Hiiraan Online
Tuesday, May 21, 2013
Today from Hiiraan Online:
Home
Somali Music
Somali Map
Sports
Opinion
RSS
Facebook
Twitter
Google Plus
Wararka Maanta-
Sabti, Sept 8 , 2012
Murashaxiin kale oo Maanta Xildhibaanada Baarlamaanka Somalia ka horjeedin doona Barnaamijyadooda Siyaasadeed
Sabti, September 08, 2012 (HOL) — Maanta ayaa lagu wadaa inay 15-kii murashax ee haray ay barnaamijkooda siyaasadeed ka horjeediyaan xildhibaannada baarlamaanka Soomaaliya, iyadoo shalay ay 10-murashax barnaamijkooda jeediyeen.
Xildhibaannada baarlamaanka iyo murashaxiinta hadallada jeedinaya oo ay ka mid yihiin Dr. C/raxmaan Macallin Baadiyoow, Maslax Maxamed Siyaad, Zakariye Max'ud Xaaji Cabdi, Sheekh Maxamed Yaasiin Ismaaciil iyo Yuusuf Garaad Cumar ayaa ku sugan xarunta baarlamaanka Soomaaliya ee Muqdisho.
Guddiga doorashada ayaa sheegay in murashaxiintan haray uu mid walba ku jeedin doono barnaamijkiisa siyaasadeed muddo 20-daqiiqadood ah, iyadoo lagu wado in maanta gallinka dambe lasoo gabagabeeyo jeedinta khudbooyinka.
Murashaxiintii shalay khudbooyinkooda jeediyay oo ay ka mid ahaayeen, Shariif Sh. Axmed, Prof. Axmed Ismaaciil Samatar, C/weli Maxamed Gaas, Maxamed Cabdullaahi Farmaajo, C/llaahi Axmed Caddoow iyo Salaad Cali Jeelle ayaa waxay khudbooyinkii ay jeediyeen ku sheegeen inay ka shaqeyn doonaan horumarka guud ee dalka.
Ergayga aadka u soo jiirtay xildhibaannada ayaa wuxuu ahaa in mushaaraadkooda ay noqon doonaan kuwo joogto ah, waxaana murashaxiinta qaarkood ay eraygan u adeegsanayeen sidii ay codadka uga heli lahaayeen xidlhibaannada, maadaama ay tahay xilli ay xidlhibaannada uga baahan yihiin cod ay ku qabtaan talada dalka.
Qaar ka mid ah murashaxiintii khudbooyinka jeediyay ayaa si toos ah uga dalbaday xildhibaannada inay codkooda siiyaan, halka kuwa kalena ay sheegayaan in haddii la doorto ay wax badan ka bedeli doonaan xaalka uu dalka u ku sugan yahay.
Isniinta soo socota oo bishan ay ku beegan tahay 10 ayaa lagu wadaa in la qabto doorashada Maalinta berri ah ayaa waxay noqon doontaa maalin nashasho, iyadoo lagu wado in maalinta berri ah ay noqoto maalin nasasho oo doorashada la isku diyaariyo.
Maxamed Xaaji Xuseen, Hiiraan Online
maxuseen@hiiraan.com
Muqdisho, Soomaaliya
Post your comments
Xaflad lagu soo dhaweynayay doorashada guddoonka Baarlamaanka Soomaaliya iyo murashaxnimada Shiikh Shariif oo Sweden lagu qabtay
9/8/2012 7:14 PM EST
Sabti, 8-da September 2012(HOL): Waxaa magaalada Katrineholm ee dalka Sweden lagu qabtay munaasabad lagu soo dhaweynayay doorashada hoggaanka baarlamaanka Soomaaliya iyo musharraxnimada Shiikh Shariif Shiikh Axmed, iyadoo ay munaasabadda ahayd mid si weyn loo soo agaasimay.
Soomaaliya oo isu diyaarinaysa doorashadii ugu horreysay oo dalka ka dhacda mudo 43-sanood ah kaddib
9/8/2012 4:35 PM EST
Saturday, Sabti, September 08, 2012 (HOL) - Magaalada Muqdisho ee caasimada Soomaaliya ayaa laga dareemayaa diyaar garow xoogleh oo loogu jiro doorashada dhici doonta maalinta isniinta ah.
Xukuumadda Itoobiya oo sheegtay inay Wadahadallo nabadeed la yeelatay Jabhadda Xoreynta Ogaadeeniya ee ONLF
9/8/2012 9:56 AM EST
Sabti, September 08, 2012 (HOL) — Wasiirka wafaafinta Itoobiya ahna afhayeenka xukuumadda Itoobiya, Bereket Simon ayaa sheegtay inay wadahadallo nabadeed la yeesheen labadii maalmood ee lasoo dhaafay jabahadda xoreynta Ogaadeeniya ee ONLF.
Maamulka Puntland oo ka digtay in la Musuqmaasuqo Doorashada Madaxweyenimo ee Soomaaliya
9/8/2012 9:33 AM EST
Sabti, September 08, 2012 (HOL) — Maamulka Puntland ayaa warsaxaafadeed uu soo saaray maanta oo Sabti ah ku sheegay inay ka digayaan in la musuqmaasuq doorashada madaxweynenimo ee dalka oo dhacaysa toddobaadkan, waxayna ku hanjabeen haddii la musuqmaasuqo inay qaadan doonaan go'aan iyaga u gaar ah.
Maamulka Gobolka Hiiraan oo kasoo horjeestay Maamul Goboleed ay Ahlusunna Wal- jameeca sheetay inay dhisayso
9/8/2012 8:55 AM EST
Sabti, September 08, 2012 (HOL) — Maamulka gobolka Hiiraan ayaa waxba kama jiraan ku sheegay dhismaha maamul gobolleed ay ku baaqeen mas’uuliyiinta Ahlu Sunna Waljameeca kadib kulamo maalmihii ugu danbeeyay ay ku lahaayeen gobollka Galguduud.
Baaritaanno lagu qabtay boqolaal dhallinyaro ah oo maanta mar kale laga sameeyay Degmada Xamar-jajab ee Magaalada Muqdisho
9/8/2012 8:32 AM EST
Sabti, September 08, 2012 (HOL) — Booliiska dowladda Soomaaliya iyo booliiska AMISOM ayaa maanta mar kale ka sameeyay degmada Xamarjajab ee gobolka Banaadir howlgallo lagu soo qabqabtay in ka 166-qof, kuwaasoo dhammaantood ahaa dhallinyaro.
Ciidamada Dowladda Somalia iyo kuwa Midowga Afrika oo Maanta la wareegay gacan ku haynta Degmada Warsheekh
9/8/2012 8:01 AM EST
Sabti, September 08, 2012 (HOL) — Ciidamada dowladda Soomaaliya iyo oo garab ka helaya kuwa Midowga Afrika ee AMISOM ayaa saakay la wareegay gacan ku haynta degmada Warsheekh ee gobolka Shabellaha Dhexe, iyadoo aysan jirin wax dagaallo ah oo dhacay.
Guddoomiyihii Majmaca Culummada Soomaaliyeed, Sheekh Axmed Cabdi Dhicisoow oo xalay ku geeriyooday Muqdisho
9/8/2012 7:16 AM EST
Sabti, September 08, 2012 (HOL) — Guddoomiyihii majmaca culummada Soomaaliyeed, Sheekh Axmed Cabdi Dhicisoow ayaa xalay ku geeriyooday Muqdisho kaddib xanuun oo maalmahaan u jiifay, waxaana isla maanta lagu aasay Muqdisho.
Iska-horimaad Deegaanka Miido ee Gobolka Jubbada Hoose ku dhexmaray Ciidamada Soomaaliya, kuwa Kenya iyo Al-shabaab
9/8/2012 6:36 AM EST
Sabti, September 08, 2012 (HOL) — Iska-horimaad socday saacado ayaa xalay deegaanka Miido oo hoostaga degmada Afmadow ee gobolka Jubbada hoose ku dhexmaray ciidamada dowladda Soomaaliya oo garab ka helaya kuwa Kenya iyo xoogagga Al-shabaab.
Sheekh Fu'aad Shangole oo sheegay in Ciidamada AMISOM ay yihiin kuwo u adeegaya dalalka Yurub iyo Mareykanka
9/8/2012 4:23 AM EST
Sabti, September 08, 2012 (HOL) — Madaxa dacwada ee Al-shabaab, Sheekh Fu'aad Maxamed Shangole ayaa sheegay in ciidamada AMISOM ay yihiin kuwo u adeegaya dalalka reer galbeedka si loo baabi'iyo ku dhaqanka diinta Islaamka ee ka hirgalay Soomaaliya.
Booliiska Kenya oo sheegay inay Waxyaabaha Qarxa iyo Qalabkii lagu qarxinayay ka heleen Guri ku yaalla Magaalada Nairobi
9/8/2012 3:58 AM EST
Sabti, September 08, 2012 (HOL) — Booliiska Kenya ayaa sheegay inay 150 walxo qarxo ah iyo qalabkii lagu qarxinayay ay ka heleen guri ku yaalla magaalada Nairobi ee xarunta dalka Kenya shalay oo Jimco ahayd.
Somali News
Ethiopia’s Government in Peace Talks With Ogaden Rebels
-
BW
9/8/2012 12:45 PM EST
Ethiopia’s government is in peace talks with the Ogaden National Liberation Front, an outlawed ethnic-Somali rebel group, Communications Minister Bereket Simon said.
Somali presidential candidates give speeches in front of parliament
-
Sabahi
9/8/2012 2:50 AM EST
The Somali parliament held a special session on Friday (September 7th) to listen to the speeches of the country's presidential candidates.
Ethiopia: Despots like Meles fail to grasp that there are far smarter ways to deal with critics
-
Daily Nation
9/8/2012 2:45 AM EST
On September 2, Ethiopia’s Prime Minister Meles Zenawi was buried in the capital Addis Ababa. It was an emotional event, and the high and mighty of Africa all assembled, and messages poured in from all over the world.
Kenyan police seize over 150 bomb detonators from Nairobi house
-
Reuters
9/8/2012 2:33 AM EST
NAIROBI (Reuters) - Kenyan police seized more than 150 detonators in Nairobi on Friday, highlighting the security risks the east African country faces ahead of an election next year because of its struggle with al Qaeda-linked militants in neighbouring Somalia.
Unemployment causes more mental health problems among Somalis in London than in Minneapolis
-
Medical Xpress
9/8/2012 2:25 AM EST
Somali immigrants to the UK and USA appear to integrate better and have fewer mental health problems if they are allowed to work and they receive practical support during the first few years of their time in the new country, according to a study
Politics Hinders Capture of Somalia's Kismayo
-
VOA
9/8/2012 1:59 AM EST
NAIROBI, Kenya — For months, the media have used words like “looming” and “imminent” to describe a long-anticipated, concerted military assault on Somalia's coastal city of Kismayo, the last remaining stronghold of militant group al-Shabab, and the financial hub for its operation.