Isniin, Abriil 02, 2012 (HOL) — Ciidamada ammaanka xaafadda ay Soomaalidu degto ee Islii ayaa shalay gelinkii danbe toogasho ku dilay ilaa sedex nin oo burcad ah kuwaa oo doonayay in ay dhac u geystaan goob ganacsi uu ku taal xaafadda Islii (Easttleigh).
Mid ka mid ah dadka ku ganacsatada goobta uu shilka ka dhacay oo lagu magacaabo C/qaadir Aadan ayaa HOL u sheegay in nimanka burcadda ah ay ku hubeysnaayeen bastoolado, islamarkaasina ay doonayeen in ay dhac u geystaan goob ganacsi balse ay kasoo gaareen ciidamo katirsan kuwa ammaanka ee xaafadda Islii.
"Nimanka waxay ahaayeen ilaa sedex nin oo bastoolado wato, waxay galeen xarun Mpesa oo ay doonayeen in ay dhacaan, kadib ayaa waxa goobta soo gaaray ciidamada ammaanka ee loo yaqaan (Fly-scort), waxaana ay is weeydaarsadeen rasaas," ayuu hadalkiisa ku daray.
Kooxaha burcadda ayaa isku dayay in ay baxsadaan haseyeeshee ciidamada ammaanka ayaa ku guuleystay in ay sedexdoodiiba toogasho ku dilaan.
Arrintan ayaa waxa si diiran usoo dhaweeyay ganacsatada Soomaaliyeed ee xaafadda Islii oo aalaaba la kulma dhac ay u geystaan kooxo burcad hubeysan.
Ammaanka xaafadda Islii ayaa ahaa mid soo hagaagayo tan iyo wixii ka danbeeyay Markii Xildhibaan Yuusuf Xasan uu noqday Xildhibaanka deegaanka Kamakunji, waxa uuna xildhibaanku xoogga saaray xaaladda ammaanka iyo tan nadaafadda ee xaafadda , iyadoo la arkayo dhismooyin ka bilowday wadooyinkii burbursanaa iyo barnaamij horumarineed oo ka socda xaafadda ay Soomaalidu ku badantahay ee Islii.
Xasan Nuur, Hiiraan Online
hnur@hiiraan.com
Kismaayo, Soomaaliya