Hiiraan Online
Sunday, May 19, 2013
Today from Hiiraan Online:
Home
Somali Music
Somali Map
Sports
Opinion
RSS
Facebook
Twitter
Google Plus
Wararka Maanta-
Axad, Sept 9 , 2012
Ammaanka Muqdisho oo la adkeeyay saacado kahor doorashada iyo musharraxiinta oo dardargaliyay ola'olahooda
Axad, September 09, 2012 (HOL) - Amaanka goobaha muhiimka ah ee caasimada Soomaaliya ee Muqdisho ayaa la adkeeyay ,iyadoo ay baaritaano xoog leh samaynayaan ciidamada dawlada iyo kuwa Amisom oo jidgooyooyinka ku baaraya dadka iyo gawaarida.
Gudoomiyaha baarlamaanka Prof. Maxamed Cismaan Jawaarii ayaa ka codsaday shacabka inay ka qaybqaataan dadaallada sugayo ammaanka, isagoo sheegay in baarlamaanku ay tixgalin doonaan rabitaanka shacabka.
Musharaxiinta ayaa iyaguna dardargaliyay ola'olahooda doorashada, iyagoo isku dayaya in saacadaha ugu dambeeya ay xoojiyaan taageerada ay ka haystaan xildhibaanada baarlamaanka iyo shacabka ku nool caasimada.
Boqollaal ah taageerayaasha Ra'iisul wasaarihii hore ee Soomaaliya ah, ayaa isugu soo baxay bartamaha magalaada, iyagoo lulaya calanka Soomaaliya iyo sawirrada Maxamed C/laahi Farmaajo.
Madaxweynaha Soomaaliya ee xilligiisii dhammaaday Shariif Sheekh Axmed iyo gudoomiyihii hore ee baarlamaanka Shariif Xassan Sheekh Aadan ayaa iyaguna xaflad wayn ku qabsaday hotelka City Plaza, taasoo Shariif Xassan oo horay u ahaa musharax uu taageeradiisa ku biiriyay Shariif Sheekh Axmed.
Waxaa kaloo kulankan ka qaybgalay masuuliyiin uu kamid yahay Ra'iisul wasaarihii hore ee Soomaaliya Cali Maxamed Geedi iyo madaxweynaha dhawaan loo doortay Galmudug Cabdi Xassan Cawaale Qaybdiid.
Isbahaysiga Labada Shariif oo xilliyadii ugu dambeeyay ku kala fogaaday siyaasada ayaa kamid ah ola'olaha musharraxiinta ee saacadihii ugu dambeeyay.
Waxaa kaloo iyaguna isu soo baxyo sameeyay qaar kamid taageerayaasha musharraxiinta Xassan Sheekh Maxamuud iyo Yuusuf Garaad Cumar.
Dadweynaha caasimada ayaa hadalhayntoodu ugu badan ay tahay doorashada dhici doonta isniinta iyo natiijada kasoo bixi doonta.
Xildhibaanada baarlamaanka Soomaaliya ayaa barri u codayn doona madaxweynaha dalka hogaamin doona 4-ta sano ee soo socota oo ay ka dooranayaan 24ka musharrax ee isugu soo haray doorashada."
Axmed C/samad, Hiiraan Online
asamad@hiiraan.com
Muqdisho, Soomaaliya
Post your comments
Gabdhaha qurbaha kasoo noqonaya oo qayb ka ah dib u dhiska dalka ka bilowday
9/9/2012 4:26 PM EST
Soomaaliya waxay markii ugu horreysay mudo ku dhow 22 sano ay isu diyaarinaysaa doorasho madaxtanimo oo ka dhacda dalka gudihiisa, taasoo sii xoojinaysa rajada ay Soomaali badan oo qurbaha ku nool ay ka qabaan inay dib ugu soo laabtaan dalkooda.
Guddoomiyaha Baarlamaanka Soomaaliya oo ku baaqay in laga qayb-qaato sugidda Ammaanka inta doorashadu socoto
9/9/2012 8:55 AM EST
Axad, September 09, 2012 (HOL) — Guddoomiyaha baarlamanaka Soomaaliya, Prof. Maxamed Sheekh Cismaan Jawaari ayaa ugu baaqay shacabka Soomaaliyeed inay ka qaybqaataan ilaalinta ammaanka inta lagu jiro doorashada madaxnimo ee dalka, isagoo sheegay in doorashadan ay tahay fursad taariikhi ah oo loo baahan yahay inaan la khasaarin.
Guddiga Doorashada oo sheegay in mid ka mid ah Murashaxiinta uu ka Tanaasulay ka qaybgalka doorashadea Madaxweynenimo ee Soomaaliya
9/9/2012 8:35 AM EST
Axad, September 09, 2012 (HOL) — Guddoonka doorashada madaxweynaha cusub ee Soomaaliya ayaa sheegay in mid ka mid ah murashaxiinta u taagan tartanka doorasho ee madaxweynaha Soomaaliya uu sameeyay tanaasul.
Qaraxyo khasaare geystay oo Maanta ka dhacay Xaafadda Suuqa Xoolaha, Degmada Huriwaa ee Gobolka Banaadir
9/9/2012 7:42 AM EST
Axad, September 09, 2012 (HOL) — Qaraxyo is-xigay oo sababay dhaawacyada lix qof oo isugu jiray shacab iyo ciidamada dowladda Soomaaliya ayaa maanta ka dhacay xaafadda suuqa xoolaha ee degmada Huriwaa, iyadoo ciidmaada dowladda ay kusoo qabteen in ka badan 70-qof baaritaanno ay ka sameeyeen xaafaddaas.
Madaxweyne ku xigeenka Somaliland oo ka qaybgalay xaflad loo sameeyey arday ka qalinjabisay Jaamacadda Cammuud
9/9/2012 6:59 AM EST
Axad, September 09, 2012 (HOL) — Madaxweyne ku xigeenka Somaliland Md. Cabdiraxmaan Cabdilaahi Ismaaciil (Saylici), iyo wefti uu hogaaminayey ayaa ka qaybgalay qalinjabinta 523 arday oo ka qalinjabiyey jaamacadda Camuud ee magaaladda Boorama ee gobolka Awdal.
Murashaxiinta u tartamaya Kursiga Madaxweynenimo ee Soomaaliya oo Muqdisho ka wada ololayaal doorasho oo xoog leh
9/9/2012 4:19 AM EST
Axad, September 09, 2012 (HOL) — Magaalada Muqdisho ee xarunta Soomaaliya oo lagu wado in berri oo Isniin ah lagu qabto doorashada madaxnimo ee dalka kaddib 42-sano ayaa waxaa ka socda ololayaal doorasho oo ay wadaan 25-ka murashax ee ku tartamaya xilka madaxweynenimo ee Soomaaliya.
Soomaali lagu dhaawacay duleedka Cape-Town ee dalka Koonfur Afrika iyo go'aanno laga soo saaray kulanka Ammaanka Soomaalida looga hadlay
9/9/2012 3:54 AM EST
Axad, September 09, 2012 (HOL) — Inta la xaqiijiyey lix ruux oo Soomaali ah iyo nin Itoobiyaan ah ayaa lagu dhaawacay tuullada Mfuleni oo 40-km u jirta magaalada Cape Town ee dalka Koonfur Afrika, kaddib markii habeen hore ay dukaamo halkaas ku yaallay weerareen kooxo burcad u dhashay dalka Koonfur Afrika.
Ciidammada dowladda iyo kooxo hubeysan oo xalay ku dagaalamay xaafadda Xamar-jadiid ee Degmada Wardhiigley
9/9/2012 3:41 AM EST
Axad, September 09, 2012 (HOL) — Ugu yaraan laba qof oo mid ka mid ah uu ahaa dhinacyadii dagaalamay ayaa ku dhintay dagaal xalay ciidamada dowladda Somalia iyo kooxo hubeysan ku dhexmaray degmada Xamarjadiid ee degmada Wardhiigley oo ka mid ah 16-ka degmo ee gobolka Banaadir uu ka kooban yahay.
Guddoomiyaha Baarlamaanka Federaalka Somalia iyo Shariif Sheekh Axmed oo xalay kulan ku yeeshay Muqdisho
9/9/2012 3:22 AM EST
Axad, September 09, 2012 (HOL) — Madaxweynaha dowladdii KMG ahayd ee dalka Soomaaliya, Shariif Sheekh Axmed ayaa xalay kulan la yeeshay guddoomiyaha baarlamaanka federaalka Soomaaliya, Prof. Maxamed Sheekh Cismaan Jawaari, taas oo ay uga hadleen doorashada madaxweynenimo oo dhacaysa maalinta berri ah oo ku beegan Isniin.
Somali News
Somali Candidate Warns Lawmakers of Alleged Bribery
-
VOA
9/10/2012 12:22 AM EST
A Somali presidential candidate urged lawmakers not to be influenced by alleged vote buying as they prepare to elect a new president Monday.
Hiiraan Online kala soco doorashada madaxweyninimada dowladda federaaka Soomaaliya
-
HOL
9/9/2012 3:53 PM EST
Hiiraan Online kala soco doorashada madaxweyninimada dowladda federaaka Soomaaliya
Presidential candidates make speeches to new Somali MPs
-
PressTV
9/9/2012 3:21 AM EST
Twenty-five qualified candidates are set to compete in the elections and were allotted 20 minutes each to present to parliament their political philosophies. In his speech former Somali Premier Mohamed Abdullahi Farmajo who enjoys majority public support warned legislators against electing leaders on the basis of improving their political future.
Iman: Somalia’s Most Famous Export
-
VA
9/9/2012 3:01 AM EST
Iman Mohamed Abdulmajid, known professionally just as Iman, is often referred to as Somalia's most famous export. Born in Mogadishu in 1955, she has gone on to become a world-renowned high-fashion supermodel, and has set up her own cosmetics business and clothing line.