Hiiraan Online
Thursday, May 23, 2013
Today from Hiiraan Online:
Home
Somali Music
Somali Map
Sports
Opinion
RSS
Facebook
Twitter
Google Plus
Wararka Maanta-
Isniin, Sept 3 , 2012
Guddiga Doorashada Madaxweynaha Soomaaliya oo sheegay in 22 Murashax ay soo gudbiyeen Araajidooda Murashaxnimo
Isniin, September 03, 2012 (HOL) — Guddiga doorashada madaxweynaha Somalia ayaa sheegay maanta oo Isniin ah in 22 mudane ay ka qabteen araajidooda Murashaxnimo ayna siiyeen warqado loogu talo-galay inay soo buuxiyaan, kuwaasoo ay kusoo qorayaan magacyada xildhibaannada kalsoonida siinaya.
Afhayeenka guddiga doorashada madaxweynaha Soomaaliya, Cismaan Libaax Ibraahim ayaa warbaahinta u sheegay maanta in guddigu uu ku wargelinayo dhammaan murashaxiinta tarmaya inay lacagaha laga doonayo oo 10,000 oo dollar ah ku shubaan bankiga dhexe ee dalka.
"Maanta waxaa billaabatay qabashada araajida murashaxiinta u tartamaya jagada madaxweynenimo ee Somalia, waxaana 22 murashax aan maanta ka qabanay araajidooda waxaana siinnay warqado loogu talogalay inay kusoo qoraan magacyada labaatan murashax oo kalsoonida siinaya," ayuu yiri Libaax oo xusay in guddiga lagu soo celinayo foomamka lasoo buuxinayo.
Sidoo kale, afhayeenka guddiga wuxuu sheegay in murashaxiinta ay u diyaariyeen warqad ay ku qoran yihiin shuruudaha murashaxa laga doonayo in sidoo kale halka uu ku shubayo lacagta laga doonayo ee 10,000 oo dollar ah.
"Murashax walba waxaa looga baahan yahay inuu lacagta ku shubo akoon lambar: 795 oo bankiga dhexe ah, waxaana warqadda risiidka ah uu u keenayaa guddiga," ayuu yiri Cismaan Libaax oo sheegay in howshoodu ay socon doonto saddexda maalmood ee soo socota.
Guddigu ma magacaabin magacyada xildhibaannada ay siiyeen foomamka, waxayna sheegeen in marka ay soo dhameystirmaan murashaxiinta araajidooda soo gudbiya ay ku dhawaaqi doonaan magacyadooda.
Doorashada madaxweynenimo ee Soomaaliya ayaa waxaa horay loo qorsheeyay in ay dhacdo bishan 10-keeda, waxaana xilkan isku taagan in ka badan 30 xubnood oo intooda badan ka yimid dalka dibadiisa.
Maxamed Xaaji Xuseen, Hiiraan Online
maxuseen@hiiraan.com
Muqdisho, Soomaaliya
Post your comments
Dowladda Kenya oo sheegtay in Markab dagaal oo ay leedahay uu Maanta Duqeyn u geystay Magaalada Kismaayo
9/3/2012 9:24 AM EST
Isniin, September 03, 2012 (HOL) — Afhayeenka milateriga dalka Kenya, Emmanuel Chirchir ayaa sheegay in maraakiib dagaal oo Kenya ay leedahay ay duqeeyeen maanta magaalada Kismaayo ee xarunta Gobolka Jubada Hoose, iyadoo aan la ogeyn khasaaraha ka dhashay duqeyntaas.
Ciidamada Dowladda Soomaaliya iyo AMISOM oo baaritaanno ku sameeyay Degmada Afgooye kaddib dagaallo xalay ka dhacay
9/3/2012 7:13 AM EST
Isniin, September 03, 2012 (HOL) — Ciidamada dowladda Soomaaliya oo gacan ka helaya kuwa AMISOM ayaa maanta baaritaanno dad lagu qabtay ka sameeyay xaafadaha degmada Afgooye ee gobolka Shabeellada Hoose, kaddib dagaal xalay ka dhacay degmadaas.
Musharaxiinta ka qaybgalaya Doorashada Madaxweynenimo ee dalka Soomaaliya oo lagu xiray shuruudo cusub
9/3/2012 7:09 AM EST
Isniin, September 03, 2012 (HOL) — Musharxiinta u taagan xilka madaxweynenimo ee Soomaaliya ayaa lagu xiray shuruudo cusub, iyadoo guddigu ay soo jeediyeen in murashaxa xilka u tartamaya uu haysto baasaboor Soomaali ah ama dhalasho u dhiganta.
Kooxo hubeysan oo xalay dilal qorsheysan ka geystay Degmooyin ka tirsan Muqdisho iyo bam lagu weeraray Ciidammo Booliis ah
9/3/2012 3:05 AM EST
Isniin, September 03, 2012 (HOL) — Kooxo hubeysan ayaa xalay laba qof siyaabo kala duwan ugu dilay xaafadoka tirsan degmooyinka Howadaag iyo Huriwaa, iyadoo sidoo kale bam lagu weeraray shalay gallinkii dambe ciidammo booliis ah oo ku sugnaa suuqa Bakaaraha.
Diyaarado iyo Maraakiib dagaal oo xalay duqeymo ka geystay Deegaanno ka tirsan Gobolka Jubbada Hoose
9/3/2012 3:04 AM EST
Isniin, September 03, 2012 (HOL) — Diyaarado dagaal iyo maraakiib ayaa xalay duqeymo ka geystay gobolka Jubbada Hoose, gaar ahaan difaacyada ay Al-shabaab uga jiraan deegaannada ku dhow magaalada Kismaayo ee xarunta gobolkaas.
Somali News
Kenya charges Shebab-linked preacher after riots
-
AFP
9/3/2012 9:17 AM EST
MOMBASA, Kenya — A radical Kenyan preacher accused by the US of supporting Somalia's Al-Qaeda linked militants was Monday charged with inciting violent protests, after he surrendered claiming he feared for his life.
EA bloc in further talks on S. Sudan
-
The Citizen
9/3/2012 9:14 AM EST
Arusha. The East African Community (EAC) partner states will make further consultations on the applications of South Sudan and Somalia to join the bloc, it was announced here yesterday.
Navies to shipowners: Don't relax anti-pirate measures
-
Marine Log
9/3/2012 9:13 AM EST
SEPTEMBER 3, 2012 — The "Big Three" counter-piracy task forces (NATO's Operation Ocean Shield, European Union Naval Force Somalia - Operation Atalanta and Combined Task Force 151 (CTF 151) are calling upon the shipping industry to continue to take anti-piracy measures despite the current downward trend in piracy events.
Improved shelters in Dadaab
-
NRC
9/3/2012 9:11 AM EST
Fleeing the escalating conflict between the Al Shabaab and Transitional Federal Government forces, Fatumo and her children arrived starved and thirsty at Dadaab refugee camp.
AU troops in Somalia take key town from militants
-
AP
9/3/2012 9:08 AM EST
A spokesman for African Union forces in Somalia says they have seized the port city of Merca from rebels linked to al-Qaida.
Mo Farah names his daughters Aisha and Amani
-
The Telegraph
9/3/2012 1:58 AM EST
The long distance runner, who brought joy to the nation with his triumphs in the 5,000m and 10,000m finals, has called the pair Aisha and Amani.
Afmadow secure, says African Union spokesman
-
Sabahi
9/3/2012 1:34 AM EST
African Union Mission in Somalia (AMISOM) force commander Lieutenant General Andrew Gutti said on Saturday (September 1st) that al-Shabaab's claims that they have captured Afmadow are baseless.
Somalia: We Are Ready to Talk to Al-Shabaab
-
Independent
9/3/2012 1:32 AM EST
Somalia Prime Minister Abdiweli Mohamed Ali spoke to The Independent's Andrew Mwenda
Somali electoral committee announces presidential candidate criteria
-
Sabahi
9/3/2012 1:19 AM EST
Somalia's Presidential Election Committee spokesman Osman Libah Ibrahim announced the criteria for presidential candidates at a news conference in Mogadishu on Saturday (September 1st).
Kenyan fighter jets hit pro-government forces in Somali by mistake
-
PressTV
9/3/2012 1:17 AM EST
Kenyan fighter jets have mistakenly targeted a pro-government militia group in southern part of the war-torn Somalia, Press TV reports
Interview: Americans Didn't Make Me President, the Somalis Did
-
Independent
9/3/2012 1:14 AM EST
Somali President Sheikh Sharif Sheik Ahmed spoke to The Independent's Andrew Mwenda.
Over 2 million Somalis at risk of starvation by year-end: Report
-
PressTV
9/3/2012 1:10 AM EST
The UN has warned that 2.12 million people in Somalia are at risk of being starved for the August-December period as the African state is still in the grip of food security crisis, Press TV reports.
Ethiopians, heads of state pay respects at Meles funeral
-
Reuters
9/3/2012 1:09 AM EST
ADDIS ABABA, Sept 2 (Reuters) - Tens of thousands of Ethiopians and at least 15 heads of state turned out on Sunday to pay their respects at the funeral of Meles Zenawi, the guerrilla leader turned economic reformer who died last month after more than two decades in power.