Sunday, May 26, 2013
Today from Hiiraan Online:  _
Wararka Maanta- Talaado, Oct 9 , 2012
Dagaal Ciidamada dowaldda, kuwa AMISOM iyo Al-shabaab ku dhexmaray jidka isku xira Muqdisho iyo Afgooye
Talaado, Oktoobar 09, 2012 (HOL) — Ugu yaraan laba askari oo ka tirsan ciidamada dowladda Soomaaliya ayaa ku dhintay afar kalena dhaawacyo ayaa kasoo gaaray dagaal ciidamada dowladda Soomaaliya, kuwa AMISOM iyo Al-shabaab xalay ku dhexmaray deegaanka Calamada oo ku yaalla jidka isku xira Muqdisho iyo Afgooye.

Dagaalkan ayaa qarxay markii xoogag ka tisran Al-shabaab ay weerar gaadmo ah ku qaadeen gaadiid ay wateen ciidamada dowaldda iyo kuwa AMISOM oo kusii jeeday degmada Wanlaweyn ee gobolka Shabeellada hoose oo halkaas marayay.

"Weerarku wuxuu dhacay, waxaana nooga dhaawacmay dhowr askari, wax intaa ka badan oo naga soo garayna ma jirto. Al-shabaab way kala carareen waxaana kaga qabsannay dagaal hub," ayuu yiri afhayeenka AMISOM oo si kooban uga warbixiyay weerarkaas gaadmada ah.

Inkastoo aan la ogeyn khasaaraha soo gaaray xoogaggii Al-shabaab, ayaa haddana warar ay baahiyeen afhayeenno u hadlay Al-shabaab waxay sheegeen in weerarka ay ku gubeen mid ka mid ah gaadiidka AMISOM, taasoo uu beeniyay afhayeenka AMISOM, Col. Cali Aadan Xumud.

Goobjoogayaal ku sugan deegaanka Calamada ayaa sheegay inay arkeen maydadka labada askari oo ka tirsan ciidamada dowladda iyo askar kale oo dhaawac ah, balse ay xaaladdu saakay tahay mid degggen ciidamaduna ay wadaan baaritaanno.

Ma ahan markii ugu horreysay oo iskahorimaad noocan oo kale ah ka dhaco jidka isku xira Muqdisho iyo Afgooye, iyadoo bishii Juun ee sannadkan lagu weeraray inta u dhexeysa Muqdisho iyo Afgooye madaxweynihii hore ee Soomaaliya, Shariif Sheekh Axmed oo kasoo laabtay safar uu ku tagay Afgooye.

Maxamed Xaaji Xuseen, Hiiraan Online
maxuseen@hiiraan.com
Muqdisho, Soomaaliya




Post your comments

10/9/2012 6:44 AM EST
Talaado, Oktoobar 09, 2012 (HOL) — Shirkada Xawaaladda Dahab-shiil ayaa maanta gaarsiisay deeqdii ugu balaarneyd dadkii dhawaan ka barakacay fatahaadii ku dhuftay magaalada Baladweyne ee xarunta gobollka Hiiraan.

10/9/2012 6:42 AM EST
Talaado, Oktoobar 09, 2012 (HOL) — Wararka aynu ka heleyno deegaanka Goobweyn oo qiyaastii 25-km dhanka waqooyi kaga began magaalada Kismaayo ayaa sheegaya in xalay ilaa saaka ay deegaankaasi soo gaarayeen ciidamo aad u tiro badan oo katirsan Al-shabaab islamakraasina ku hubeysan hubka noocyadiisa kala duwan iyo gaadiidka dagaalka.

10/9/2012 3:41 AM EST
Talaado, Oktoobar 09, 2012 (HOL) — Kooxo dabley ah ayaa xalay xerada IFO oo ka mid ah xeryaha qoxootiga ee ku yaalla deegaanka Dhadhaab-Kenya ku toogtay nin oday ah oo si weyn looga yaqaan xeryaha qoxootiga Dhadhaab-Kenya.

10/9/2012 3:24 AM EST
Talaado, Oktoobar 09, 2012 (HOL) — Hal askari iyo qof shacab ah ayaa ku dhintay in ka badan 10-qof oo kalena way ku dhaawacmeen kaddib markii bambaanooyinka kuwa gacanta laga tuuro ah gallinkii dambe ee shalay lagu weeraray ciidammo ka tirsan booliiska Soomaaliya oo howgallo nabadeed ka waday gudaha suuqaas.