Wednesday, June 19, 2013
Today from Hiiraan Online:  _
Wararka Maanta- Isniin, Apr 2 , 2012
Hay'adda HARO oo dhar iyo kabo ay soo ururiyeen Jaaliyadda Soomalida ee Seattle-Washington u qaybisay Barakacayaal ku nool Muqdisho (SAWIRRO)


Isniin, Abriil 02, 2012 (HOL) — Hay'adda samafalka ee HARO (Huminaterian African Relief Organization) ayaa gargaar isugu jiray dhar iyo kabo ay soo ururiyeen dadka Soomaaliyeed ee ku nool Seattle-Washington u qaybisay barakacayaal ku jira laba kaam oo ku yaalla Muqdisho.

Guddoomiyaha ha'yadda HARO, Cali Xaaji Cabdinuur oo HOL la hadlay ayaa sheegay in gargaarkan ay ku keeneen konteenar cabirkiisu yahay afar feet, ayna si simman ugu qaybiyeen 1,250-qoys oo isugu jiray, rag, dumar iyo caruur.

"Maalintii khamiista ahayd 650-qoys oo ku jira kaam lagu magacaabo Baadle ayaan u qaybinnay dhar iyo kabo. Maalintii Axadda ahayd ee shalay waxaan sidoo kale u qaybinnay 600-qoys oo ku jira kaam lagu magacaabo Ashariif gargaar noocan oo kale ah," ayuu yiri Cali Xaaji.

Barakacayaashii loo qaybiyay deeqdan oo isugu jiray haween dhallinyaro ah, kuwo waayeel ah, caruur, rag waaweyn iyo kuwo dhallinyaro ah, iyadoo deeqdan ay ka mid noqonayso deeqo aad u yar oo noocooda oo barakacayaasha Muqdisho loo qaybiyo.


"Dadka dharka iyo kaba soo dhiibay waxay arkeen muuqaallo ku saabsan dhibaatada haysatada dadka Soomaaliyeed barakacayaasha ah, markaas ayayna hay'addan u soo wakiisheen inay dharkan iyo kabahan u qaybiso," ayuu yiri Cali Xaaji oo ka yimid dalka Mareykanka.

Hay'adda HARO ayaa waxay tan iyo sannadkii 2007 ka shaqeynaysay caawinta dadka Soomaaliyeed ee ku dhibaateysan gobollada dalka qaarkood, sida gobollada, Bay, Bakool, Jubbooyinka, Gedo, Hiiraan, Galguduud iyo Banaadir.

Mas'uuliyiinta ha'yadda ayaa waxay ugu dambeyn sheegeen inay howlaha lagu caawinayo shacabka Soomaaliyeed sii wadayaan, iyagoo ka dalbaday Soomaalida inay iscaawiyaan.





Maxamed Xaaji Xuseen, Hiiraan Online
maxuseen@hiiraan.com
Muqdisho, Soomaaliya





Post your comments

4/2/2012 9:39 AM EST
Isniin, Abriil 02, 2012 (HOL) — Guddoomiyaha majmaca culummada Soomaaliyeed, Sheekh Axmed Cabdi Dhicisow ayaa soo dhaweeyay hadalkii Sheekh Xasan Daahir Aweys uu dhawaan jeediyay, kaasoo ku saabsanaa in Al-shabaab aysan dilin dadka shacabka ah isla markaana aysan u caga-jugleyn.

4/2/2012 8:33 AM EST
Isniin, Abriil 02, 2012 (HOL) — Dagaal sababay khasaare dhimasho ayaa xalay ku dhexmaray degmada Ceelbuur xoogagga Ahlusunna iyo Al-shabaab, iyadoo durba ay guulo ka sheegteen dagaalka mas'uuliyiinta Ahlusunna.

4/2/2012 8:22 AM EST
Isniin, Abriil 02, 2012 (HOL) — Qulqulka qoysas fara badan oo kasoo firxanaya deegaannada u dhexeeya Muqdisho iyo Afgooye oo ay ka taliso Al-shabaab ayaa laga dareemayaa magaalada Muqdisho.

4/2/2012 7:33 AM EST
Isniin, Abriil 02, 2012 (HOL) — Hay'adda DSI oo taabacsan wakaaladda biyaha dalka Turkiga ayaa maanta oo Isniin ah sheegtay inay Muqdisho ka hirgelisay ceelal ay biyo ka cabaan 30,000 qof oo barakacayaal Soomaaliyeed ah, kuwaasoo daggan xeryo ay dowladda Turkigu ka sameysay Muqdisho.

4/2/2012 7:31 AM EST
Isniin, Abriil 02, 2012 (HOL) — 14-xubnood oo ka mid ah Xildhibaanada Golaha Deegaanka Boorame ayaa xilkii ka qaaday maayarkii magaaladda Boorame Md: Cabdiraxmaan Shide Bile ka dib markii hanti dhawraha guud ku eedeeyey inuu Hanti lunsaday.

4/2/2012 6:49 AM EST
Isniin, Abriil 02, 2012 (HOL) — Ciidamada ammaanka xaafadda ay Soomaalidu degto ee Islii ayaa shalay gelinkii danbe toogasho ku dilay ilaa sedex nin oo burcad ah kuwaa oo doonayay in ay dhac u geystaan goob ganacsi uu ku taal xaafadda Islii (Easttleigh).

4/2/2012 6:47 AM EST
Isniin, Abriil 02, 2012 (HOL) — Kulan ballaaran oo ay iska kaashadeen wasaaradda dhallinyarada iyo isboortiga dowladda KMG ah ee Soomaaliya iyo ururka dhallinyarada Qaranka Soomaaliyeed loogana hadlayay mustaqbalka siyaasadeed ee dhallinyarada Soomaaliya ayaa maanta lagu qabtay Muqdisho.

4/2/2012 6:28 AM EST
Isniin, Abriil 02, 2012 (HOL) — Maamulka Al-shabaab ee degmada Baardheere ayaa xabsiga dhigay illaa toddobo qof oo xoolo dhaqato ah, kuwaasoo ku eedeysnaa inay ka madax adaygeen awaamiir kasoo baxday maamulka Al-shabaab ee degmadaas.

4/2/2012 2:55 AM EST
Isniin, Abriil 02, 2012 (HOL) — Warsaxaafadeed ay soo saartay Al-shabaab Axadii shalay ayay ku sheegeen in ammaan-darrada ka jirta Kenya ay tahay mid ku xiran ammaan-darrada ay ciidamadoodu ka wadaan gudaha Soomaaliya.

4/2/2012 2:34 AM EST
Isniin, Abriil 02, 2012 (HOL) — Guddoomiyaha maxkamada ciidamada DKMG ah ee Soomaaliya, G/sare Xasan Maxamed Xuseen (Muun-gaab) oo ugu wararmayay Muqdisho idaacadda VOA-da ayaa mar kale ku celiyay in askarigii dhibaatooyinka u geysta shacabka la marsiin doono ciqaab adag.

4/2/2012 2:28 AM EST
Isniin, Abriil 02, 2012 (HOL) — C/llaahi Axmed Caddow oo ka mid ah siyaasiyiinta Soomaaliyeed laba jeer oo horena u soo tartamay xilka madaxweynimo ee Soomaaliya ayaa kasoo horjeestay heshiisyadii ay madaxda Soomaalidu ku gaareen magaalooyinka Garoowe iyo Gaalkacyo.

4/2/2012 2:06 AM EST
Isniin, Abriil 02, 2012 (HOL) — Shan qof ayaa xalay siyaabo kala duwan loogu dilay magaalada Muqdisho iyo degmada Baydhabo ee xarunta gobolka Bay, iyadoo mid ka mid ah dadkan lagu toogtay bartamaha degmada Baydhabo.