Isniin, Abriil 02, 2012 (HOL) — 14-xubnood oo ka mid ah Xildhibaanada Golaha Deegaanka Boorame ayaa xilkii ka qaaday maayarkii magaaladda Boorame Md: Cabdiraxmaan Shide Bile ka dib markii hanti dhawraha guud ku eedeeyey inuu Hanti lunsaday.
14 Xildhibaan ayaa fadhi aan caadi ahayn oo ay iskugu yimaadeen dawladda hoose ee Boorame oo uu shirgudoominayey maayar ku xigeenka golahaasi Md:Muumin Gadiid Cumar, ayaa sheegay in xasaanadii iyo xilkii maayarnimo ee uu golaha deegaanka u hayey ka qaadeen maayarka Boorame.
Xildhibaanadda ayaa si ku meelgaadh ah ugu sii dhiibay inuu xilkii maayarnimo u sii hayo maayar ku xigeenka golaha deegaanka Muumin Gadiid Cumar, waanu Ku simaha Maayarka magaalada Boorame Md; Muumin Gadiid, u mahadceliyey xildhibaanada u doortay inuu xilkan sii hayo.
Ku simaha maayarka ayaa sidoo kale hadalkiisan ku weeraray badhasaabka Awdal iyo xoghaya Dawladda Hoose ee Boorama, Axmed Xaddii Sidci iyo Xamari, kuwaas oo uu ku eedeeyey inay ka baaqsadeen waajibaad ka saarnaa inay shirkan goobjoog ka ahaadaan ,hase yeeshee ay diideen inay kasoo xaadiraan madasha shirkaasi oo ahayd hoolka dawladda Hoose ee Boorama .
Dhinaca kale Badhasaabka Awdal, Md:Axmed Xaddi sidci,ayaa shirkaasi ku tilmaamay mid aan sharciyadda ku fadhiyin, isla markaana uu tallaabo ka qaadi doono xildhibaanadaasi, maadaama oo ay sharci u lahayn in fasax la’aan shir ku qabsadaan.
Dhinaca kale xeer ilaaliyaha Guud ee gobolka Awdal Axmed Cismaan Mire oo isna ka hadlay fadhigan ayaa sheegay in xildhibaanadu guteen waajibaadkii la faray ,loona cuskaday sharciga ay u leeyihiin fadhiyada caadiga ah ,waxaana xeer ilaaliyuhu tilmaamay in la dhawro sharciga iyo kala dambaynta loona fuliyo awaamirta hay'adaha sare ee dawladda sida xeer ilaaliyaha Guud ee Qaranka iyo Guddoomiyaha hantidhawrka Guud .
Khilaafkan golaha deegaanka Degmadda Boorame soo kala dhexgalay ayaa yimid ka dib markii hantidhawraha guud uu xildhibaano ka tirsan golaha deegaanka Boorame iyo masuuliyiin kale oo uu ku jiro maayarka Boorame ku eedeeyey inay hanti lunsadeen, halka qaarkood xabsiga loo taxaabay.
Hasayeeshee, shirarka noocan oo kale ah ayey ahayd in badhasaabka iyo Xoghayaha dawladda hoose goobjoog ka ahaadaan, sidoo kale, waxa aan goobtan xilka lagaga qaadayey joogin maayarkan xilka laga qaadayey oo ahayd inuu goob joog ahaaddo, arrimahaasi waxay sii xoojinayaan muran iyo khilaafka oo sii weynaadda.
Barkhad-Ladiif M. Cumar
barkhadladiif@hiiraan.com
Hargeysa, Somaliland