Hiiraan Online
Wednesday, June 19, 2013
Today from Hiiraan Online:
Home
Cheap Calls
Somali Music
Somali Map
Sports
Opinion
RSS
Facebook
Twitter
Google Plus
Wararka Maanta-
Talaado, Sept 18, 2012
Ururrada Bulshada Rayidka oo ka hadlay sidii gargaarka lagu gaarsiin lahaa dadka ku nool deegaanadii laga saaray Al-Shabaab
Talaado, September 18, 2012 (HOL) — Ururada bulshada rayidka Banaadir ayaa kulan ay maanta ku yeesheen Muqdisho waxay kaga hadleen sidii gargaar bani'aadanimada lagu gaarsiin lahaa deegaannada Al-shabaab laga saaray iyo sidii looga hortegi lahaa in gargaarkaas la leexsado.
Kulankan oo ay soo agaasintay hay'adda CCD ayaa xubnihii ka qeyb-galay waxay farriin iyo talooyin ugu soo jeediyeen hay'adaha samafalka inay si deg-deg ah u gaarsiiyaan deegaanadii laga saaray Al-shabaab gargaar bani'aadanimo.
Guddoomiyaha dallada bulshada rayidka Banaadir Muxiyadiin Xasan Afrax oo kulanka ka hadlay ayaa sheegay inay dhibaato tahay in xilligan laga hor-istaago dadkii u baahnaa mucaawinadda, isagoo xusay in Al-Shabaab ay go'doon geliyeen dadkii barakacayaasha ahaa.
"Hay'adaha samafalka waxaan ugu baaqeynaa inay dadka dhibaateysan gargaar bani'aadmnimo gaarsiiyaan, gaar ahaan goobihii Al-Shabaab laga saaray," ayuu yiri Afrax oo intaas ku daray in laga hortago in gargaarkaas la leexsado ama la lunsado.
Sidoo kale, C/kariin Cali Macallin oo ku hadlayay magaca dhalinyarada dallada ayaa sheegay in dadka barakacayaasha ah aysan lug ku lahayn siyaasadaha isdiiddan ee dalka ka jira, balse sababaha Al-shabaab ay uga hor-joosatay in la gaarsiiyo gar-gaarka ay tahay mid aan iyaga ka imaan balse dibadda looga keenay.
"Al-shabaab waa dhallinyaro aan aqoon bani'aadanimada, dad aan siyaasada shaqo ku lahayn oo baahan waxaa ka dambeeya in dadka baahan gargaarka loo diido waa madaxda kooxdaas," ayuu yiri C/kariin Cali.
Xoghayaha guud ee dallada bulshada rayidka, Faadumo Aadan Cosoble oo iyaduna ka hadashay goobta ayaa sheegay in lasoo maray xilli abaaro iyo macluul adagi ay dalka ka jirtay, balse haatan loo baahan yahay in dadka la gargaaro, iyadoo xustay in 60% ay dadku u dhintaan xilligan macluul, taasoo qaarkood ku qasabtay inay ka tuugsadaan magaalooyinka waaweyn sida Muqdisho oo kale.
"Barakacayaasha dhibaatada haysa xagga waxbarasho la'aanta, waxa keenay qof baahan wax ma barto, baahidaas Al-Shabaab uga faa'ideysatay inay dhallinyarada falal dil ah geystaan, iyaga is-qarxiyaan, waana ku faraxsan-nahay guulaha xilligan la gaaray," ayay tiri Faadumo Aadan.
Sidoo kale, waxaa goobta ka hadlay Maxamed Maxamuud Shuqul oo ka mida ah odayaashii dhaqanka ee dalladda wuxuuna caddeeyay in barakacayaasha Al-shabaab dhankooda jooga ay xabsi ku jiraan, isla markaana si xoriyad ah aysan u heli karin gargaarka samafalka ah.
Ugu dambeyn, Sheekh Axmed Abuukar Gaabow ayaa ku tilmaamay kulankan in lagu soo beegay xilligeeda, waxaana uu tilmaamay in Al-Shabaab ay gabogabo yihiin, ummaddana ay masiibo loosoo diray yihiin, waxaana hay'adaha samafalka ugu baaqay inay u gurmadaan dadka dhibaateysan.
Kulankan wuxuu imaanayaa iyadoo ay dadaal weyn ugu jiraan ciidamad dowladda Soomaaliya iyo kuwa Kenya oo AMISOM ka tirsan ay qarka u saaran yihiin magaalada Kismaayo ee Koonfurta Soomaaliya, halkaasoo ahayd goob ay awood badan ku leedahay Al-shabaab.
Maxamed Xaaji Xuseen, Hiiraan Online
maxuseen@hiiraan.com
Muqdisho, Soomaaliya
Post your comments
Madaxweynaha Soomaaliya oo la kulmay Wafdi ka socday Dowladda Sweden
9/18/2012 11:46 AM EST
Talaado, September 18, 2012(HOL): Madaxweynaha Jamhuuriyadda Federaalka ah ee Soomaaliya mudane Xasan Sheekh Maxamuud ayaa maanta xafiiskiisa ku qaabilay wasiirka horumarinta xiriirka caalamiga ah ee dalka Sweden Gunilla Carlsson iyo xiriiriyaha arrimaha bani’aadamnimada ee Qaramada Midoobay Mark Bowden.
AMISOM oo sheegtay in ciidammo Booliis ah oo ka socda dalka Nayjeeriya ay ku soo biireen Howlka Midowga Afrika ee Somalia
9/18/2012 9:55 AM EST
Talaado, September 18, 2012 (HOL) — Taliska AMISOM ayaa sheegay maanta in ciidammo booliis ah oo ka soda dalka Nayjeeriya oo isugu jira rag iyo dumar ay kusoo biireen howlgalka Midowga Afrika ee ka socda Muqdisho, kuwaasoo ku biiri doona booliis horay ugu sugnaa Muqdisho oo ka socda dalka Uganda.
Kenya oo sheegtay in Ciidamadeeda iyo kuwa Soomaaliya ay ku dhow yihiin Magaalo Xeebeedda Kismaayo
9/18/2012 8:40 AM EST
Talaado, September 18, 2012 (HOL) — Saraakiisha milateriga Kenya ayaa sheegay maanta oo Talaado ah in ciidamadooda iyo kuwa dowladda Soomaaliya ay qarka u saaran yihiin magaalo xeebeedda Kismaayo ee gobolka Jubbada hoose, hakaasoo ay kumannaan qof oo ku noolaa ka barakacayaan.
Israsaaseyn dhexmaray Askar kawada tirsan Ciidamada dowladda Soomaaliya oo ay waxyeello kasoo gaartay Arday
9/18/2012 7:54 AM EST
Talaado, September 18, 2012 (HOL) — Ugu yaraan hal qof ayaa ku dhintay saddex kalena way ku dhaawacmeen iska-horimaad ciidammo kawada tirsan dowladda Soomaaliya ku dhexmaray maanta oo Salaaso ah inta u dhexeysa isgoyska KM-4 iyo Tarabuunka.
Madaxweynihii hore ee Soomaaliya Shariif Sheekh oo iska fogeeyay eedeyn uu u soo jeediyay Wasiirka Arrimaha dibadda Kenya
9/18/2012 7:31 AM EST
Talaado, September 18, 2012 (HOL) — Madaxweynihii hore ee Soomaaliya, Shariif Sheekh Axmed ayaa iska fogeeyay hadal kasoo yeeray wasiirka arrimaha dibadda ee dalka Kenya, Sam Ongeri oo ahaa in Shariif uu ku lug lahaa qarax lagu weeraray hoteel uu magaaladaas ka deggenaa madaxweynaha Soomaaliya toddobaadkii hore.
Magaalada Kismaayo oo cabsi weyn ay ka jirto iyo Qoysaskii deggenaa Magaaladaas oo cabsi awgeed uga barakacaya
9/18/2012 6:39 AM EST
Talaado, September 18, 2012 (HOL) — Xilli maalmihii ugu danbeeyay ay xiisado dagaal ka taagnaayeen qeybo katirsan gobollada Jubooyinka ayaa magaalada Kismaayo laga dareemayaa jawi kacsanaan iyo barakac xooggan.
Maamulka Puntland oo ku talisay in Ra'iisul wasaaraha Soomaaliya laga dhigo ruux ku cusub siyaasadda oo aan xukuumadihii hore ka mid noqon
9/18/2012 3:09 AM EST
Talaado, September 18, 2012 (HOL) — Maamul goboleedka Puntland ayaa ka digay in loo magacaabo ra'iisul wasaaraha cusub ee Soomaaliya mas'uul horay uga soo mid noqday xukuumadihii dalka soo maray, iyagoo ku taliyeen in lasoo magacaabo ruux cusub oo aan kasoo mid noqon xukuumadihii hore.
Xukuumadda Somaliland oo soo dhoweysay khudbaddii Madaxweynaha Soomaaliya uu kaga hadlay Arrimaha Somaliland
9/18/2012 3:00 AM EST
Talaado, September 18, 2012 (HOL) — Xukuumadda Somaliland, ayaa soo dhaweysay hadalkii uu ka yidhi Madaxweynaha Cusub ee Somalia wada hadaladda Somaliland iyo Somalia dhexmari doona.
Somali News
Jaaliyadda Reer Arizona oo u Hambalyeynayo Madaxweynaha Cusub ee JFS
-
HOL
9/18/2012 9:16 PM EST
Jaaliyadda Reer Arizona oo u Hambalyeynayo Madaxweynaha Cusub ee Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya, Mudane Xasan Sheekh Maxamuud
Ongeri denies linking Sharif to Mogadishu blast
-
Capital FM
9/18/2012 5:16 PM EST
NAIROBI, Kenya Sep 18 – Foreign Affairs Minister Sam Ongeri on Tuesday denied making remarks in Kisii at the weekend, blaming former Somalia President Ahmed Sheikh Sharif for a bomb attack in Mogadishu last week.
Security Council encourages new Somali president to appoint inclusive government
-
UN News Centre
9/18/2012 5:13 PM EST
The Security Council today expressed its determination to work closely with the new institutions and offices of the Somali authorities, and encouraged the new President to appoint an inclusive, accountable Government.
MUBS To Train Somali Administrators In Basic Administrative Skills
-
Ultimate Media
9/18/2012 5:12 PM EST
Makerere University Business School has today signed a memorandum of understanding with the government of Somalia that will see Somalia people train in Uganda to receive administrative skills training.
Defense: Navy actions led to pirate hostage deaths
-
Virginian Pilot
9/18/2012 5:10 PM EST
Attorneys for three Somali men charged in the deaths of four Americans during a pirate attack in the Arabian Sea last year say the Navy and FBI’s efforts to rescue the hostages led to the killings.
Somalia: Militants said to leave last stronghold
-
AP
9/18/2012 5:05 PM EST
GALKAYO, Somalia (AP) — Fighters from Somalia's Islamist extremist rebels have started to leave their remaining coastal stronghold in the face of advancing allied African troops, residents and a military official said Tuesday.
UN Council backs new Somali government
-
AFP
9/18/2012 5:03 PM EST
The UN Security Council on Tuesday hailed the election of Somalia's new president a "milestone" for the conflict-stricken state, but called for a clampdown on corruption and a tougher campaign against Islamist militants.
Signs of hope in a perennially gloomy Somalia
-
The National
9/18/2012 5:01 PM EST
Long-suffering Somalia is beginning to show signs of emerging from decades of warlordism, anarchy, corruption, extremism, poverty, intermittent famine and non-stop chaos. The country's fragile new start deserves renewed attention and prudent support from the region and the world.
AU Peace and Security Council hails successful transition in Somalia
-
Xinhua
9/18/2012 4:53 PM EST
ADDIS ABABA, Sept. 18 (Xinhua) -- The Peace and Security Council of the African Union (AU) has hailed the successful conclusion of the transition in Somalia, according to a statement released by the AU on Tuesday.
Minnesota Judge reinstates contempt charges for Somali woman
-
AP
9/18/2012 4:50 PM EST
MINNEAPOLIS (AP) — A federal judge in Minnesota has reinstated the contempt charges for a Somali woman who refused to stand for the court during the first two days of her trial on terror charges.
Somali woman helping rape victims wins U.N. award
-
Reuters
9/18/2012 10:41 AM EST
GENEVA (Reuters) - Hawa Aden Mohamed won the United Nations refugee agency's Nansen Refugee Award on Tuesday for her work in helping thousands of Somali women and girls, many of them rape victims, start new lives in their battered homeland.
Thousands flee as Somali forces advance on Kismay
-
BBC
9/18/2012 10:37 AM EST
Somali government forces are advancing on Kismayo, the key stronghold of Islamist group al-Shabab, as thousands of residents flee an expected assault.
Kenya: MP faults Ongeri for 'careless talk' on Somalia
-
Daily Nation
9/18/2012 10:29 AM EST
Foreign Affairs Minister Sam Ongeri was “careless and reckless” when he accused Somalia’s former President Sheikh Sharrif of being behind last week’s attempted assassination of his successor Hassan Sheikh Mahmoud, an MP has said.
Army's elite to take on Somali pirates in Aden
-
Irish Independent
9/18/2012 12:57 AM EST
The operation included the use of an Air Corps Casa maritime aircraft, which kept the target ship under secret surveillance while guiding the navy to its location.
Woman kills her Somali husband
-
Saudi Gazette
9/18/2012 12:56 AM EST
JEDDAH – Jeddah Police have arrested a Somali woman for allegedly stabbing her husband to death. The woman allegedly fled the scene after the crime.
Fresh blood for the Horn of Africa, but can new leaders fix old problems?
-
Daily Maverick
9/18/2012 12:54 AM EST
You wait ages for a new leader in the Horn of Africa, and then two of them come along at once. SIMON ALLISON reports on Ethiopia’s new prime minister and Somalia’s new president, and the daunting challenges faced by both.
Somali militants al-Shabab 'leaving' Kismayo stronghold
-
BBC
9/18/2012 12:50 AM EST
Residents in the Somali city of Kismayo have told the BBC that fighters from the Islamist group al-Shabab are leaving their stronghold in the port.
AMISOM apologises for fatal traffic accident
-
Sabahi
9/18/2012 12:50 AM EST
African Union Mission in Somalia (AMISOM) force commander Lieutenant General Andrew Gutti apologised on Sunday (September 16th) to the family of a man killed in a traffic accident in Mogadishu involving an AMISOM convoy.