Isniin, September 24, 2012 (HOL) — Ciidamada Kenya ee qaybta ka ah howgalka Midowga Afrika ee AMISOM ayaa shacab Soomaaliyeed oo xoolo dhaqato ah ku laayay deegaanka Janaay-Cabdala oo ka tirsan gobolka Jubbada Hoose, sida uu saxaafadda u xaqiijiyay afhayeenka ciidamada dowladda ee Jubbooyinka, Col. Aadan Axmed Xirsi (Rufle).
Afhayeenka oo la hadlayay BBC-da ayaa sheegay in ciidamada Kenya ay dileen toddoba qof oo ka mid ah sagaal qof oo ay soo qabteen labadii qof ee kalena ay gaareen dhaawacyo aad u daran.
"Weerar ay Al-shabaab soo qaaday kaddib ayay ciidamada Kenya waxay shacab kasoo qabteen deegaanno ku dhow deegaanka Janaay-Cabdalla wayna laayeen," ayuu yiri afhayeenka u hadlay ciidamada dowladda, isagoo ka dalbaday madaxda dowladda Soomaaliya inay arrintaan wax ka qabtaan, maadaama ciidamadan ay ku amar dowladeed.
Col. Rufle oo hadalkiisa sii wata ayaa sheegay in dadka ay ciidamada Kenya dileen ay ahaayeen xoolo dhaqato aan wax lug ah ku lahayn dagaallada, isagoo sheegay in falkan uusan ahayn kii ugu horreeyay oo ciidamada Kenya ka sameeyaan gudaha Soomaaliya.
"Markii aan saraakiisha Kenya u sheegno inay cudur-daar ka bixiyaan iyo magdhow ka bixiyaan dadka shacabka ah ee ay ciidamadoodu dilaan waxay noogu jawaabaan waxaan dhiiggeenna u daadinayno waa inaan xoreyno Soomaalida," ayuu afhayeenku ku sheegay warbixintiisa.
Dhanka kale, afhayeenka ciidamada Midowga Afrika ee AMISOM, Col. Cali Aadan Xumud oo dilalkan ay su'aalo ka weydiistay BBC-da ayaa sheegay inay baaritaan ku sameyn doonaan, haddii ay cadaatana go'aan laga qaadan doono.
"AMISOM waxay diyaar u tahay inay qaadato haddii ay gef geysato, arrintanna waa la baarayaan haddii ay cadaatana go'aan ayaa laga qaadan doonaa," ayuu yiri Col. Xumud oo u dhashay dalka Jabuuti.
Ciidamada Kenya ee ku sugan Koonfurta Soomaaliya, ayaa waxay si iskood ah uga soo talaabeen soohdinta qaybisa labada dal bishii Oktoobar ee sannadkii hore, si ay ula dagaalamaan Al-shabaab oo ay ku eedeeyeen falal ammaan-darro oo gudaha dalkooda ka dhacay, balse horraantii sannadkan ayay ku biireen howgalka AMISOM.
Maxamed Xaaji Xuseen, Hiiraan Online
[email protected]
Muqdisho, Soomaaliya
Ciidamada Kenya oo Deegaanka Jannaay Cabdalla ee Gobolka Jubbada Hoose ku dilay Xoolo dhaqato Soomaaliyeed
More News
- BAROOR-DIIQ: Dadkii lagu xasuuqay qaraxii Muqdisho ka dhacay (VIDEO)
- Golaha Wakiiladda Somaliland oo dood adag ka yeeshay Xeerka Guddiyada Maamul-Wanaagga iyo la dagaalanka Musuqmaasuqa
- Baarlamaanka Soomaaliya oo kulan uu Muqdisho ku yeeshay uga hadlay arrimo fara badan iyo xildhibaanno la dhaariyay
- Kulan looga hadlay Aragtida Islaamku uu ka qabo boobka gagaarka loogu talogalay dadka dhibaateysan oo Muqdisho lagu qabtay
- Ciidammo kawada tirsan kuwa dowladda Soomaaliya oo ku dagaalamay Deegaanka Lafoole oo ee duleedka Magaalada Muqdisho
- Xildhibaannada Baarlamaanka Somalia oo Maanta yeelanaya kulankii ugu horreeyay tan iyo markii ay doorteen Madaxweynaha
- Dowladda Soomaaliya oo lagu wareejiyay gargaar bani'aadamnimo oo Dadweynaha Ciraaq ay ugu deeqeen Shacabka Soomaaliyeed
- Itoobiya oo Qorsheynaysa inay kordhiso Ciidamadeeda ku sugan si taageero u siiyaan dowladda Federaalka Soomaaliya
- Ra'iisul Waasaraha xilligiisu dhammaaday oo Soomaaliya uga qaybgalaya Shirka Guud ee Qaramada Midoobay