Hiiraan Online
Tuesday, May 21, 2013
Today from Hiiraan Online:
Home
Somali Music
Somali Map
Sports
Opinion
RSS
Facebook
Twitter
Google Plus
Wararka Maanta-
Axad, Sept 23, 2012
Kulan loogu Baroor-diiqayay Suxufiyiintii Siyaabaha kala duwan loogu dilay Muqdisho oo ka dhacay Magaalada Nairobi ee dalka Kenya
Axad, September 23, 2012 (HOL) — Kulankan oo loogu baroordiiqayay wariyeyaashii lagu laayay magaalada Muqdisho ayaa waxa uu ka dhacay Hotel Bin-Ali oo ku yaal xaafadda Eastleigh, waxaana kasoo qeybgalay suxufiyiinta Soomaaliyeed ee ka howlgasha magaalada Nairobi iyo marti sharaf kale.
Kulankan oo ahaa mid loogu baroordiiqayay wariyeyaasha kala Allaha u naxariistee Liibaan Cali Nuur iyo Cabdi Sataar Daahir Sabriye oo labaduba u shaqeyn jiray TV-ga iyo idaacadda Qaranka iyo Wariye Xasan Yuusuf Absuge oo u shaqeyn jiray Radio Maanta iyo Yaasiin Cali oo ahaa agaasimaha idaacadda VOD ayaa waxaa goobjoog ka ahaa wariyeyaasha kahowlgala magaalada Nairobi iyadoona sidoo kale uu kasoo qeybgalay safiirka Soomaaliya u fadhiya dalka Kenya Max'ed Cali Ameeriko.
Kulanka ayaa waxa kahadlay saxafiyiin iyo culumaa'udiin kuwaasoo si kulul u cambaareeyay qaraxii ugu danbeeyay ee ka dhacay maqaayadda the Village ee ay dadka badani ku baaba'een, waxaana dadkii goobta ka hadlayay ay dhamaantoodba si isku mid ah u cambaareeyeen dilalka qorsheysan ee ka dhanka ah suxufiyiinta ka howlgasha magaalada Muqdisho.
Max'ed Axmed Ilkacase oo katirsan TV-ga qaranka Soomaaliya oo goobta ka hadlay ayaa sheegay in uu aad uga xunyahay dilka loo geystay wariyeyaashii qaranka, isagoona cambaareeyn dusha uga tuureen kooxihii falkaasi ka danbeeyay, wuxuuna sidoo kale ugu baaqay suxufiyiinta Soomaaliyeed in ay go'aan wadajir ah ka qaataan kooxaha kasoo horjeeda jiritaankooda islamarkaasina dilalka u geysanaya.
Sidoo kale Max'ed Gaarane oo goobta hadallo ka jeediyay ayaa ugu horeyn u tacsiyeeyay ehellada, qaraabada iyo asxaabta ay ka geeriyoodeen suxufiyiintii la laayay wuxuuna si kulul u cambaareeyay dilalka loo geysanayo suxufiyiinta isagoona ugu baaqay suxufiyiinta Soomaaliyeed in ay midoobaan islamarkaasina ay noqdaan dad isku duuban oo ugu yaraan awoodi kara in ay wax u qabtaan caruurta iyo ehellada suxufiyiinta lagu leynayo gudaha dalka Soomaaliya.
Kulanka ayaa laga aqriyay taariikh nololeedka qaar kamid ah suxufiyiintii lagu laayay Muqdisho, waxaana dhamaan dadkii goobta ka hadlay ay si kulul u cambaareeyeen dilalka loo geysanayo suxufiyiinta kahowlgasha gudaha dalka, waxayna ugu baaqeen dowladda Federaalka Soomaaliya in ay wax ka qabato ammaanka suxufiiyinta ka howlgasha gudaha dalka.
Ugu danbeyn waxa goobta ka hadlay Safiirka Soomaaliya u fadhiya Kenya Max'ed Cali Ameeriko oo isagu si kulul u cambaareeyay kooxaha bartilmaameedsanaya wariyeyaasha ka howlgala magaalada Muqdisho, wuxuuna sidoo kale tacsi u diray ehellada wariyeyaasha lagu dilay Muqdisho.
Kulankan ayaa kusoo beegmaya xilli ay isa soo tarayaan dilalka ka dhanka ah wariyeyaasha kahowlgala magaalada Muqdisho ilaa imikana ma muuqato tallaabo cad oo looga hortagayo dhiiga wariyayaasha ee sida xaqdarrada ah loogu daadinayo gudaha dalka Soomaaliya.
Xasan Nuur, Hiiraan Online
hnur@hiiraan.com
Kismaayo, Soomaaliya
Post your comments
Wakiilka cusub ee EU u qaabilsan Soomaaliya oo maanta Garoowe soo gaarey lana kulmay madaxda Puntland
9/23/2012 2:30 PM EST
Axad, September 23, 2012 (HOL) - Magaala madaxda Puntland ee Garoowe waxaa maanta soo gaarey wefdi uu horkacayo wakiilka cusub ee midowga Yurub u qaabilsan Soomaaliya Michal Caravan. Wefdigan oo si diiran loosoo dhoweeyey, waxay xarunta madaxtooyada kulan kula qaateen madaxweyne Cabdiraxmaan Maxamed Faroole, ku-xigeenkiisa Gen. Shire iyo xubno ka tirsan golaha wasiirada.
Kooxo Bastoolado ku hubeysan oo Maanta Degmada Huriwaa ee Gobolka Banaadir ku dilay laba wiil oo dhallinyaro ah
9/23/2012 9:24 AM EST
Axad, September 23, 2012 (HOL) — Kooxo bastoolado ku hubeysan ayaa xaafadda Suuqa Xoolaha ee degmada Huriwaa ku toogtay laba wiil oo dhallinyaro ah, kuwaas oo aan la garanayn sababta loo dilay iyo cidda dilkooda ka dambeysa.
Dhakhaatiir Reer Kuweyt ah oo Hawlo Caafimaad ka billaabi doono Isbitaal ku yaalla Boorama oo si weyn loosoo dhaweeyay
9/23/2012 8:52 AM EST
Axad, September 23, 2012 (HOL) — Wasiirradda Caafimaadka iyo Beeraha Somaliland ayaa soo dhaweyey 11 dhakhtar oo reer Kuwayt ah oo u yimid Somaliland sidii ay qaliinno kala duwan u sameyn lahaayeenm kuwaasoo shaqadooda ka billaabi doona Isbitaalka Al-Xayaat oo ku yaalla magaalada Boorame ee xarunta gobolka Awdal.
Tartan Kubadda Cagta oo lagu Maamuusayay Marxuum Inj. Cali Xaaji Shirwac oo lagu soo Gabagabeeyay Magaalada Gaalkacyo
9/23/2012 8:40 AM EST
Axad, September 23, 2012 (HOL) — Waxaa garoonka kubada cagta Cawaale ee degmada Gaalkacyo lagu soo gabagabeeyay tartan kubada cagta ah oo lagu maamuusayay Alle ha u naxatiirteen marxuum Eng Cali Xaaji Shirwac oo kol hore lagu dillay magaalada Baladweyne.
Dagaal culus oo goor-dhawayd ka Qarxay Deegaanka Janaay-Cabdalle oo galbeed kaga beegan Magaalada Kismaayo
9/23/2012 8:23 AM EST
Axad, September 23, 2012 (HOL) — Dagaal culus oo u dhexeeyo ciidamada dowladda Soomaaliya oo kaashanaya kuwa Kenya iyo Xarakada Al-shabaab ayaa goor-dhawayd ka qarxay deegaanka Janaa cabdalle oo 60 KM dhanka galbeed kaga began magaalada Kismaayo ee xarunta gobolka jubada Hoose.
Ergayga Midowga Yurub ee Arrimaha Soomaaliya oo kulan la yeeshay Madaxweynaha iyo Shir-guddoonka Golaha Wakiiladda Somaliland
9/23/2012 8:16 AM EST
Axad, September 23, 2012 (HOL) — Wefti uu hoggaaminayo ergayga cusub ee Midowga Yurub u fadhiyi doona magaalada Muqdisho ayaa booqasho ku yimid magaalada Hargeysa, kaasoo la kulmay madaxweynaha Somaliland, Axmed Maxamed Maxamuud (Siillanayo) iyo shir-guddoonka golaha wakiillada Somaliland.
Al-shabaab oo sheegatay dil Mudane Baarlamaanka ka tirsan loogu geystay Muqdisho, iyagoo u hanjabay Xildhibaannada kale
9/23/2012 7:12 AM EST
Axad, September 23, 2012 (HOL) — Xarakada Al-shabaab ayaa sheegtay inay ka dambeysay dil mudane ka tirsan baarlamaanka Soomaaliya loogu geystay xalay degmada Waaberi ee gobolka Banaadir, kaddib markii ay dabley bastoolado ku hubeysan ay gurigiisa ku weerareen.
Hay'adda Shaqada Adduunka ee ILO oo Mashruuc Ganacsiga Haweenka Soomaaliyeed lagu horumarinayo maanta ka furtay Muqdisho
9/23/2012 6:59 AM EST
Axad, September 23, 2012 (HOL) — Hay'adda shaqada adduunka ee ILO ayaa ka furtay maanta Muqdisho mashruuc lagu horumarinayo ganacsiga haweenka, taasoo ay ka qaybgaleen mas'uuliyiin ka socda dowladda Soomaaliya iyo xubno ka socday hay'adaha bulshada rayidka Soomaaliyeed.
Munaasabad lagu taageerayay dowladda Soomaaliya oo Katrineholm ka dhacday
9/23/2012 6:07 AM EST
Axad, september 23, 2012(HOL): Munaasabad si weyn loo soo agaasimay oo ay ka qeybgaleen dad aad u faro badan, isla markaana lagu taageerayay dowladda cusub ee Soomaaliya ayaa ka dhacday Magaalada Katrineholm ee dalka Sweden.
Howgallo dad badan lagu qab-qabtay oo Ciidamada Ammaanka Dowladdu ay xalay ka sameeyeen Degmooyin ka tirsan Muqdisho
9/23/2012 1:31 AM EST
Axad, September 23, 2012 (HOL) — Howlgallo lagu soo qabqabtay dad fara badan ayay cidamada amaanka dowladdu xalay ka sameeyeen degmooyinka, Waaberi, Hodan iyo Wadajir, iyadoo ciidamadu ay baaritaanno ku sameynayeen guryaha iyo gaadiidka.
Ciidamada Midowga Afirka oo sheegay inay isku soo dhiibeen boqolaal dagaalyahan oo ka tirsanaa Xarakada Al-shabaab
9/23/2012 1:28 AM EST
Axad, September 23, 2012 (HOL) — Taliska ciidamada AMISOM ayaa sheegay inay isku soo dhiibeen shalay oo Sabti ahayd 200 dagaalyahan oo ka tisran Xarakada Al-shabaab, kuwaasoo ay sheegeen inay kasoo tageen degmada Jowhar ee gobolka Shabeellada dhexe.
Guddoomiyaha Guddiga Doorashooyinka Puntland iyo Wafdi uu hoggaaminayo oo ku sugan Degmada Qardho ee Gobolka Karkaar
9/23/2012 1:24 AM EST
Axad, September 23, 2012 (HOL) — Waxaa degmada Qardho ee xarunta gobolka Karkaar maalintii labaad ku sugan xubno ka tirsan gudiga madaxa banaan ee doorashooyinka Puntand oo uu horkacayo gudoomiyaha gudigaasi, Dr. Maxamed Xasan Barre.
Somali News
Puntland election commissioners tour region to raise democratic awareness
-
Sabahi
9/23/2012 6:54 PM EST
Officials from the Puntland Electoral Commission toured the region at the weekend to raise awareness about the government's democratisation agenda, Somalia's Garowe Online reported Saturday (September 22nd).
Somalia’s victorious U-17 football receive warm welcome at Mogadishu airport
-
SFF
9/23/2012 2:11 PM EST
Somalia’s victorious U-17 football squad have warmly been received at Mogadishu airport by high profile sporting officials and football fans in what was described as the ‘biggest ever welcome ceremony’ for a Somali national team in more than 20 years.
Somali rebels claim killing of MP, threaten more assassinations
-
Reuters
9/23/2012 1:36 PM EST
MOGADISHU (Reuters) - Islamist rebels said they shot dead a Somali lawmaker in Mogadishu on Saturday and threatened to kill every legislator in the country.
SOMALIA: Principles and pragmatism
-
IRIN
9/23/2012 1:34 PM EST
NAIROBI (IRIN) - The advance by African Union troops (AMISOM) on the insurgent-held Somali port city of Kismayobrings into focus a challenge often faced by humanitarian actors in conflict zones:
UNESCO chief alarmed by upsurge in killing of journalists in Somalia
-
UN
9/23/2012 1:29 PM EST
The head of the United Nations agency tasked with defending press freedom today expressed her concern and anger over the killing of five journalists in Somalia in the past week.
AU Special Representative condemns assassination of Somali MP in Mogadishu
-
AMISOM
9/23/2012 1:23 PM EST
The Special Representative of the Chairperson of the African UnionCommission for Somalia, Ambassador Boubacar Diarra, has condemned the assassination of newly elected MP Mustafa Mohamed Mo’alin in Mogadishu.