4/16/2024
Today from Hiiraan Online:  _
Wararka Maanta- Isniin, Sept 10, 2012
Xasan Shiikh Maxamuud oo ku guuleystay doorashadii Madaxweynenimada Soomaaliya


Madaxweynaha cusub ee Soomaaliya Xasan Shiikh Maxamuud


Isniin, September 10, 2012(HOL): Waxaa si aqlabiyad leh ugu guuleystay madaxweynenimada Soomaaliya Xasan Shiikh Maxamuud oo wareeggii ugu dambeeyay ee doorashada madaxweynenimada Soomaaiya uga adkaaday Madaxweynihii hore Shiikh Shariif Shiikh Axmed.

Maanta oo ay taariikhdu tahay 10-ka September 2012, Soomaaliya waxay leedahay Dowlad iyo madaxweyne lagu soo doortay gudaha Soomaaliya, kaasi oo ay soo doorteen mudanayaasha Baarlamaanka Soomaaliya, kaddib doorasho waqti dheer socotay.

Xasan Shiikh Maxamuud  oo ku dhashay degmada Jalalaqsi ee Gobolka Hiiraan ayay tartanka doorashada Madaxweynenimada Soomaaliya isugu soo hareen Shariif Shiikh Axmed kaddib markii ay wareeggii labaad ee doorashada ka tanaasuleen Ra’iisal Wasaarihii hore ee Soomaaliya C/weli Maxamed Cali iyo C/qaadir Cosoble Cali oo wareeggii labaad u soo gudbay.

Markii ay codbixinta soo gebagebowday ayaa waxaa natiijada ku dhawaaqay guddoomiyaha Baarlamaanka Soomaaliya Prof. Maxamed Cusmaan Jawaari oo ku dhawaaqay natiijada doorashada, wuxuuna guud maray sida doorashada u dhacday.

Wareeggii ugu dambeeyay ayay labada musharrax kala heleen:

Xasan Shiikh Maxamuud                                               Shariif Shiikh Axmed
190 cod                                                                            79 cod

Doorashadan ayaa ahayd tii ugu horreysay oo gudaha dalka Soomaaliya ka dhacda, isla markaana lagu soo doorto Madaxweyne Soomaaliyeed, iyadoo horayna gudaha Soomaaliya loogu doortay Guddoonka Baarlamaanka Soomaaliya, isla markaana mudanayaasha baarlamaanka.

Natiijada codbixinta kaddib, madaxweynihii hore ee Soomaaliya Shariif Shiikh Axmed oo hadal kooban jeediyay ayaa sheegay in uu ku faraxsan yahay in 42 sano kaddib ay doorasho xaq ah ka dhacday dalka Soomaaliya, lana soo doortay dowlad aan KMG ahayn, wuxuuna u mahadceliyay guddoonka baarlamaanka Soomaaliya, isagoo caddeeyay in doorashada looga adkaadaa ay  u dhacday si xor ah oo xaq ah, uuna u hoggaansamayo.

Intaas kaddib wuxuu sheegay Shariif Shiikh Axmed in si aanu ammaanka gacanta uga bixin ay taliyayaasha ciidamada qalabka sida ay toos uga ammar qaadanayaan Madaxweynaha cusub ee Soomaaliya Xasan Shiikh Maxamuud. Wuxuu ku kaftamay in uu illoobay in uu u mahadceliyo mudanayaasha Baarlamaanka Soomaaliya, sababtana wuxuu yiri "Waad iska garan kartaa taas".

Madaxweynaha cusub ee Dowladda Soomaaliya Xasan Shiikh Maxamuud oo wax ku soo bartay dalka India ayaa  isla goobta lagu dhaariyay ka hadlay, wuxuuna ugu horreyn u mahadceliyay xildhibaannadii soo doortay iyo kuwii aanan soo dooran, wuxuuna ammaanay madaxweynihii hore Shariif Shiikh Axmed oo uu sheegay in ay saaxibo ahaayeen, weligiisna uu ahaan doono.

Wuxuu sheegay Soomaaliya in uu u baryay waa' cusub oo horumar iyo barwaaqo ah, wuxuuna caddeeyay in uu horay u sii wadi doono halka uu maanta taagan yahay dalka Soomaaliya, aysanna jiri doonin wax dib u dhac ah.

Ugu dambeyntina, Guddoomiyaha Baarlamaanka Soomaaliya Prof. Maxamed Cusmaan Jawaari ayaa ku dhawaaqay in caleemo-saarka madaxweynaha dib laga soo sheegi doono.


Salaad Iidow Xasan (Xiis), Hiiraan Online
[email protected]