Friday, May 24, 2013
Today from Hiiraan Online:  _
Wararka Maanta- Khamiis, Apr 26, 2012
Ra'iisul Wasaaraha Soomaaliya oo sheegay in Caalamku ay la daaheen dhaqaalihii lagu fulin lahaa Roadmap-ka

Khamiis, Abriil 26, 2012 (HOL) — Ra'iisul wasaaraha Soomaaliya, C/weli Maxamed Cali ayaa sheegay in xukuumaddu ay dadaal ugu jirto dhameystirka Roadmap-ka oo ah jidkii looga bixi lahaa xilliga KMG ah, balse wuxuu sheegay in beesha calaamka ay ka gaabisay bixinta dhaqaalihii lagu fulin lahaa heshiiskan.

Mudane C/weli Gaas wuxuu sheegay in dowladda KMG ah ay dadaal xooggan gelisay fulinta qodobbadii ugu muhiimsanaa Roadmap-ka kuwasaoo ay ka mid yihiin: isku xirka DKMG ah iyo maaml-goboleedyada, soo celinta ammaanka, dagaallada lagula jiro Al-shabaab iyo qodobbo kale, balse beesha caalamku aysan bixin dhaqaalihii ay horay u ballanqaadeen si heshiiskan lagu fuliyo.

"Xukuumadda KMG ah dadaal badan ayay gelisay sidii uu ku fuli lahaa Roadmap-ka, balse beesha calaamka ayaa waxay ka gaabiyeen inay bixiyaan dhaqaalihii lagu fulin lahaa heshiiska, inkastoo ay dhinaca siyaasadda ka taageereen heshiiskan," ayuu yiri ra'iisul wasaare C/weli.

Heshiiska Roadmap-ka oo lagu gaaray Muqdisho bishii September ee sannadkii hore ayaa ka kooban afar qodob oo waaweyn kuwaasoo ay ka mid yihiin; nabadgalyada, dowlad-wanaagga, dib u habeynta baarlamaanka iyo in laga gudbo xilliga KMG ah oo lagu soo shaqeynayay sideed sannadood.

Ra'iisul waasaraha oo ka hadlayay inay jiraan dad kasoo horjeeda dastuurka ayaa wuxuu sheegay in taasi ay sababtay aqoon-darro, balse loo baahan yahayy in si dhab ah loo eego qodobbada dastuurka.

Dhanka kale, mar uu ka hadlayay soo xulidda xildhibaannada baarlamaanka ayuu sheegay inay taasi u xilsaaran yihiin hoggaamiyeyaasha beelaha Soomaalida, isagoo sheegay inaan la ogolaan doonin mas'uul aan la isku raacsanayn oo beelaha ka tirsan inuu qayb ka noqdo xubnaha soo xulaya mudanayaasha cusub.

Xukuumadda KMG ah oo xilligeeda uu ku egyahay bisha Ogoosto ee sannadkan ayaa waxay dadaal ugu jirtaa sidii uu isbedel uga dhici lahaa dalka, waxaana madaxdeeda ay dhowr jeer oo hore ku celceliyeen in isbedelku uu dhacayo xilligii loogu talogalay.

Maxamed Xaaji Xuseen, Hiiraan Online
maxuseen@hiiraan.com
Muqdisho, Soomaaliya





Post your comments

4/26/2012 1:27 PM EST
Xildhibaan Cali Maxamed faqay oo kamid xildhibaanada DKMG ah ee dalka Soomaaliya ayaa ka biyo diiday liiska mid kamid ah xubnaha matalaya beesha banaadiriga ee ka qaybgalaya odayaasha dhaqanka ee la doonayo inay soo xulaan xubnaha baarlamaanka iyo gudiga ansixinta dastuurka.

4/26/2012 9:31 AM EST
Khamiis, Abriil 26, 2012 (HOL) — Ururka Midowga Afrika ayaa sheegay in ciidamada AMISOM ay ku shaqeyn doonaan qaab is-dhexgal ah si loo adkeeyo guulihii laga gaartay dagaalladii lala galay Xarakada Al-shabaab.

4/26/2012 9:23 AM EST
Khamiis, Abriil 26, 2012 (HOL) — Golaha wasiiradda DKMG ah oo maanta kulankoodii caadiga ahaa ku yeeshay Muqdisho ayaa waxaa looga hadlay dastuurka iyo diyaar-garowga shirweynaha weyn ee lagu ansixinayo dastuurka, arrimo ku saabsan ammaanka iyo fulinta heshiisyadii la gaaray.

4/26/2012 8:44 AM EST
Khamiis, Abriil 26, 2012 (HOL) — Madaxweynihii hore ee dalka Liberia Jarles Taylor oo maanta lasoo taagay maxkamadda dambiyda dagaalka ee Holland ayaa la xusay in lagu helay dambi ah inuu hubeeyay mucaaradka dalka Sierra Leone oo ay daris yihiin dalkiisa si uu ugu badasho dheeman.

4/26/2012 8:05 AM EST
Khamiis, Abriil 26, 2012 (HOL) — Shirkadda SKA & Logistic oo gacanta ku haysa garoonka diyaaradaha ee Muqdisho ayaa waxay maanta kusoo bandhigay gudaha garoonka diyaaradaha basas loogu talogalay inay qaadaan rakaabka diyaaradaha raacaya iyo kuwa kasoo dega.

4/26/2012 7:14 AM EST
Khamiis, Abriil 26, 2012 (HOL) — Askari ka tirsan ciidamada dalka Uganda ee ku sugan Muqdisho oo askari kale oo saaxiibkiis ah ku dilay hal doollar oo keliya ayaa maxkamadeyntiisu waxay ka billaabatay magaalada Kampala ee dalka Uganda.

4/26/2012 7:04 AM EST
Khamiis, Abriil 26, 2012 (HOL) — Munaasab lagu dhaarrinayay wasiirka cusub ee wasaaradda shaqada iyo shaqaalkaha, dhallinyarada, arrimaha bulshada iyo ciyaaraha xukuumadda KMG ah ee Soomaaliya, Maxamuud Jirde Xuseen ayaa xalay ka dhacday magaalada Muqdisho.

4/26/2012 6:51 AM EST
Khamiis, Abriil 26, 2012 (HOL) — Saraakiisha ciidamada dowladda KMG ee Gobollada Jubooyinka ayaa sheegay in ay isu soo dhibeen dagaalyahanno kasoo goostay xoogagga Al-shabaab oo sitay Hub iyo gaadiid nooca loo yaqaan Rooneydka.

4/26/2012 1:54 AM EST
Khamiis, Abriil 26, 2012 (HOL) — Kooxo bastoolado ku hubeysan ayaa xalay fiidkii ku toogtay magaalada Baydhabo ee xarunta gobolka Bay mid ka mid ah shaqaalaha shirkadda isgaarsiinta Hormuud, kaasoo lagu magacaabi jiray, C/llaahi Cabdi Amiin (Eemadow).