Friday, May 24, 2013
Today from Hiiraan Online:  _
Wararka Maanta- Axad, Apr 29, 2012
Diyaarad Rakaab sidday oo ku burburtay Garoonka diyaaradaha Gaalkacyo kaddib markii ay Jidka ka baxday

Axad, Abriil 29, 2012 (HOL) — Diyaarad rakaab kasoo qaaday magaalada Hargeysa ayaa ku burburtay garoonka diyaaradaha ee magaalada Gaalkacyo gallinkii dambe ee shalay, kaddib markii ay si lama filaan ah uga baxday jidkii ay ku cararaysay, iyadoo diyaaraddu ay laba u kala jabtay.

Maareeyaha garoonka diyaaradaha ee Gaalkacyo oo la hadlay VOA-da ayaa xusay in diyaaradda oo ay lahayd shirkadda Jubba Airways ay ka baxday waddadadii ay ku cararaysay ayna laba qaybood u kala jabtay.

"Diyaaradda waxay ka timid Hargeysa waxaa la socday 40-rakaab ah, markii ay jidka soo cago-dhigatay ayay jidka ka baxday waxayna u kala jabtay laba qaybood," ayuu yiri maareeyaha garoonka Gaalkacyo Aadan C/raxmaan.

Sidoo kale, maareeyuhu wuxuu sheegay in rakaabkii diyaaradda la socday ay ka badbaadeen shilka, marka laga reebo gabar ka mid ahayd rakaabka oo gacani ay jug ka gaartay, iyadoo rakaabkii diyaaradda la socday dibadda loo soo saaray.

Diyaaraddan oo nooceedu ahaa Antinov 24 ayaa la sheegay in shilkeeda uu yimid kaddib markii mid ka mid ah taayirradeeda dambe uu qarxay, taasoo keentay inay dhinac u buurato dabadeedna kala jabto.

Maamulka garoonka diyaaradah Gaalkacyo ayaa waxay sheegeen inay baaris ku wadaan sababtii shilka keentay, iyagoo sheegay in shilkan uu noqonayo kii ugu horreeyay oo ka dhaca garoonka Gaalkacyo oo dhawaan loo bixiyay garoonka diyaaradaha C/llaahi Yuusuf.

Maxamed Xaaji Xuseen, Hiiraan Online
maxuseen@hiiraan.com
Muqdisho, Soomaaliya





Post your comments

4/29/2012 6:46 PM EST
Minneapolis, MN (HOL) - Munaasibadaan, oo ahayd mid aad u balaaran oo si weyn loo soo agaasimay ayaa waxaa ka soo qeyb-galay boqolaal Soomaali ah oo ka kala yimid qeybaha kala duwan ee gobolka Minnesota oo ah halka Soomaalida ugu badan ee wadanka Mareykanku ay ku dhaqan yihiin,

4/29/2012 10:17 AM EST
Kulan ballaaran oo ay soo qabanqaabiyeen taageerayaasha madasha Rajo ayaa xariga looga jaray madashaasi cusub oo noqon doonta dhaqdhaqaaq siyaasi ah oo ku soo biiray saaxada siyaasada Soomaalida.

4/29/2012 8:45 AM EST
Axad, Abriil 29, 2012 (HOL) — Hay'adda samofalka Turkiga ee Kimse Yok Mu ayaa u mahadcelisay deeq-bixiyeyaashii taageeray shacabka Soomaaliyeed xilligii ay jirtay abaartii macluusha dhalisay.

4/29/2012 8:24 AM EST
Axad, Abriil 29, 2012 (HOL)- Maxkamadda sare ee Somaliland, ayaa afar gacan ku dhiigle ku xukuntay dil toogasho ah, ka dib markii hore loogu eedeeyey inay dilal toos ah ay ka sameeyeen gobolka Togdheer.

4/29/2012 8:22 AM EST
Axad, Abriil 29, 2012 (HOL) — Kooxo hubeysan ayaa magaalada Muqdisho ku dilay saddex askari oo ka tirsan ciidamada DKMG ah ee Soomaaliya, iyadoo sidoo kalena dagaal dhexmaray askar ka tirsan ciidamada dowladda uu ku dhintay hal qof halka ay shan qof oo kalena ku dhaawacmeen.

4/29/2012 8:10 AM EST
Axad, April 29, 2012(HOL): Ra’iisul Wasaaraha Xukuumada Federaalka KMG ah ee Soomaaliya Dr. Cabdiweli Maxamed Cali ayaa maanta kulan la qaatay Uraradda Bulshada Rayidka ah.

4/29/2012 6:49 AM EST
Axad, April 29, 2012(HOL): Waxaa xalay la soo gebagebeeyay qeybtii labaad ee tartankii hirgelinta heesaha kaasi oo lagu qatay magaalada Gävle ee dalka Sweden, iyadoo habeen hore uu tartankan si rasmi ah uga soo biowday Magaalada Örebro ee isla dalka Sweden.

4/29/2012 6:48 AM EST
Axad, Abriil 29, 2012 (HOL) — Booliiska dalka Kenysa ayaa sheegay in ugu yaraan hal qof uu ku dhintay 10-qof oo kalena ay ku dhaawacmeen bam-gacmeed maanta oo Axad ah lagu weeraray kaniisad ku taalla bartamaha magaalada Nairobi ee dalka Kenya.

4/29/2012 6:24 AM EST
Axad, Abriil 29, 2012 (HOL) — Guddoomiyaha ururka Raaskaambooni ee ka dagaalama Jubbooyinka, Sheekh Axmed Max'ed Islaam (Axmed Madoobe) ayaa maanta booqasho ku tagay furimaha hore ee dagaalka, isagoona goobahaasi kula hadlay cutubyo katirsan ciidamada ururka Raaskaambooni.

4/29/2012 3:28 AM EST
Axad, Abriil 29, 2012 (HOL) — Isbahaysiyada isbeddel-doonka Soomalaiyeed oo ay ku mideeysan yihiin ururro siyaasadeed iyo xisbiyo ay ka mid yihiin ayaa shalay soo saaray bayaan cinwaan looga dhigay - Geeddi socodka Dowlad-dhisidda Somalia.

4/29/2012 3:06 AM EST
Axad, Abriil 29, 2012 (HOL) — Maamulka Puntland ayaa war kasoo saakay dil loogu geystay deegaanka Isku-shuban ee gobolka Bari sarkaal u shaqeynayay shirkadda SARISAN oo Puntland ka taageerta dhinaca tababarrada ciidamada la dagaalanka burcadbadeedda.

4/29/2012 2:42 AM EST
Axad, Abriil 29, 2012 (HOL) — Dowladda KMG ah ee Soomaaliya ayaa sheegtay in la ansixinayo dastuurka cusub ee Soomaaliya, uuna dhawaan billaaban doono shirkii loogu talogalay ansixinta dastuurka.

4/29/2012 2:23 AM EST
Axad, Abriil 29, 2012 (HOL) — Dagaallo saf-ballaaran oo xalay Muqdisho ku dhexmaray ciidamada DKMG ah oo garbsanaya AMISOM iyo xoogagga Al-shabaab ayaa xalay ka dhacay duleedka galbeed ee magaalada Muqdisho, waxayna saameyn ku yeesheen dagaalladan saameyn ku yeesheen dadka ku nool deegaanka Xoosh ee degmadfa Dharkeynley.

4/29/2012 2:20 AM EST
Axad, Abriil 29, 2012 (HOL) — Ugu yaraan saddex qof ayaa ku dhintay 10-qof oo kalena way ku dhaawacmeen kaddib bambooyin xalay lagu weeraray shineemo ku taalla degmada Hodan, gaar ahaan agagaarka Tarabuunka.