Friday, May 24, 2013
Today from Hiiraan Online:  _
Wararka Maanta- Khamiis, Sept 13, 2012
Madaxweynaha cusub ee Soomaaliya oo si lama filaan ah loogu raray Madaxtooyada kaddib markii la weeraray Hoteelkii uu deggenaa
Madaxweyne.jpg
Madaxweyne Xassan Sheekh Maxamuud oo shir jaraa'id qabanayay markii lasoo weeraray

Khamiis, September 13, 2012 (HOL) - Madaxweynaha xilka kasii dagaya Shariif Sheekh Axmed ayaa si lama filaan ah uga raray hoteelkii uu deganaa madaxweynaha cusub ee dalka Soomaaliya Xassan Sheekh Maxamuud.

Waxaana Madaxweyne Shariif uu tallaabadan qaaday kadib markii uu madaxweynaha cusub ka badbaaday isku day dil oo ay sheegatay inay ka dambaysay Alshabaab.

Warar hoose oo ay Hiiraan Online heshay ayaa sheegaya in madaxweyne Shariif oo si dhakhso ah ku soo gaaray hoteelka Jazeera oo uu deganaa madaxweynaha cusub, islamarkaana uu u qaaday dhanka madaxtooyada, iyagoo  wada raacay gaariga gaarka ah ee madaxweyne Shariif, wax yar kadib markii lasoo weeraray madaxweynaha cusub.

Waxayna intaas wararku ku darayaan in madaxweyne Xassan Sheekh la dajiyay qaybta martida ee qasriga madaxtooyada, maadaama aysan wali si rasmi ah u dhicin xil wareejintii.

Kulan ay qaateen maalin kadib markii la doortay madaxweynayaha cusub, madaxweyne Shariif iyo gudoomiyaha baarlamaanka ayaa lagu lafa guray sidii ay awooda ula kala wareegi lahaayeen labada masuul, iyadoo gudoomiyaha baarlamaanka uu shaaciyay maalintii shalay ahayd in xaflada xil wareejinta la qaban doono maalinta axada ah ee soo socota.

Shariif ayaa digreeto uu soo saaray ku wareejiyay dhammaan ciidamada qalabka sida inay ka amar qaataan madaxweynaha cusub, taasoo la sheegay in looga gol leeyahay adkaynta ammaanka dalka.

Tallaabooyinka uu qaadayo madaxweynaha xilka kasii dagaya ayaa loo arkaa, kuwo uu kaga dhabaynayo ballanqaadkiisii ku aadana inuu la shaqayn doono madaxweynaha cusub, taasoo uu ku daray khudbadii uu jeediyay markii looga adkaaday doorashadii dhacday 10-kii bisha.

Madaxweyne Sheekh Shariif oo xukunkiisu ku egyahay 16-ka bishan ayaan wali shaacin halka uu ku noolaan doono iyo mustaqbalkiisa siyaasadeed midna, iyadoo wararka qaar ay sheegayaan inuu qorshaynayo inuu u guuro dalka dibadiisa.

Axmed C/samad, Hiiraan Online
asamad@hiiraan.com
Muqdisho, Soomaaliya




Post your comments

9/13/2012 9:13 AM EST
Khamiis, September 13, 2012 (HOL) — Tajamuca Islaamka Soomaaliya ayaa bayaan ay soo saareen maanta oo Khamiis ah waxay hambalyo ugu direen madaxweynaha cusub ee Soomaaliya, Xasan Sheekh Maxamuud oo 10-kii bishan lagu doortay kulan uu baarlamaanku ku yeeshay Muqdisho.

9/13/2012 8:38 AM EST
Khamiis, September 13, 2012 (HOL) — Magaaladda Gaarisa ee gobolka Selel ayaa dab weyni qabsaday, kaas oo guryo badan ay ku shuf beeleen, ka dib markii la waayey wax lagu bakhtiiyo, balse ay dadku gacantoodda ku bakhtiiyeen dabkii oo aad u weynaa.

9/13/2012 8:23 AM EST
Khamiis, September 13, 2012 (HOL) — Madaxweynaha Somaliland, Axmed Maxamed Maxamuud (Siillaanyo), ayaa soo saaray degreeto uu ku mamnuucay in doorashooyinka loo isticmaalo hantidda dadweynaha, ciidamadda dawladda, ururada aan dawliga ahayn, maamulada gobolada iyo degmooyinka, maadaama oo ay yihiin wax ummadda ka dhexeeya.

9/13/2012 8:09 AM EST
Khamiis, September 13, 2012 (HOL) — Madaxweynaha Uganda, Yoweri Museveni oo ka hadlay doorashada madaxweynaha cusub ee Soomaaliya, Xasan Sheekh Max'ud ayaa sheegay inay caddeyn u tahay in Soomaaliya ay heshay dowlad buuxda kaddib 21-sano oo colaado ay ka jireen.

9/13/2012 7:51 AM EST
Khamiis, September 13, 2012 (HOL) — Xisbiga UDUB iyo Urur siyaasadeedka NASIYE ayaa sheegay inay qaadaceen doorashooyinka golaha deegaanka ee dhawaan la filayo inay dalka ka dhacaan, iyagoo sheegay inaanay doorashadaasi ka qaybgali doonaanin.

9/13/2012 7:25 AM EST
Khamiis, September 13, 2012 (HOL) — Ugu yaraan 14-qof ayaa u dhintay cudurka daacuunka oo ka dillaacay deegaanka Hoosingoow ee gobolka Jubbada hoose oo 160-km dhinaca koonfureed kaga beegan degmada Kismaayo ee xarunta gobolka Jubbada hoose.

9/13/2012 6:50 AM EST
Khamiis, September 13, 2012 (HOL) — Midowga dhalinyarada Soomaaliyed ee UYS ayaa maanta magaalada Muqdisho ugu qabtay odayaasha dhaqanka dood-cilmiyeed looga hadlayay sidii looga hortagi lahaa in is-hortaaga lagu sameeayo gar-gaarka bani'aadanimada iyo dhaca loo geysto.

9/13/2012 3:28 AM EST
Khamiis, September 13, 2012 (HOL) — Ururka Islaax oo ka mid ah ururrada diiniga ah ee ka jira Soomaaliya ayaa hambalyeynayo u diray madaxweynaha cusub ee Soomaaliya, Xasan Sheekh Maxamuud; iyagoo sheegay in doorashadan ay tusaale u tahay isbedel siyaasadeed oo dalka ka dhacay.