
Isniin, Abriil 02, 2012 (HOL) — Qulqulka qoysas fara badan oo kasoo firxanaya deegaannada u dhexeeya Muqdisho iyo Afgooye oo ay ka taliso Al-shabaab ayaa laga dareemayaa magaalada Muqdisho.
Gaadiid iyo dameerro ay ku raran yihiin agab kala duwan iyo caruur iyo haween kasoo barakacay duleedka Muqdisho ayaa buuxiyay isgoyska ex-koontarool Afgooye halkaasoo laga soo galo magaalada Muqdisho.
"Waxaan kasoo barakacnay Ceelasha biyaha iyo Lafoole, waayo cabsi weyn ayaa jirta. AMISOM waxay sheegtay inay ku wajahan tahay Al-shabaab waxay u muuqdaan kuwo diyaar-garoobaya, taas ayaa keentay inaan kasoo barakacno deegaannadeena," ayay yiraahdeen haween saarnaa gaadiid ay ku rarnaayeen joodariyaal iyo alaabada guryaha.
Ciidamada dowladda ee ku sugan ex-koontarool Afgooye ayaa waxay baaris ku sameynayeen alaabooyinka gaadiidka saaran iyo dadka la socda, waxaana qaar ka mid ah saraakiisha ciidamada ay sheegeen in sababta loo baarayo ay tahay sidii looga hortegi lahaa in xubno ka tirsan Al-shabaab ay magaalada galaan.

Deegaannada ku yaalla duleedka Muqdisho ayaa waxaa weli gacanta ku haysa Al-shabaab iyadoo saraakiisha ciidamada dowladda KMG ah iyo kuwa AMISOM ay ku celcelinayaan in qorshahoodu yahay inay la wareegaan.
Sarkaal u hadlay dowladda KMG ayaa sheegay in dowladdu ay amar ku siisay dadka ku nool duleedka Muqdisho inay kasoo guuraan halkaas ayna kusoo laabtaan Xamar si loo yareeyo khasaaraha shacabka kasoo gaaraya dagaallada.
Dhanka kale, xubno u hadlay Al-shabaab ayaa sheegay inay iska difaaci doonaan weerar walba oo lagu soo qaado, iyagoo sheegay in qorshahoodu yahay inay dib ugu laabtaan Muqdisho.
Maxamed Xaaji Xuseen, Hiiraan Online
maxuseen@hiiraan.com
Muqdisho, Soomaaliya