Hiiraan Online
Friday, May 24, 2013
Today from Hiiraan Online:
Home
Somali Music
Somali Map
Sports
Opinion
RSS
Facebook
Twitter
Google Plus
Wararka Maanta-
Axad, Sept 9 , 2012
Madaxweyne ku xigeenka Somaliland oo ka qaybgalay xaflad loo sameeyey arday ka qalinjabisay Jaamacadda Cammuud
Axad, September 09, 2012 (HOL) — Madaxweyne ku xigeenka Somaliland Md. Cabdiraxmaan Cabdilaahi Ismaaciil (Saylici), iyo wefti uu hogaaminayey ayaa ka qaybgalay qalinjabinta 523 arday oo ka qalinjabiyey jaamacadda Camuud ee magaaladda Boorama ee gobolka Awdal.
Madaxweyne ku xigeenka waxa ku wehelinayey safarkiisan Boorame uu ku tagay Wasiirka waxbarashada iyo tacliinta sare Marwo :Samsam Cabdi Aadan, Wasiirka Dib u dejinta iyo xubno ka tirsan Golaha Wakiiladda, maamulka gobolka Awdal heer degmo iyo heer gobolba.
Gudoomiyaha jaamacadda Camuud Prof. Saleebaan Axmed Guuleed, ayaa ugu horeyn xafladan ka hadlay maraaxilkii kala duwana ee ay soo martay jaamacadda Camuud iyo qaybaha kala duwan ee ay ka kooban tahay.
Gudoomiyuhu waxa uu xusay inay jaamacadu ka kooban tahay 11 kuuliyadood oo kala duwan, waxaanay ardaydan qalinjabisay dhameeyeen sideed ka mid ah 11 kuuliyadood ee ka jira jaamcadda.
Guddoomiyuhu waxa uu wasaaradda waxbarashada iyo tacliinta sare iyo guud ahaan dawladda Somaliland uga mahad-celiyey doorka ay ku leeyihiin habsami u socodka hawlaha jaamacadaha dalka gaar ahaan jaamacadan Cammuud.
Gudoomiyaha jaamacadda waxa uu sheegay in ardaydan wax ka barata jaamcadu ay ka kala yimaadeen deegaanadda kala duwan ee Soomaalidda ee af soomaaliga lagaga hadlo, kuwaas oo ku faraxsan wax ka barashadda jaamacada iyo soo dhoweynta ay u sameeyaan qof kasta oo doonaya inuu wax barto.
Wasiirka Wasaarada waxbarashada iyo tacliinta sare marwo Samsam Cabdi Aadan, oo munaasibadan qalinjabinta ka hadashay ayaa tilmaamtay in jaamacada camuud tahay hormood waxbarashadda dalka, isla markaana kaalin weyn kaga jirto kor u qaadidda aqoonta iyo horumarinta guud ahaan dalka.
Madaxweyne ku xigeenka Md. Cabdiraxmaan Cabdilaahi Ismaaciil (Saylici) oo geba-gebadii xafladan qalinjabinta ah ka hadlay,ayaa xusay in Xukuumaddda Somaliland ahmiyad gaar ah siinayso horumarinta iyo tayeynta waxbarashadda, waxaanu sheegay in dhawrkun oo macaliin ah ay dhowaan hawlgaliyeen kuna dareen shaqaalaha wasaarada waxbarashadda, kuwaas oo dhigi doona dugsiyadda hoose/dhexe iyo sare.
Sidoo kale, madaxweyne u xigeenka oo dhawr cisho joogay magaaladda Boorama waxa kale oo uu ka qaybgalay jaamacadda Eelo university oo ku taala magaaladda Boorame, kaas oo 72 arday ka qalinjabiyeen.
Guud ahaan jaamacadaha dalka oo aad u farobadan ayaa bishan September ay ku beegan tahay qalinjabintoodu, iyagoo maalmaha soo socdana jaamacado kale oo ku yaalla magaaladda Hargeysa ay arday badani ka qalinjabin doonaan.
Barkhad-Ladiif M. Cumar, Hiiraan Online
barkhadladiif@hiiraan.com
Hargeysa, Somaliland
Post your comments
Gabdhaha qurbaha kasoo noqonaya oo qayb ka ah dib u dhiska dalka ka bilowday
9/9/2012 4:26 PM EST
Soomaaliya waxay markii ugu horreysay mudo ku dhow 22 sano ay isu diyaarinaysaa doorasho madaxtanimo oo ka dhacda dalka gudihiisa, taasoo sii xoojinaysa rajada ay Soomaali badan oo qurbaha ku nool ay ka qabaan inay dib ugu soo laabtaan dalkooda.
Ammaanka Muqdisho oo la adkeeyay saacado kahor doorashada iyo musharraxiinta oo dardargaliyay ola'olahooda
9/9/2012 10:15 AM EST
Axad, September 09, 2012 (HOL) - Amaanka goobaha muhiimka ah ee caasimada Soomaaliya ee Muqdisho ayaa la adkeeyay ,iyadoo ay baaritaano xoog leh samaynayaan ciidamada dawlada iyo kuwa Amisom oo jidgooyooyinka ku baaraya dadka iyo gawaarida.
Guddoomiyaha Baarlamaanka Soomaaliya oo ku baaqay in laga qayb-qaato sugidda Ammaanka inta doorashadu socoto
9/9/2012 8:55 AM EST
Axad, September 09, 2012 (HOL) — Guddoomiyaha baarlamanaka Soomaaliya, Prof. Maxamed Sheekh Cismaan Jawaari ayaa ugu baaqay shacabka Soomaaliyeed inay ka qaybqaataan ilaalinta ammaanka inta lagu jiro doorashada madaxnimo ee dalka, isagoo sheegay in doorashadan ay tahay fursad taariikhi ah oo loo baahan yahay inaan la khasaarin.
Guddiga Doorashada oo sheegay in mid ka mid ah Murashaxiinta uu ka Tanaasulay ka qaybgalka doorashadea Madaxweynenimo ee Soomaaliya
9/9/2012 8:35 AM EST
Axad, September 09, 2012 (HOL) — Guddoonka doorashada madaxweynaha cusub ee Soomaaliya ayaa sheegay in mid ka mid ah murashaxiinta u taagan tartanka doorasho ee madaxweynaha Soomaaliya uu sameeyay tanaasul.
Qaraxyo khasaare geystay oo Maanta ka dhacay Xaafadda Suuqa Xoolaha, Degmada Huriwaa ee Gobolka Banaadir
9/9/2012 7:42 AM EST
Axad, September 09, 2012 (HOL) — Qaraxyo is-xigay oo sababay dhaawacyada lix qof oo isugu jiray shacab iyo ciidamada dowladda Soomaaliya ayaa maanta ka dhacay xaafadda suuqa xoolaha ee degmada Huriwaa, iyadoo ciidmaada dowladda ay kusoo qabteen in ka badan 70-qof baaritaanno ay ka sameeyeen xaafaddaas.
Murashaxiinta u tartamaya Kursiga Madaxweynenimo ee Soomaaliya oo Muqdisho ka wada ololayaal doorasho oo xoog leh
9/9/2012 4:19 AM EST
Axad, September 09, 2012 (HOL) — Magaalada Muqdisho ee xarunta Soomaaliya oo lagu wado in berri oo Isniin ah lagu qabto doorashada madaxnimo ee dalka kaddib 42-sano ayaa waxaa ka socda ololayaal doorasho oo ay wadaan 25-ka murashax ee ku tartamaya xilka madaxweynenimo ee Soomaaliya.
Soomaali lagu dhaawacay duleedka Cape-Town ee dalka Koonfur Afrika iyo go'aanno laga soo saaray kulanka Ammaanka Soomaalida looga hadlay
9/9/2012 3:54 AM EST
Axad, September 09, 2012 (HOL) — Inta la xaqiijiyey lix ruux oo Soomaali ah iyo nin Itoobiyaan ah ayaa lagu dhaawacay tuullada Mfuleni oo 40-km u jirta magaalada Cape Town ee dalka Koonfur Afrika, kaddib markii habeen hore ay dukaamo halkaas ku yaallay weerareen kooxo burcad u dhashay dalka Koonfur Afrika.
Ciidammada dowladda iyo kooxo hubeysan oo xalay ku dagaalamay xaafadda Xamar-jadiid ee Degmada Wardhiigley
9/9/2012 3:41 AM EST
Axad, September 09, 2012 (HOL) — Ugu yaraan laba qof oo mid ka mid ah uu ahaa dhinacyadii dagaalamay ayaa ku dhintay dagaal xalay ciidamada dowladda Somalia iyo kooxo hubeysan ku dhexmaray degmada Xamarjadiid ee degmada Wardhiigley oo ka mid ah 16-ka degmo ee gobolka Banaadir uu ka kooban yahay.
Guddoomiyaha Baarlamaanka Federaalka Somalia iyo Shariif Sheekh Axmed oo xalay kulan ku yeeshay Muqdisho
9/9/2012 3:22 AM EST
Axad, September 09, 2012 (HOL) — Madaxweynaha dowladdii KMG ahayd ee dalka Soomaaliya, Shariif Sheekh Axmed ayaa xalay kulan la yeeshay guddoomiyaha baarlamaanka federaalka Soomaaliya, Prof. Maxamed Sheekh Cismaan Jawaari, taas oo ay uga hadleen doorashada madaxweynenimo oo dhacaysa maalinta berri ah oo ku beegan Isniin.
Somali News
Somali Candidate Warns Lawmakers of Alleged Bribery
-
VOA
9/10/2012 12:22 AM EST
A Somali presidential candidate urged lawmakers not to be influenced by alleged vote buying as they prepare to elect a new president Monday.
Hiiraan Online kala soco doorashada madaxweyninimada dowladda federaaka Soomaaliya
-
HOL
9/9/2012 3:53 PM EST
Hiiraan Online kala soco doorashada madaxweyninimada dowladda federaaka Soomaaliya
Presidential candidates make speeches to new Somali MPs
-
PressTV
9/9/2012 3:21 AM EST
Twenty-five qualified candidates are set to compete in the elections and were allotted 20 minutes each to present to parliament their political philosophies. In his speech former Somali Premier Mohamed Abdullahi Farmajo who enjoys majority public support warned legislators against electing leaders on the basis of improving their political future.
Iman: Somalia’s Most Famous Export
-
VA
9/9/2012 3:01 AM EST
Iman Mohamed Abdulmajid, known professionally just as Iman, is often referred to as Somalia's most famous export. Born in Mogadishu in 1955, she has gone on to become a world-renowned high-fashion supermodel, and has set up her own cosmetics business and clothing line.