from Hiiraan Online:  _
Wararka Maanta- Axad, Apr 29, 2012
Kooxo hubeysan oo Toogasho ku dilay Askar ka tirsan Ciidamada Dowladda KMG iyo Iskahorimaad dhexmaray Ciidammo kale

Axad, Abriil 29, 2012 (HOL) — Kooxo hubeysan ayaa magaalada Muqdisho ku dilay saddex askari oo ka tirsan ciidamada DKMG ah ee Soomaaliya, iyadoo sidoo kalena dagaal dhexmaray askar ka tirsan ciidamada dowladda uu ku dhintay hal qof halka ay shan qof oo kalena ku dhaawacmeen.

Askarta la dilay ayaa ku sugnaa isgoyska Maanaboolyo ee degmada Boondheere iyadoo kooxihii dilay ay goobtaas ka baxsadeen sida ay dad goobjoogayaalo ah u sheegeen warbaahinta.

"Waxaa isgoyska Maanaboolyo lagu dilay saddex askari oo ka tirsan ciidamada dowladda KMG ah, waxaana toogtay kooxo bastoolado ku hubeysan oo goobta ka baxsaday," ayuu yiri goobjooge ku suganaa isgoyska xilliga uu falku dhacayay.

Goobjoogaha ayaa sheegay in askarta la dilay maydadkooda loo qaaday isgoyska Fagax, lamana oga in ciidamada la dilay ay hub wateen iyo in kale, waxaase falkan uu noqonayaa kii ugu horreeyay oo kooxo hubeysan ay mar qura ku dilaan saddex askari oo ka tirsan ciidamada dowladda.

Dhanka kale, iskahorimaad ciidammo kawada dowladda KMG ah ku dhexmaray agagaarka Tarabuunka Muqdisho ayaa waxay sababtay dhimashada qof rayid ah iyo dhaawaca shan kale oo ay ka jireen qaar ka mid ah askartii uu dagaalku dhexmaray.

Iskahorimaadka dhexmaray ciidamada ayaa wuxuu ka dhashay markii askar ka mid ah kuwa dagaalamay ay isku dayday inay boobaan raashin loo qaybinayay dad barakacayaal ah, iyadoo ay ka hortageen ciidamada doonayay inay gargaarka dhacaan.

Magaalada Muqdisho ayaa waxaa kusoo kordhaya maalmihii ugu dambeeyay dilalka qorsheysan ee ay geysanayaan kooxaha hubeysan, qaraxyada kuwaasoo ay kasoo gaarto khasaaraha ugu badan dadka shacabka ah.

Maxamed Xaaji Xuseen, Hiiraan Online
maxuseen@hiiraan.com
Muqdisho, Soomaaliya





Post your comments

4/29/2012 6:46 PM EST
Minneapolis, MN (HOL) - Munaasibadaan, oo ahayd mid aad u balaaran oo si weyn loo soo agaasimay ayaa waxaa ka soo qeyb-galay boqolaal Soomaali ah oo ka kala yimid qeybaha kala duwan ee gobolka Minnesota oo ah halka Soomaalida ugu badan ee wadanka Mareykanku ay ku dhaqan yihiin,

4/29/2012 10:17 AM EST
Kulan ballaaran oo ay soo qabanqaabiyeen taageerayaasha madasha Rajo ayaa xariga looga jaray madashaasi cusub oo noqon doonta dhaqdhaqaaq siyaasi ah oo ku soo biiray saaxada siyaasada Soomaalida.

4/29/2012 8:45 AM EST
Axad, Abriil 29, 2012 (HOL) — Hay'adda samofalka Turkiga ee Kimse Yok Mu ayaa u mahadcelisay deeq-bixiyeyaashii taageeray shacabka Soomaaliyeed xilligii ay jirtay abaartii macluusha dhalisay.

4/29/2012 8:24 AM EST
Axad, Abriil 29, 2012 (HOL)- Maxkamadda sare ee Somaliland, ayaa afar gacan ku dhiigle ku xukuntay dil toogasho ah, ka dib markii hore loogu eedeeyey inay dilal toos ah ay ka sameeyeen gobolka Togdheer.

4/29/2012 8:10 AM EST
Axad, April 29, 2012(HOL): Ra’iisul Wasaaraha Xukuumada Federaalka KMG ah ee Soomaaliya Dr. Cabdiweli Maxamed Cali ayaa maanta kulan la qaatay Uraradda Bulshada Rayidka ah.

4/29/2012 6:49 AM EST
Axad, April 29, 2012(HOL): Waxaa xalay la soo gebagebeeyay qeybtii labaad ee tartankii hirgelinta heesaha kaasi oo lagu qatay magaalada Gävle ee dalka Sweden, iyadoo habeen hore uu tartankan si rasmi ah uga soo biowday Magaalada Örebro ee isla dalka Sweden.

4/29/2012 6:48 AM EST
Axad, Abriil 29, 2012 (HOL) — Booliiska dalka Kenysa ayaa sheegay in ugu yaraan hal qof uu ku dhintay 10-qof oo kalena ay ku dhaawacmeen bam-gacmeed maanta oo Axad ah lagu weeraray kaniisad ku taalla bartamaha magaalada Nairobi ee dalka Kenya.

4/29/2012 6:24 AM EST
Axad, Abriil 29, 2012 (HOL) — Guddoomiyaha ururka Raaskaambooni ee ka dagaalama Jubbooyinka, Sheekh Axmed Max'ed Islaam (Axmed Madoobe) ayaa maanta booqasho ku tagay furimaha hore ee dagaalka, isagoona goobahaasi kula hadlay cutubyo katirsan ciidamada ururka Raaskaambooni.

4/29/2012 3:28 AM EST
Axad, Abriil 29, 2012 (HOL) — Isbahaysiyada isbeddel-doonka Soomalaiyeed oo ay ku mideeysan yihiin ururro siyaasadeed iyo xisbiyo ay ka mid yihiin ayaa shalay soo saaray bayaan cinwaan looga dhigay - Geeddi socodka Dowlad-dhisidda Somalia.

4/29/2012 3:06 AM EST
Axad, Abriil 29, 2012 (HOL) — Maamulka Puntland ayaa war kasoo saakay dil loogu geystay deegaanka Isku-shuban ee gobolka Bari sarkaal u shaqeynayay shirkadda SARISAN oo Puntland ka taageerta dhinaca tababarrada ciidamada la dagaalanka burcadbadeedda.

4/29/2012 2:54 AM EST
Axad, Abriil 29, 2012 (HOL) — Diyaarad rakaab kasoo qaaday magaalada Hargeysa ayaa ku burburtay garoonka diyaaradaha ee magaalada Gaalkacyo gallinkii dambe ee shalay, kaddib markii ay si lama filaan ah uga baxday jidkii ay ku cararaysay, iyadoo diyaaraddu ay laba u kala jabtay.

4/29/2012 2:42 AM EST
Axad, Abriil 29, 2012 (HOL) — Dowladda KMG ah ee Soomaaliya ayaa sheegtay in la ansixinayo dastuurka cusub ee Soomaaliya, uuna dhawaan billaaban doono shirkii loogu talogalay ansixinta dastuurka.

4/29/2012 2:23 AM EST
Axad, Abriil 29, 2012 (HOL) — Dagaallo saf-ballaaran oo xalay Muqdisho ku dhexmaray ciidamada DKMG ah oo garbsanaya AMISOM iyo xoogagga Al-shabaab ayaa xalay ka dhacay duleedka galbeed ee magaalada Muqdisho, waxayna saameyn ku yeesheen dagaalladan saameyn ku yeesheen dadka ku nool deegaanka Xoosh ee degmadfa Dharkeynley.

4/29/2012 2:20 AM EST
Axad, Abriil 29, 2012 (HOL) — Ugu yaraan saddex qof ayaa ku dhintay 10-qof oo kalena way ku dhaawacmeen kaddib bambooyin xalay lagu weeraray shineemo ku taalla degmada Hodan, gaar ahaan agagaarka Tarabuunka.