Wednesday, June 19, 2013
Today from Hiiraan Online:  _
Wararka Maanta- Axad, Apr 29, 2012
Ra’iisal Wasaaraha Soomaaliya oo la kulmay xubno ka socday bulshada rayidka


Axad, April 29, 2012(HOL): Ra’iisul Wasaaraha Xukuumada Federaalka KMG ah ee Soomaaliya Dr. Cabdiweli Maxamed Cali ayaa maanta kulan la qaatay Uraradda Bulshada Rayidka ah.

Kulanka maanta uu isugu yeeray Ra’iisul Wasaaraha Xukuumada Federaalka KMG Soomaaliya ayaa waxaa ka soo qeyb galay qeybaha kala duwan ee Bulshada Rayidka ah, Iyadoona looga hadlayay Arrimaha Roadmap-ka, Amniga, Dib-u-heshiisiinta, Isgaarsiinta Maamuladda, Dhameystirka Dastuurka, Dib-u-habeynta Baarlamaanka iyo dowlad wanaaga, Iyadoona  dowr muhiin ah ay dowladda ka siiyay bulshada rayidka ah.

Ra’iisul Wasaaraha ayaa sheegay in kulanka uu ku saabsan yahay in dowladda iyo Bulshada Rayidka ah ay kala warqaataan oo ay is dhaafsadaan fikirado iyo talooyinka ay u hayaan dowladda maadaama ay matalaan Shacabka Soomaaliyeed.

Wuxuu kaloo uu Ra’iisul Wasaaruhu sheegay in Bulshada Rayidka kaalin muhiin ah ka qaataan isbedelladda soo socda si loogu guuleysto hadafka ah in la helo dowladd rasmi ah oo karti leh iyo iney dalka ka saarto marxaladaha adag.


“Bulshada rayidka waa iney kaalin hogaamineed ka qaataan arrimaha bulshada sida, Waxbarashada,Caafimaadka, dhamaan adeegyadda bulshada iyo in Bulshada Rayidka lagu dhiiri geliyo iney si joogta ah ula xisaabtamaan dowladda si loo gaaro maamul wanaag dhameystiran”.

Waxaa kaloo warbixin laga bixiyay Roadmap-ka iyo hormarka laga sameeyay iyadoona la xusan in Roadmap-ka la saxiixay 6-dii September, markaa kadib waxaa bilowday in Soomaalida ay dalka gudihiisa shirar ku qabsadaan kana hadlaan mustaqbalkooda iyagoona isku xirmay gaaridda maamul gobaleedyada, Bulshada Rayidka iyo dowladda.

Sidoo kale Ra’iisul Wasaaraha ayaa  xusay in Dastuurka la soo dhameystiray 20-kii April muddo 8 sano kadib, Dastuur ku saleysan Shareecadda Islaamka iyo xeerarka Soomaaliyeed, Wadatashiyo lala sameeyay bulshada rayidka welina ay sii socon doonaan inta laga ansixiyano dastuurka

“135 Oday dhaqameed ayaa soo xuleyso Ergadii Ansixin laheyd Dastuurka oo dhan 825, 15 may ayay isku imaan doonaan oo ay ka doodaan Dastuurka-Ansixintoodana ay noqoneyso mid Kumeel Gaar ah inta laga helayo Afti guud ee Shacabka, iyo in June bartamaheeda Dib u habeyn lagu sameeyo Baarlamaanka  la helana  Baarlamaan tayo leh”.

Ugu dambeyntii Bulshada Rayidka ayaa lagula dardaarmay iney kaalin hogaamineed ka qaataan oo ay la shaqeeyaan Odey dhaqameedka oo ay ka saacidaan sidii loo soo xulli lahaa Ergo tayo lehoo si wanaagsan uga doodi kara dastuurka kuna sameyn karta isbedelada laga mamaarmaanka ah si ay KMG u ansixiyaan, islamarkaana ay bulshada rayidka ah ay kaalin firfircoon ka qaataan wacyi gelinta bulshada si loo helo bulsho caafimaad qabta oo ka shaqeyso nabadeynta iyo xasilinta dalka iyo waliba in Bulshada Rayidka iyo dowladda ay isku xirmaan oo ay yeeshaan wada shaq1eyn dhab ah iyo in Bulshada Rayidka ay ka mid noqdaan guddiyada soo dhaweynta iyo fulinta shirarka soo socda.



Xafiiska Ra’iisal Wasaaraha Soomaaliya
Muqdisho, Soomaaliya





Post your comments

4/29/2012 6:46 PM EST
Minneapolis, MN (HOL) - Munaasibadaan, oo ahayd mid aad u balaaran oo si weyn loo soo agaasimay ayaa waxaa ka soo qeyb-galay boqolaal Soomaali ah oo ka kala yimid qeybaha kala duwan ee gobolka Minnesota oo ah halka Soomaalida ugu badan ee wadanka Mareykanku ay ku dhaqan yihiin,

4/29/2012 10:17 AM EST
Kulan ballaaran oo ay soo qabanqaabiyeen taageerayaasha madasha Rajo ayaa xariga looga jaray madashaasi cusub oo noqon doonta dhaqdhaqaaq siyaasi ah oo ku soo biiray saaxada siyaasada Soomaalida.

4/29/2012 8:45 AM EST
Axad, Abriil 29, 2012 (HOL) — Hay'adda samofalka Turkiga ee Kimse Yok Mu ayaa u mahadcelisay deeq-bixiyeyaashii taageeray shacabka Soomaaliyeed xilligii ay jirtay abaartii macluusha dhalisay.

4/29/2012 8:24 AM EST
Axad, Abriil 29, 2012 (HOL)- Maxkamadda sare ee Somaliland, ayaa afar gacan ku dhiigle ku xukuntay dil toogasho ah, ka dib markii hore loogu eedeeyey inay dilal toos ah ay ka sameeyeen gobolka Togdheer.

4/29/2012 8:22 AM EST
Axad, Abriil 29, 2012 (HOL) — Kooxo hubeysan ayaa magaalada Muqdisho ku dilay saddex askari oo ka tirsan ciidamada DKMG ah ee Soomaaliya, iyadoo sidoo kalena dagaal dhexmaray askar ka tirsan ciidamada dowladda uu ku dhintay hal qof halka ay shan qof oo kalena ku dhaawacmeen.

4/29/2012 6:49 AM EST
Axad, April 29, 2012(HOL): Waxaa xalay la soo gebagebeeyay qeybtii labaad ee tartankii hirgelinta heesaha kaasi oo lagu qatay magaalada Gävle ee dalka Sweden, iyadoo habeen hore uu tartankan si rasmi ah uga soo biowday Magaalada Örebro ee isla dalka Sweden.

4/29/2012 6:48 AM EST
Axad, Abriil 29, 2012 (HOL) — Booliiska dalka Kenysa ayaa sheegay in ugu yaraan hal qof uu ku dhintay 10-qof oo kalena ay ku dhaawacmeen bam-gacmeed maanta oo Axad ah lagu weeraray kaniisad ku taalla bartamaha magaalada Nairobi ee dalka Kenya.

4/29/2012 6:24 AM EST
Axad, Abriil 29, 2012 (HOL) — Guddoomiyaha ururka Raaskaambooni ee ka dagaalama Jubbooyinka, Sheekh Axmed Max'ed Islaam (Axmed Madoobe) ayaa maanta booqasho ku tagay furimaha hore ee dagaalka, isagoona goobahaasi kula hadlay cutubyo katirsan ciidamada ururka Raaskaambooni.

4/29/2012 3:28 AM EST
Axad, Abriil 29, 2012 (HOL) — Isbahaysiyada isbeddel-doonka Soomalaiyeed oo ay ku mideeysan yihiin ururro siyaasadeed iyo xisbiyo ay ka mid yihiin ayaa shalay soo saaray bayaan cinwaan looga dhigay - Geeddi socodka Dowlad-dhisidda Somalia.

4/29/2012 3:06 AM EST
Axad, Abriil 29, 2012 (HOL) — Maamulka Puntland ayaa war kasoo saakay dil loogu geystay deegaanka Isku-shuban ee gobolka Bari sarkaal u shaqeynayay shirkadda SARISAN oo Puntland ka taageerta dhinaca tababarrada ciidamada la dagaalanka burcadbadeedda.

4/29/2012 2:54 AM EST
Axad, Abriil 29, 2012 (HOL) — Diyaarad rakaab kasoo qaaday magaalada Hargeysa ayaa ku burburtay garoonka diyaaradaha ee magaalada Gaalkacyo gallinkii dambe ee shalay, kaddib markii ay si lama filaan ah uga baxday jidkii ay ku cararaysay, iyadoo diyaaraddu ay laba u kala jabtay.

4/29/2012 2:42 AM EST
Axad, Abriil 29, 2012 (HOL) — Dowladda KMG ah ee Soomaaliya ayaa sheegtay in la ansixinayo dastuurka cusub ee Soomaaliya, uuna dhawaan billaaban doono shirkii loogu talogalay ansixinta dastuurka.

4/29/2012 2:23 AM EST
Axad, Abriil 29, 2012 (HOL) — Dagaallo saf-ballaaran oo xalay Muqdisho ku dhexmaray ciidamada DKMG ah oo garbsanaya AMISOM iyo xoogagga Al-shabaab ayaa xalay ka dhacay duleedka galbeed ee magaalada Muqdisho, waxayna saameyn ku yeesheen dagaalladan saameyn ku yeesheen dadka ku nool deegaanka Xoosh ee degmadfa Dharkeynley.

4/29/2012 2:20 AM EST
Axad, Abriil 29, 2012 (HOL) — Ugu yaraan saddex qof ayaa ku dhintay 10-qof oo kalena way ku dhaawacmeen kaddib bambooyin xalay lagu weeraray shineemo ku taalla degmada Hodan, gaar ahaan agagaarka Tarabuunka.