Saturday, May 18, 2013
Today from Hiiraan Online:  _
Wararka Maanta- Khamiis, Sept 13, 2012
Midowga Dhalinyarada Soomaaliyeed ee UYS oo Odayaasha Dhaqanka u qabtay Dood ku saabsan Gargaarka Bani'aadamnimada

Khamiis, September 13, 2012 (HOL) — Midowga dhalinyarada Soomaaliyed ee UYS ayaa maanta magaalada Muqdisho ugu qabtay odayaasha dhaqanka dood-cilmiyeed looga hadlayay sidii looga hortagi lahaa in is-hortaaga lagu sameeayo gar-gaarka bani'aadanimada iyo dhaca loo geysto.
 
Dood-cilmiyeedkan ayaa waxaa lagu soo dhoweeyay madaxweynaha Soomaaliya, Xasan Sheekh Maxamuud ee dhawaan la doortay, iyagoo odayaasha dhaqanka u rajeeyay in xilkiisa Alle kula garab galo, shacabkana uu samata bixiyo.
 
Guddoomiyaha guddiga odayaasha dhaqanka ee UYS, Abuukar Sheekh Cusmaan (Abuukar Ganey) ayaa ugu horreyn hambalyo u diray madaxweynaha cusub ee la doortay, isagoo sheegay inay soo dhoweynayaan is-bedelka siyaasadeed ee dalka ka dhacay.
 
Abuukar Ganey ayaa sheegay in loo baahan yahay in la xoojiyo ammaanka si loo sugo gargaarka bani'aadanimada, isagoo xusay in ugu horreyn la sameeyo ciidammo, si aan loo dhicin ama loo bililaqeysan gargaarka, isla markaana hay'adaha samafalka lagula xisaabtamo raashinka gargaarka ah ee loogu tala galay shacabka Soomaaliyeed.

Sidoo kale, C/llaahi Cabdulle Wehliye oo ka mid ahaa odayaashii kulanka loo qabtay ayaa hadal uu ka jeediyay dood-cilmiyeedka ku cambaareeyay qaraxii shalay lagu qaarijin lahaa madaxweynaha cusub, isagoo Al-Shabaab ku eedeeyay inaysan u  naxeyn dadka.

 

Dhanka kale, Caaqil Xasan Cilmi Yaxye ayaa u mahadceliyay hay'adda UYS dadaalka ay geliso isu keenka bulshada, isagoo xusay in is bedelka Soomaaliya ku dhacay ay tahay arrin wanaagsan, uuna ku yimid biseyl ummaddu gaartay.
 
Waxaa uu ku baaqay in shacabka Soomaaliyeed ay isu kaashadaan sidii Al-shabaab dalka looga qaban lahaa, loogana hortegi lahaa dhibaatada ay wadaan, shacabkana ay sheegaan kuwa ku dhex jira ee guryaha ay joogaan kasoo abaabulaya dhibaatada.
 
Maxamed Jaamac Dirir ayaa isna wuxuu sheegay in faa'iido ballaaran ay ummadda u tahay isku keenidda bulshada. Xasan Maxamed Diirshe uu xusay in xag-jirnimada ay ka timaado caruurta laga marin habaabiyo dugsiyada iyo iskuullada, wuxuuna inta ku daray sida looga hortagi karo ay tahay in wacyi-gelinno la sameeyo.
 
Ugu dambeyn, dood-cilmiyeedka ay soo agaasintay midowga dhalinyarada USY ayaa qayb ka ah kuwo ay u qabato qeybaha bulshada rayidka, si loo xoojiyo si dhex-galka bulshada, nabadeynta iyo horumarinta.






Maxamed Xaaji Xuseen, Hiiraan Online
maxuseen@hiiraan.com
Muqdisho, Soomaaliya





Post your comments

9/13/2012 9:13 AM EST
Khamiis, September 13, 2012 (HOL) — Tajamuca Islaamka Soomaaliya ayaa bayaan ay soo saareen maanta oo Khamiis ah waxay hambalyo ugu direen madaxweynaha cusub ee Soomaaliya, Xasan Sheekh Maxamuud oo 10-kii bishan lagu doortay kulan uu baarlamaanku ku yeeshay Muqdisho.

9/13/2012 8:38 AM EST
Khamiis, September 13, 2012 (HOL) — Magaaladda Gaarisa ee gobolka Selel ayaa dab weyni qabsaday, kaas oo guryo badan ay ku shuf beeleen, ka dib markii la waayey wax lagu bakhtiiyo, balse ay dadku gacantoodda ku bakhtiiyeen dabkii oo aad u weynaa.

9/13/2012 8:23 AM EST
Khamiis, September 13, 2012 (HOL) — Madaxweynaha Somaliland, Axmed Maxamed Maxamuud (Siillaanyo), ayaa soo saaray degreeto uu ku mamnuucay in doorashooyinka loo isticmaalo hantidda dadweynaha, ciidamadda dawladda, ururada aan dawliga ahayn, maamulada gobolada iyo degmooyinka, maadaama oo ay yihiin wax ummadda ka dhexeeya.

9/13/2012 8:09 AM EST
Khamiis, September 13, 2012 (HOL) — Madaxweynaha Uganda, Yoweri Museveni oo ka hadlay doorashada madaxweynaha cusub ee Soomaaliya, Xasan Sheekh Max'ud ayaa sheegay inay caddeyn u tahay in Soomaaliya ay heshay dowlad buuxda kaddib 21-sano oo colaado ay ka jireen.

9/13/2012 7:51 AM EST
Khamiis, September 13, 2012 (HOL) — Xisbiga UDUB iyo Urur siyaasadeedka NASIYE ayaa sheegay inay qaadaceen doorashooyinka golaha deegaanka ee dhawaan la filayo inay dalka ka dhacaan, iyagoo sheegay inaanay doorashadaasi ka qaybgali doonaanin.

9/13/2012 7:25 AM EST
Khamiis, September 13, 2012 (HOL) — Ugu yaraan 14-qof ayaa u dhintay cudurka daacuunka oo ka dillaacay deegaanka Hoosingoow ee gobolka Jubbada hoose oo 160-km dhinaca koonfureed kaga beegan degmada Kismaayo ee xarunta gobolka Jubbada hoose.

9/13/2012 3:28 AM EST
Khamiis, September 13, 2012 (HOL) — Ururka Islaax oo ka mid ah ururrada diiniga ah ee ka jira Soomaaliya ayaa hambalyeynayo u diray madaxweynaha cusub ee Soomaaliya, Xasan Sheekh Maxamuud; iyagoo sheegay in doorashadan ay tusaale u tahay isbedel siyaasadeed oo dalka ka dhacay.

9/13/2012 2:18 AM EST
Khamiis, September 13, 2012 (HOL) - Madaxweyniha xilka kasii dagaya Shariif Sheekh Axmed ayaa si lama filaan uga raray hoteelkii uu deganaa madaxweynaha cusub ee dalka Soomaaliya Xassan Sheekh Maxamuud.