
Isniin, Abriil 02, 2012 (HOL) — Kulan ballaaran oo ay iska kaashadeen wasaaradda dhallinyarada iyo isboortiga dowladda KMG ah ee Soomaaliya iyo ururka dhallinyarada Qaranka Soomaaliyeed loogana hadlayay mustaqbalka siyaasadeed ee dhallinyarada Soomaaliya ayaa maanta lagu qabtay Muqdisho.
Guddoomiyaha ururka dhallinyarada Qaranka Soomaaliyeed, C/llaahi Maxamed Nuur oo halkaasi ka jeediyay khudbadda furitaanka ayaa ka hadlay doorka dhallinyarada oo uu sheegay inay yihiin laf-dhabarta bulshada Soomaaliyeed, hase yeeshee 20-kii sano ee uu dalka ku jiray dagaallada sokeeye ay dhabarka ka jabtay midnimadii dhallinyarada, taasoo loo baahan yahay in hadda dib boorka looga jafo kana soo kabsato dhaawaca gaaray.
"Dhallinyarada Soomaaliyeed waa inay yeeshaan istiraatiijiyad mideysan si ay uga soo baxaan waajibaadka siyaasadeed ee ka saaran dalkooda," ayuu yiri C/llaahi oo cod baahiyaha kusoo dhaweeyay wasiir ku xigeeka wasaaradda dhallinyarada iyo isboortiga DKMG ah, Daahir Xaaji Geelle si uu u faahfaahiyo kaalinta dhallinyarada iyo qorshaha mustaqbalka wadankooda.

Mr. Geelle ayaa ka dhawaajiyay in doorka dhallinyarada Soomaalida uu yahay mid mar kasta udub dhexaad u ah dal kasta lagana dheehan karo horumarkiisa iyo sida dhallinyarada ugu horumaraan siyaasadooda iyo qorsheyayaasha uga aadan dalka.
Wasiir u dowlaha wasaaradda waxbarashada DKMG ah, Prof. C/llaahi Sheekh Cali (Qaloocow) oo isagu ka hadlay taariikhda dhallinyarada Soomaaliyeed gumeysigii ka hor ayaa sheegay in heerar kala duwan ay soo martay.
"13-kii dhallinyaro Soomaaliyeed ah ayaa aasaasay (SYL) ayaa xorriyadda maanta la haysto sabab u ahaa. Dhallinyarada maanta waxay haystaan fursad aad uga wanaagsan kuwaas; waxaa laga doonayaa inay doorkaas mid la mid ah qaataan," ayuu yiri Prof. Qaloocow.

Sidoo kale, wuxuu ku boorriyay dhallinyarada Soomaaliyeed in dowladda KMG ay ku kalsoon tahay dhallinyaradeeda isagoo sheegay in dowlad xun ay dowlad la'aan dhaanto, wuxuuna intaasi raaciyay in dhallinyarada Soomaaliyeed ay la yimaadaan qorshe mideysan.
Dhallinyarada Soomaaliyeed ayuu uga digay inay odayaasha si xun u adeegsadaan ayna ka fogaadaan qabiil iyagoo tusaale ka dhiganaya 13-kii dhallinyarada ee SYL aasaasay. Wuxuuna intaas ku daray in DKMG ah aysan dhallinyarada hoggaanka u hayn balse iyaga looga baahan yahay inay la yimaadaan aragti mideysan.
Prof. Qaloocow wuxuu kaloo sheegay inay dhallinyarada Soomaaliyeed diyaariyeen daraasad lagu abuurayo mashaariic horumarineed, isagoo ka digay in dhallinyarada maanta aan loo adeegsan dano gaar ah oo kasoo horjeeda horumar iyo cadaaladda.
"Adduunka maanta waxaa hoggaamiya dhallinyaro aqoonyahanno ah iyagoo la jaan-qaadaaya teknolojiyada casriga ah; waxaana loo baahan yahay in dhallinyarada Soomaaliyeed ay la yimaadaan barnaamij siyaasadeed oo qeexan, maadaama ay yihiin hoggaankii dalka iyo madaxdii berrito," ayuu yiri Prof. Qaloocow.

Guddoomiye ku xigeenka ururka haweenka Qaranka Soomaaliyeed, Canab Xasan Cilmi oo iyadana halkaas ka jeedisay khudbad ayaa ka dhawaajisay in dhallinyarada Soomaaliyeed ee maanta ay yihiin tiirkii ay ku taagan tahay DKMG oo dadaal ugu jirta soo celisay amniga iyo kala-dambeynta.
"Kuwa xaafadaha Muqdisho la wareegaya bastooladaha waxaa qaban kara oo kaliya dadweynaha," ayay tiri Canab Xasan oo sheegtay in dhallinyarada Soomaaliyeed ay ka shaqeeyaan aayahooda iyo midnimadooda ayna ka hortagaan wax kasta oo dalkooda dhibaateynaya.
In ka badan 500 dhallinyaro ah oo ka kala socda qeybaha kala duwan ee waxbarashada, sida dusgiyada, jaamacadaha iyo machadyada magaalada Muqdisho, iyadoo ka qeyb-galayaasha ay si weyn u soo dhaweeyeen kulankaan looga hadlayo mustaqbalka siyaasadeed iyo qorshaha dhallinyarada Soomaaliyeed.



Maxamed Xaaji Xuseen, Hiiraan Online
maxuseen@hiiraan.cm
Muqdisho, Soomaaliya