Thursday, May 23, 2013
Today from Hiiraan Online:  _
Wararka Maanta- Axad, Apr 29, 2012
Kaniisad ku taalla Magaalada Nairobi oo lagu Weerar Bam-gacmeed geystay Khasaare isugu jirta dhimasho iyo dhaawac (SAWIRRO)

Abandoned chairs are piled up inside the God's House of Miracles International Church after a grenade attack in Nairobi April 29, 2012. At least one person was killed and a dozen wounded in a grenade attack at a church in the Kenyan capital on Sunday, the latest in a series of attacks in the east African country since it sent troops into neighbouring Somalia.
Axad, Abriil 29, 2012 (HOL) — Booliiska dalka Kenysa ayaa sheegay in ugu yaraan hal qof uu ku dhintay 10-qof oo kalena ay ku dhaawacmeen bam-gacmeed maanta oo Axad ah lagu weeraray kaniisad ku taalla bartamaha magaalada Nairobi ee dalka Kenya.

Weerarkan ayay saraakiisha booliiska Kenya waxay mas'uliyaddiisa ku eedeeyeen Xarakada Al-shabaab, waxaana xilliga weerarku dhacay ku sugnaa dad masiixiyiin ah oo ku cibaadeysayay.

"Hal qof ayaa dhintay, toban qof oo kalena way ku dhaawacmeen," ayuu yiri afhayeenka booliiska Kenya, Eric Kiraithe, iyagoo sheegay in kuwii weerarka ka dambeeyay ay baxsadeen.

Ma jirto cid sheegatay mas'uuliyadda tahay weerarkaas, iyadoo saraakiisha Kenyan ay sheegeen in weerarkan uu jawaab u yahay faragelinta ay ciidamada Kenya ku sameysay dalka Soomaaliya bishii Oktoobar ee sannadkii hore.

Children stand next to their injured mother at Kenyatta National Hospital, after an explosion inside the God's House Of Miracles International Church in Nairobi April 29, 2012. At least one person was killed and a dozen wounded in a grenade attack at a church in the Kenyan capital on Sunday, the latest in a series of attacks in the east African country since it sent troops into neighbouring Somalia.

Bishii Maarso ee sannadkan ayaa bambooyin lagu weeraray goob basaska laga raaco oo ku taalla bartamaha Nairobi waxaa ku dhintay lix qof, iyadoo ay dhaawacyo kasoo gaareen 60-qof oo ka mid ahaa dadkii basaska sugayay.

Sidoo kale, bishii lasoo dhaafay hal qof ayaa ku dhintay 20-kalena dhaawacyo ayaa kasoo gaaray bambaabooyin lagu weeraray kaniisad iyo goob ay ku sugnaayeen dad masiixiyiin ah oo ku taalla magaalada Mombassa ee dalka Kenya iyo magaalo ku dhow.

Toddobaadkii hore ayay ahayd markii safaaradda Mareykanka ee Nairobi ay ka digtay weerarro qaraxyo ah ka dhici karaan magaalada Nairobi kuwaasoo ay sheegtay inay ka geysan karaan xoogagga Al-shabaab.

Kenyan policemen supervise onlookers outside the God's House Of Miracles International Church after a grenade attack in Nairobi April 29, 2012. At least one person was killed and a dozen wounded in a grenade attack at a church in the Kenyan capital on Sunday, the latest in a series of attacks in the east African country since it sent troops into neighbouring Somalia.
Kenyan paramilitary personnel guard the church door after a hand grenade attack on a church in downtown Nairobi, Kenya, Sunday, April 29, 2012, where 1 person died and more than a dozen were injured. The incident is the latest in a string of grenade attacks since Kenya sent troops into Somalia in October last year.An injured victim waits for treatment at the Kenyatta National Hospital, after an explosion inside the God's House Of Miracles International Church in Nairobi April 29, 2012. At least one person was killed and a dozen wounded in a grenade attack at the church in the Kenyan capital on Sunday, the latest in a series of attacks in the east African country since it sent troops into neighbouring Somalia.
Blood is seen on the floor of a church after a grenade attack on a church in downtown Nairobi, Kenya, Sunday, April 29, 2012, where 1 person died and more than a dozen were injured. The incident is the latest in a string of grenade attacks since Kenya sent troops into Somalia in October last year.
Injured people lay on stretchers at Kenyatta National hospital after a grenade attack on a church in downtown Nairobi, Kenya, Sunday, April 29, 2012, where 1 person died and more than a dozen were injured. The incident is the latest in a string of grenade attacks since Kenya sent troops into Somalia in October last year.
Friends of an injured victim stand by his side at the Kenyatta National Hospital, after an explosion inside the God's House Of Miracles International Church in Nairobi April 29, 2012. At least one person was killed and a dozen wounded in a grenade attack at a church in the Kenyan capital on Sunday, the latest in a series of attacks in the east African country since it sent troops into neighbouring Somalia.

Maxamed Xaaji Xuseen, Hiiraan Online
maxuseen@hiiraan.com
Muqdisho, Soomaaliya





Post your comments

4/29/2012 6:46 PM EST
Minneapolis, MN (HOL) - Munaasibadaan, oo ahayd mid aad u balaaran oo si weyn loo soo agaasimay ayaa waxaa ka soo qeyb-galay boqolaal Soomaali ah oo ka kala yimid qeybaha kala duwan ee gobolka Minnesota oo ah halka Soomaalida ugu badan ee wadanka Mareykanku ay ku dhaqan yihiin,

4/29/2012 10:17 AM EST
Kulan ballaaran oo ay soo qabanqaabiyeen taageerayaasha madasha Rajo ayaa xariga looga jaray madashaasi cusub oo noqon doonta dhaqdhaqaaq siyaasi ah oo ku soo biiray saaxada siyaasada Soomaalida.

4/29/2012 8:45 AM EST
Axad, Abriil 29, 2012 (HOL) — Hay'adda samofalka Turkiga ee Kimse Yok Mu ayaa u mahadcelisay deeq-bixiyeyaashii taageeray shacabka Soomaaliyeed xilligii ay jirtay abaartii macluusha dhalisay.

4/29/2012 8:24 AM EST
Axad, Abriil 29, 2012 (HOL)- Maxkamadda sare ee Somaliland, ayaa afar gacan ku dhiigle ku xukuntay dil toogasho ah, ka dib markii hore loogu eedeeyey inay dilal toos ah ay ka sameeyeen gobolka Togdheer.

4/29/2012 8:22 AM EST
Axad, Abriil 29, 2012 (HOL) — Kooxo hubeysan ayaa magaalada Muqdisho ku dilay saddex askari oo ka tirsan ciidamada DKMG ah ee Soomaaliya, iyadoo sidoo kalena dagaal dhexmaray askar ka tirsan ciidamada dowladda uu ku dhintay hal qof halka ay shan qof oo kalena ku dhaawacmeen.

4/29/2012 8:10 AM EST
Axad, April 29, 2012(HOL): Ra’iisul Wasaaraha Xukuumada Federaalka KMG ah ee Soomaaliya Dr. Cabdiweli Maxamed Cali ayaa maanta kulan la qaatay Uraradda Bulshada Rayidka ah.

4/29/2012 6:49 AM EST
Axad, April 29, 2012(HOL): Waxaa xalay la soo gebagebeeyay qeybtii labaad ee tartankii hirgelinta heesaha kaasi oo lagu qatay magaalada Gävle ee dalka Sweden, iyadoo habeen hore uu tartankan si rasmi ah uga soo biowday Magaalada Örebro ee isla dalka Sweden.

4/29/2012 6:24 AM EST
Axad, Abriil 29, 2012 (HOL) — Guddoomiyaha ururka Raaskaambooni ee ka dagaalama Jubbooyinka, Sheekh Axmed Max'ed Islaam (Axmed Madoobe) ayaa maanta booqasho ku tagay furimaha hore ee dagaalka, isagoona goobahaasi kula hadlay cutubyo katirsan ciidamada ururka Raaskaambooni.

4/29/2012 3:28 AM EST
Axad, Abriil 29, 2012 (HOL) — Isbahaysiyada isbeddel-doonka Soomalaiyeed oo ay ku mideeysan yihiin ururro siyaasadeed iyo xisbiyo ay ka mid yihiin ayaa shalay soo saaray bayaan cinwaan looga dhigay - Geeddi socodka Dowlad-dhisidda Somalia.

4/29/2012 3:06 AM EST
Axad, Abriil 29, 2012 (HOL) — Maamulka Puntland ayaa war kasoo saakay dil loogu geystay deegaanka Isku-shuban ee gobolka Bari sarkaal u shaqeynayay shirkadda SARISAN oo Puntland ka taageerta dhinaca tababarrada ciidamada la dagaalanka burcadbadeedda.

4/29/2012 2:54 AM EST
Axad, Abriil 29, 2012 (HOL) — Diyaarad rakaab kasoo qaaday magaalada Hargeysa ayaa ku burburtay garoonka diyaaradaha ee magaalada Gaalkacyo gallinkii dambe ee shalay, kaddib markii ay si lama filaan ah uga baxday jidkii ay ku cararaysay, iyadoo diyaaraddu ay laba u kala jabtay.

4/29/2012 2:42 AM EST
Axad, Abriil 29, 2012 (HOL) — Dowladda KMG ah ee Soomaaliya ayaa sheegtay in la ansixinayo dastuurka cusub ee Soomaaliya, uuna dhawaan billaaban doono shirkii loogu talogalay ansixinta dastuurka.

4/29/2012 2:23 AM EST
Axad, Abriil 29, 2012 (HOL) — Dagaallo saf-ballaaran oo xalay Muqdisho ku dhexmaray ciidamada DKMG ah oo garbsanaya AMISOM iyo xoogagga Al-shabaab ayaa xalay ka dhacay duleedka galbeed ee magaalada Muqdisho, waxayna saameyn ku yeesheen dagaalladan saameyn ku yeesheen dadka ku nool deegaanka Xoosh ee degmadfa Dharkeynley.

4/29/2012 2:20 AM EST
Axad, Abriil 29, 2012 (HOL) — Ugu yaraan saddex qof ayaa ku dhintay 10-qof oo kalena way ku dhaawacmeen kaddib bambooyin xalay lagu weeraray shineemo ku taalla degmada Hodan, gaar ahaan agagaarka Tarabuunka.