Hiiraan Online
Tuesday, June 18, 2013
Today from Hiiraan Online:
Home
Cheap Calls
Somali Music
Somali Map
Sports
Opinion
RSS
Facebook
Twitter
Google Plus
Wararka Maanta-
Khamiis, Sept 6 , 2012
Al-shabaab oo Magaalada Kismaayo kusoo bandhigtay Hub iyo Gaadiid ay sheegeen in ay ku qabsadeen dagaaladii Jubbooyinka
Khamiis, September 06, 2012 (HOL) — Xoogagga Al-shabaab ayaa maanta kusoo bandhigay magaalada Kismaayo hub iyo gaadiid dagaal oo ay sheegeen in ay kusoo qabsadeen dagaallo mudooyinkii ugu danbeeyay ka socday duleedka degmada Afmadow ee gobolka jubada Hoose.
Fagaaraha beerta xoriyadda ee bartamaha magaalada Kismaayo ayaa lagu soo bandhigay hubka iyo gaadiidka dagaal, waxaana goobta ku sugnaa boqollaal katirsan dadka ku dhaqan magaalada Kismaayo.
Goobjooge ku sugnaa goobta hubka lagu soo bandhigayay ayaa HOL u sheegay in masuuliyiin katirsan Al-shabaab oo goobta ka hadlay ay sheegeen in hubka iyo gaariga dagaal ay kasoo qabsadeen ciidamada Kenya, waxaana hubka goobta lagu soo bandhigay uu ahaa hubka noocyada fudfudud, gaadiid nooca dagaalka iyo weliba lacag Kenya.
Masuuliyiintii goobta ka hadashay ayaa sheegay in ay guulo la taaban karo ka gaareen dagaalladii ugu danbeeyay ee ka dhacay gobolka jubada hoose, waxayna ugu baaqeen shacabka reer Kismaayo in ay ka qeybqaataan dagaallada ay Al-shabaab ku dooneyso in ay kaga hortagto duulaanka kusoo fool leh Kismaayo.
Arintan ayaa kusoo beegmeysa xilli dhawaan xoogagga Al-shabaab ay magaalada Kismaayo kusoo bandhigeen meydadka afar qof oo laba kamid ah ay ahaayeen Soomaali, kuwaasoo ay sheegeen in ay kusoo dileen dagaal ka dhacay duleedka Afmadow.
Dhinaca kale waxa ay weli xiisad dagaal ka taagantahay deegaanka Miido oo hoostaga degmada Afmadow halkaasoo ay isku horfadhiyaan ciidamada huwanta ah iyo Al-shabaab, waxaana wararkii ugu danbeeyay ay sheegeen in xalay uu halkaasi ka dhacay dagaal qaatay saacado kooban oo dhexmaray labada dhinac.
Illaa iyo imika lama garanayo khasaaraha ka dhashay dagaalkii xalay, mana jiraan masuuliyiin katirsan dhinacyadii dagaalamay oo faahfaahin ka bixiyay.
Xasan Nuur, Hiiraan Online
hnur@hiiraan.com
Kismaayo, Soomaaliya
Post your comments
Ardayda Jaamacada Baladweyne University oo sanadkii Afraad dib u bilaabay waxbarashada Jaamacada
9/6/2012 8:15 PM EST
Khamiis, September, 06, 2012 (HOL) – Jaamacada Baladweyne University oo ka mid ah Jaamacadaha ku yaala magaalada Baladweyne ee xarunta gobollka Hiiraan ayaa ardayda wax ka barata waxaa ay maanta sanadkii afraad dib u bilaabeen waxbarashada Jaamacada.
25 Musharrax oo ka qeybgalaya doorashada Madaxweynenimada Soomaaliya
9/6/2012 1:32 PM EST
Talaado 6-da September 2012(HOL): Guddiga doorashada madaxweynenimada Soomaaliya ayaa galabta ku dhawaaqay tirada musharraxiinta isu soo taagay madaxweynenimada Soomaaliya ee buuxiyay shuruudihii lagu xiray, waxayna tiradaha musharraxiintaas gaareysaa 25 musharrax.
Wasiiradda Xukuumadda Waqtigeedu dhammaaday oo kulankoodii ugu dambeeyay ku yeeshay Magaalada Muqdisho
9/6/2012 8:48 AM EST
Khamiis, September 06, 2012 (HOL) — Wasiirrada xukuumadda Soomaaliya ee uu waqtigeedu dhammaaday ayaa maanta kulankoodii ugu dambeeyay ku yeeshay magaalada Muqdisho, kaasoo ay uga hadleen waxqabadkoodii iyo ammaanka guud ee dalka.
Booliiska Soomaaliya iyo kuwa AMISOM oo Howgallo lagu qabtay Boqolaal dhallinyaro ah ka sameeyay Magaalada Muqdisho
9/6/2012 8:25 AM EST
Khamiis, September 06, 2012 (HOL) — Booliiska dowladda Soomaaliya iyo booliiska AMISOM ayaa maanta howlgallo wadajir ah oo lagu soo qabqabtay boqolaal ruux oo dhallinyaro ah ka sameeyay degmada Xamarjajab ee gobolka Banaadir.
Dagaal Beeleed Khasaare geystay oo ka dhacay deegaan ka tirsan Gobolka Galguduud ee bartamaha dalka Soomaaliya
9/6/2012 3:40 AM EST
Khamiis, September 06, 2012 (HOL) — In ka badan 10 ruux ayaa ku dhimatay tiro kale oo intaa ka sii badanna dhaawac ayaa ka soo gaaray dagaalo culus oo labo maleeshiyo beelleed ku dhaxmaray deegaannka lagu magacaabo Bangala oo ka tirsan gobollka Galguduud
Iskahorimaadyo Muqdisho ku dhexmaray Ciidamada Dowladda Soomaaliya iyo Xoogag Hubeysan iyo dilal kala duwan oo dhacay
9/6/2012 3:32 AM EST
Khamiis, September 06, 2012 (HOL) — Iskahorimaadyo u dhexeeya ciidamada dowladda Soomaaliya iyo kooxo hubeysan ayaa xalay ka dhacay isgoyska Ex-koontarool Afgooye iyo degmada Dharkeynley oo dhinaca koonfeed kaga yaalla Muqdisho.
Madaxweynaha Soomaaliya iyo Murashaxiin kale oo ku biiray Murashaxiinta buuxiyay shuruudihii Murashaxnimo ee looga bahnaa
9/6/2012 3:12 AM EST
Khamiis, September 06, 2012 (HOL) — Madaxweynaha Soomaaliyaiyo xubno kale oo ka tirsan murashaxiinta u taagan doorashada madaxnimo ee dalka ayaa ku biiray xubnihii horay u buuxiyay shuruudihii uu ku xiray guddiga doorashada madaxweyne ee Soomaaliya.
Qarax khasaare geystay oo lagu weeraray Guri ku yaalla Afgooye iyo Kooxo weeraray gaari kasoo ambabaxay Baydhabo
9/6/2012 3:11 AM EST
Khamiis, September 06, 2012 (HOL) — Ugu yaraan afar qof ayaa ku dhintay 13 qof oo kalena way ku dhaawacmeen bam xalay lagu weeraray guri ku yaalla degmada Afgooye iyo weerar ay kooxo hubeysan ku qaadeen gaari rakaab siday oo kasoo ambabaxay magaalada Baydhabo kuna soo jeedyay Muqdisho.
Somali News
As presidential vote nears, UN envoy urges Somali parliamentarians to choose wisely
-
UN
9/6/2012 7:59 PM EST
As Somali parliamentarians prepare to elect a new president next week, the top United Nations envoy in the country urged them to choose a credible and effective leader who can advance peace and development in the Horn of Africa nation.
Jail terms sought in first German piracy trial in 400 years
-
Expatica
9/6/2012 1:31 PM EST
Prosecutors in Germany's first piracy trial in four centuries demanded lengthy prison sentences for 10 Somalis accused of hijacking a German-flagged ship off the Horn of Africa.
Somali Presidential Election Commission distributes 26 applications
-
SABAHI
9/6/2012 1:26 PM EST
The Somali Presidential Election Commission has given applications to 26 presidential candidates, commission spokesman Osman Libah Ibrahim told UN-funded Radio Bar-Kulan on Tuesday (September 4th).
UK: Why Cameron will not stop Somali pirates getting their pieces of eight
-
Telegraph
9/6/2012 1:20 PM EST
Is it right to pay ransoms to pirates? That's a question that comes up for discussion in Whitehall next week, when David Cameron's piracy ransoms task force meets to discuss how to stop the lucrative flow of pieces of eight into Somalia in recent years.
Kismayo feels the heat ahead of AMISOM assault
-
IRIN
9/6/2012 12:24 PM EST
MOGADISHU, (IRIN) - Hundreds of civilians have over recent weeks fled the Somali port city of Kismayo, where tension is rising amid sporadic shelling by the Kenyan navy in the run-up to an African Union military operation to dislodge Al-Shabab militants from their last stronghold in the country.
Paul And Rachel Chandler, Kidnapped At Sea By Somali Pirates, To Set Sail Again On Same Yacht
-
HuffPost
9/6/2012 2:02 AM EST
Paul and Rachel Chandler are severely testing the old saw about getting back on the horse. Kidnapped at sea three years ago and held for 388 days by Somali pirates, the British couple is setting sail again.
Al-Shabaab defends Somali turf
-
UPI
9/6/2012 1:54 AM EST
Residents in a Somali city under the authority of al-Shabaab said the al-Qaida ally was shoring up its positions in the face of a Kenyan naval barrage.
Las Anod ejects southern Somalis over alleged links to al-Shabaab
-
Sabahi
9/6/2012 1:52 AM EST
The Sool regional administration in northern Somalia has issued a decree telling certain young southern Somalis who work in Las Anod to leave by September 12th because of their alleged links with al-Shabaab.
Conn. Attorneys Take On the Challenge of Opening Office in Somalia
-
Connecticut Law Tribune
9/6/2012 1:51 AM EST
Perhaps they're opportunists. Or maybe just dreamers.