Hiiraan Online
Tuesday, June 18, 2013
Today from Hiiraan Online:
Home
Cheap Calls
Somali Music
Somali Map
Sports
Opinion
RSS
Facebook
Twitter
Google Plus
Wararka Maanta-
Talaado, Sept 11, 2012
Qaramada Midoobay, Mareykanka iyo Ururka Midowga Afrika oo soo dhaweeyay doorashada Xasan Sheekh Maxamuud
Talaado, September 11, 2012 (HOL) — Qaramada Midoobay, Marekanka iyo Midowga Afrika ayaa si isku mid ah u soo dhaweeyay doorashada madaxweynaha cusub ee Soomaaliya, Xasan Sheekh Maxamuud iyagoo ku tilmaamay doorashadiisa tallaabo horay loo qaaday.
Ergayga gaarka ah ee xoghayaha guud ee Qaramada Midoobay u qaabilsan arrimaha arrimaha Soomaaliya, danjire Augustine Mahiga ayaa sheegay in doorashadan ay caddeyn u tahay howlo badan oo lasoo qabtay si Soomaaliya ay uga gudbtoxilliga KMG ah.
"Maanta dadka Soomaaliyeed waxay cagta saareen jidka nabadda iyo barwaaqada. xildhibaanada Soomaaliyeed waxay si degan oo sharaf iyo u fiirsi leh u dhameeyeen xilligii ku-meel-gaarka, waxayna si buuxda u doorteen Xasan Sheekh Maxmuud inuu noqdo madaxweynaha Soomaaliya. Habka doorashadu waxay ahayd mid Soomaalidu leedahay una wada dhan tahay. Doorashadu waxay martay laba wareeg oo si hufan oo cad looga daawanayay adduunka oo dhan. Habka doorashu waxay ahayd mid ku dhacday si nabadeed oo dimuqraadi ah. haddaba dadka Soomaaliyeed waxay beeniyeen shakigii laga qabay, waxayna farriin adag oo horumar leh u gudbiyeen Afrika iyo dhammaan adduunka intiisa kale," ayuu yiri Mahiga.
Dajiruhu wuxuu sidoo kale yiri: "Waxaan soo marnay jid dheer oo aad u dhib badan si aan u soo gaarno halka aan hadda joogno. Muddo hadda laga joogo hal sano iyo xoogaa ayaa waxaa hakad galay geeddi-socodka nabadda. Hay’adihii dowladda oo shaqayn waayay ayaa keentay inay dowladda KMG Soomaaliya ku dhowaato inay laba u kala qaybsanto. Tan iyo maalmahaas adkaa waxaa la gaaray horumar aad u ballaaran."
Wafula Wamunyinyi oo ah ku xigeenka ergayga Midowga Afirka ee arrimaha dalka Soomaaliya, ayaa isaguna yiri: "Doorashadan waa mid muhiimado badan leh. Waxaan rumeysanahay inay tahay mid ku timid kaalin mug leh oo ay ciyaareen shacabka Soomaaliyeed iyo siyaasiyiintooda taasoo lagu xaqiijinayo horumarka dalka. Doorashadan ma ahan oo keliya in lagu doortay madaxweyne balse waa mid caddeyn u ah in dalka uu ka baxay xilligii KMG ahaa," ayuu yiri ku xigeenka ergayga Midowga Afrika ee arrimaha Soomaailya, Wafula Wamunyinyi.
Sidoo kale, Wamunyinyi wuxuu sheegay in beesha caalamka uu ka dalbanayo inay sii joogteeyaan taageeradii ay Soomaaliya siin jireen, wuxuuna intaas ku daray in AMISOM ay sii wadi doonto taageerada ciidan ee Soomaaliya ay u joogto.
"Shaki kama qabo in madaxweynaha la doortay uu xoogga saari doono dib u dhiska iyo xoojinta hay'adaha dowladda Soomaaliya iyo kaabayaasha bulshada, AMISOM diyaar ayay u tahay inay arrimahaas oo dhan ka caasiwo," ayuu Wafula hadalkiisa kusoo gabgabeeyay.
Dhanka kale, dowladda Mareykanka ayaa ku tilmaantay doorashada madaxweynaha cusub ee Soomaaliya mid u dhacday si dimuqraadiyad leh oo soo afjartay xilligii meel ku gaarka ahaa, waxaana mid caddeynaysa in dalka uu ku taallabsaday horumar weyn.
"Madaxweynaha cusub waxaa saaran mas'uuliyad weyn. Mareykanka wuxuu ugu yeerayaa hoggaamiyeyaasha Soomaalida inay kasoo baxaan mas'uuliyadda saaran. Madaxweyne Xasan Sheekh iyo xubnaha baarlamaanka oo dhan inay si dhow iskula shaqeeyaan, ayna xoojiyaan nabadda iyo deggenaashaha dalka si ay dadweynaha Soomaaliyeed u helaan nolol wanaagsan," ayaa lagu yiri warsaxaafadeed kasoo baxay dowladda Mareykanka.
Madaxweynaha cusub ee Soomaaliya, Xasan Sheekh Maxamuud oo 57-jir ah ayaa waxaa lagu doortay cod aqlabiyad ah isagoo helay 190 cod, halka madaxweynihii hore ee Soomaaliya, Shariif Sheekh Axmed uu helay codad gaaraya 79-cod.
Maxamed Xaaji Xuseen, Hiraan Online
maxuseen@hiiraan.com
Muqdisho, Soomaaliya
Post your comments
Madaxweynaha Somaliland oo soo dhoweeyey madaxweynaha Cusub ee Soomaaliya, ilaahayna u baryey inuu xilka u fududeeyo
9/11/2012 5:39 PM EST
Talaado, September , 11, 2012 (HOL)-Madaxweynaha Somaliland Md: Axmed Maxamed Maxamuud Siillaanyo, ayaa u hambalyeeyey madaxweynaha cusub ee Soomaaliya Md: Xasan Sheekh Maxamuud, waxaanu sidoo kale hambalyo klae u diray madaxweynihii tartanka lagaga guulaystay ee Sheekh Shariif Sh. Axmed oo Aqlabay natiijaddii doorashadda ka soo baxday.
Soomaalida ku Nool Magaalada Nairobi oo si diiran usoo dhaweeyay Madaxweynaha Cusub ee Soomaaliya (DAAWO VIDEO)
9/11/2012 5:38 PM EST
Talaado, September 11, 2012(HOL): Shacabka ku dhaqan xaafadda ay Soomaalidu ku badantahay ee Eastleigh ayaa si diiran usoo dhaweeyay madaxweeynaha cusub ee Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya Mudane Xasan Sheekh Max'uud.
Dadweynaha Somaliland oo si weyn u hadal hayey doorashaddii madaxtinimo ee xalay Muqdisho ka dhacday
9/11/2012 5:36 PM EST
Talaado, September , 11, 2012 (HOL)-Dadweynaha Somaliland oo maalmihii u dambeeyey hadal hayey doorashaddii ka dhacaysay magaaladda Muqdisho ayaa mucjiso ku tilmaamay madaxweynaha cusub ee ka soo dhexbaxay musharaxiintii badnaa, iyago intooda badani u saadaalinayey musharaxiin kale inay u dhow yihiin inay tartanka ku guulaystaan.
Jaamacadda Geeska oo xaflad u qabatay 130 arday oo ka qalinjabisay
9/11/2012 9:34 AM EST
Talaado, September, 11, 2012 (HOL)- Jaamacadda Geeska (International Horn University) ( IHU), ayaa waxa ka qalinjabiyey dufcadii 3aad oo kuuliyaddo kala duwan ka baxay, waxaana kuuliyadaha kala duwan ugu muhiimsanaa kuuliyadda quraanka kariimka ah oo markii ugu horaysay 49 arday ka qalinjabiyeen oo ka mid ah 130 ka arday ee jaamacadda ka baxay.
SHARIIF SHEEKH AXMED: "Natiijada doorashada waa mid aan ku qanacsanahay waana la shaqeyn doonaan xukuumadda Soomaaliya"
9/11/2012 7:20 AM EST
Talaado, September 11, 2012 (HOL) — Madaxweynihii hore ee Soomaaliya, Shariif Sheekh Axmed ayaa sheegay inuu aqbalay natiijadii doorashada madaxweynenimo ee Soomaaliya, taasoo looga guuleystay, wuxuuna xusay inuu la shaqeyn doono dowladda cusub ee la dhisayo.
Mudaaharaadyo lagu Taageerayo Madaxweynaha Soomaaliya oo ka dhacay Degmada Balcad ee Gobolka Shabellada Dhexe
9/11/2012 7:09 AM EST
Talaado, September 11, 2012 (HOL) — Dibadbax lagu taageerayo madaxweynaha cusub ee jamhuuriyadda federaalka Soomaaliya ayaa maanta ka dhacay degmada Balcad ee gobolka Shabeellada dhexe, iyadoo ay halkaas isugu soo baxeen kumannaan qof.
Dagaal u dhexeeya Ciidamada Dowladda Soomaaliya, kuwa Kenya iyo Al-shabaab oo ka Qarxay Gobolka Jubbada Hoose
9/11/2012 7:06 AM EST
Talaado, September 11, 2012 (HOL) — Dagaal culus oo u dhexeeya ciidamada dowladda KMG, kuwa Raaskaambooni iyo Militariga Kenya oo isgarabsanaya iyo Xarakada Al-shabaab ayaa goordhow ka qarxay deegaan lagu magacaabo harboole oo hoostaga Degmada Afmadow ee gobolka jubada hoose.
Dadka ku nool Magaalada Baladweyne oo soo dhaweeyay doorashada madaxweynaha cusub kuna tilmaamay isbadal taariikhi ah
9/11/2012 7:03 AM EST
Talaado, September 11, 2012 (HOL) — Laga soo bilaabo subaxnimadii hore ee maalintii shalay ilaa laga soo gaaro fiidnimadii xalay dadka ku dhaqan magaalada Baladweyne ee xarunta gobollka Hiiraan waxaa ay siweyn ugu mashquulsanaayeen la socoshada doorashadii ka dhacday magaalada Muqdisho, iyaga oo si toos ah ugala socday qalabka warbaahinta sida TV-da iyo Idaacadaha oo si toos ah u soo gudbinayay.
Somali News
Hambalyo Madaxweynaha Cusub ee dowladda Federaalka Soomaaliya
-
9/11/2012 11:52 PM EST
Hambalyo Madaxweynaha Cusub ee dowladda Federaalka Soomaaliya
Election of the president: The Result of the Second and Third Round
-
PFRS
9/11/2012 11:11 PM EST
Election of the president: The Result of the Second and Third Round. Sept. 10, 2012
Election of the president: The Result of the first-round
-
PFRS
9/11/2012 11:02 PM EST
Election of the president: The Result of the first-round Sept 10, 2012
Time line: Somali Presidenial Election 2012
-
HOL
9/11/2012 10:15 PM EST
Time line: Somali Presidenial Election September 10, 2012
Somali militants brand new president a "traitor"
-
Reuters
9/11/2012 2:20 PM EST
MOGADISHU (Reuters) - Islamist rebels on Tuesday dismissed Somalia's presidential election as a ploy by the West to boost its economic and strategic interests in the country.
UN chief welcomes new Somali President
-
UN
9/11/2012 12:18 PM EST
United Nations Secretary-General Ban Ki-moon today welcomed the selection of a new president for Somalia, the final step in the war-torn East African nation’s political transition process.
2.1 million Somalis need food aid: UN
-
AFP
9/11/2012 11:42 AM EST
Around 2.1 million Somalis still need food aid and are facing a critical situation despite a fall in the number of people at risk in the last six months, the United Nations said on Tuesday.
Somali Lawmakers Elect Academic, Activist Mohamoud as Leader
-
Bloomberg
9/11/2012 11:36 AM EST
Somali lawmakers elected Hassan Sheikh Mohamoud as the country’s next president, marking an end to a transitional administration that improved security in the capital, Mogadishu, even as it failed to end more than two decades of conflict.
U.S. congratulates Hassan Sheikh Mohamoud on becoming Somalia’s new president
-
WhiteHouse
9/11/2012 1:03 AM EST
The United States congratulates Hassan Sheikh Mohamoud on winning the support of Parliament and becoming Somalia’s new president, and the Somali people for completing this momentous political transition.
Korean Sailors Held by Somali Pirates for Over 500 Days
-
ChosunMedia
9/11/2012 12:58 AM EST
Four Koreans are still being held in Somalia in the longest detention by pirates on record. The Foreign Ministry on Monday said four sailors aboard the Singapore-registered MT Gemini have been held captive for 500 days
Turbulent Somalia gets new president in vote for change
-
Reuters
9/11/2012 12:43 AM EST
MOGADISHU (Reuters) - Members of parliament overwhelmingly elected political newcomer Hassan Sheikh Mohamud as president of Somalia on Monday, a result hailed by supporters as a vote for change in the war-ravaged country.