12/21/2014
Today from Hiiraan Online:  _
Wararka Maanta- Isniin, Oct 8 , 2012
Dad aad u badan ka qaybgalay aas qaran oo Hargeysa loogu sameeyey meydka Abwaan Gaariye (SAWIRRO)



Isniin, October,08, 2012 (HOL)-Dhawr kun oo qof, ayaa maanta ka qaybgalay aaska Marxuum Maxamed Xaashi Dhamac Gaariye oo barqadii maanta la keenay magaaladda Hargeysa.

 

 Diyaaradii maydka siday ayaa saaka waabarigii lixdii subaxnimo soo fadhiisatay madaarka Berbera, waxaanay sagaalkii barqanimana soo gaadheen magaaladda Hargeysa, iyadoo markii dambe lagu aasay duleedka waqooyi ee magaalada Hargeysa, waxaana ka soo qaybgalay dad aad u faro badan oo kala xidhay maanta isku socodkii magaaladda.

 

Madaxweynaha Somaliland Axmed Maxamed Maxamuud siillaanyo ayaa isna ka soo qaybgalay aaska abwaanka, waxa sidoo kale xabaasha joogay ganacsato,Abwaano, fanaaniin siyaasiyiin, wasiiraddii, aqoonyahano dhalinyaradii jaamacadaha oo iyagu intooda badan u hoydeen magaaladda Berbera xalay.

 

Waxa kale oo Jabuuti ka yimid fanaan caan ah oo uu hogaaminayo Cabdinuur Allaale, waxa kale oo aaska  ka soo qaybgalay wariyaha caanka ah ee imika siyaasiga noqday Yuusuf Garaad Cumar oo marti sharafta u yimid aaska marxuumka ka mid ahaa, waxa isaguna aaska u yimid abwaanka caanka ah ee Maxamed Ibraahim Warsame Hadraawi oo Itoobiya ku maqnaa.

 


Marxuum Abwaan Gaariye, ayaa maanta loo sameeyey aas Qaran, taas oo aan loo kala hadhin, iyadoo dhamaan jaamacadaha dalka ka jiraa ay si weyn uga soo qaybgaleen aaska, iyagoo qaarkood kaga hortagay duleedka bari ee magaalada si ay usoo dhoweeyaan.

 

Magaalada Berbera ayaa iyana xalay camirnayd, iyadoo la sheegay in la kala waayey hoteelo la seexdo ka dib markii boqolaal qof oo ka kala yimid goboladda soo buux dhaafiyeen magaaladda.

 

Dhamaan dadkii ay saaxiibka dhow ahaayeen ayaa ka waramay taariikhdii abwaanka, iyagoo si wada jir ah u tilmaamay inuu ahaa nin dadka la dulmiyo mar walba garabtaagan, hadalkiisu cadaa, runta dad kula socday, gabayadiisu u badnaayeen digniin, waano iyo wax u sheeg umadiisa.

 

Aynu soo qaadano baydad ka mid ah gabayadiisa dhaxalgalka noqday ee dadka aan hadli karin ee dhibaataysan ugu hiilin jiray, isago inta badan lagu tilmaamo  Gaariye inuu ahaa looyar ama afhayeen u hadla inta dhibaataysan, waxaana tusaale inoogu filan 1980 wakhtigaasi oo aanay jirn warbaahin madax banaan oo soo bandhigta dadka danyarta ah iyo waxay tabanayaan, isla markaana uu sheegayo inuu ummadda usoo bandhigayo baahida ay ku nool yihiin dadka danyarta ahi, isagoo sheegay inuu yahay wargeys ku hadla afka dadka baahan, waxa uu yidhi “Codkii Dadka baahan carooga saboolka Aduunka ku ciilan, anaa cudha haysta, anaa cabdilaahi wargeys u ah caydha, caloosha danleeyda, anaa cabbiraaya”.

 


Maanso kale oo la yidhaa Qasab kuma Balweyn karo oo soo baxday 1978 oo uu ujeedo nin dano kale leh gabay aanu mudnayn iyo amaan aanu lahayn ma siin karo, qasab iyo dhaqaale toona kuma gabyo, balse aragtiyada iyo waxay tabayaan dadweynuhu uun baan ku gabyaa, waxaanu yidhi “

 

Wallee been ma qaayibo;

 

Wallee gabay qardoofo ah

 

Ama iga qandoodsama

 

Qalbigaygu ma hollado.

 

Wallee “qaaf” ujeeddo leh

 

Qiimahayga kuma rido;

 

Magac waa qasaanade

 

Wallee qado ma dhaafsado.

 

Wallee qalabka maansada

 

Heesaha qumbuladda ah

 

Uma qubo dhugmo-la’aan.

 


Mar kale waa kii lahaa masuul qaranka iyo ummadda dambi ka galay ama khiyaameeyey kama aamuse oo waliba umadda ayaan gaadhsiiyaa, isagoo sii daba socda inuu yahay warfidiyeen umadda gaadhsiiyaa hadba qofka iyo masuulka dulmiya, xiitaa haddii kurka laga jarayo kama aamuso, waxaanu yidhi:

 

Wallee qalin-daraalaha

 

Dambi qaranka laga galay

 

Kama qariyo wadhatada.

 

Wallee qoonta mililka leh

 

Qaarka sare ma dhaydhayo.

 

Haddii ay qudh-gooyiyo

 

Joogto qoorta-soo-dhigo,

 

Wallee gabay ma qurux tiro.

 


Gaarriye intii uu macalin ahaa waxa uu dhalinyarada abwaanadda ah ku guubaanin jiray in aanay hunguri ku gabyin iyo in nin madax ah si ay ugu dhowaadaan gabayo amaan leh u tirin, maadaama oo  ay haystaan hadyad ilaahay kaligood uun ku manaystay in aanay sifo khaldan iyo qof jeclaysi ku maansoonin.

 

Abwaanka waxa kale oo lagu xasuustaa maansadii qiirada lahayd ee uu dumarka soomaaliyeed ugu hiiliyey ee EED HOOYO LAGA GALAY, oo ahayd maanso  aad looga naxo, isagoo tilmaamay inay jiraan rag xun oo dumarka dhibaatooyin u geysta, kuwaas oo been u sheega dumarka ka dibna danahooga gaar ah ka fushadda, taasina ay dhibaato badan ku mutaysato hooyadaa la khiyaamiyey, isago tilmaamaya inan uu nin u balanqaaday inuu guursanayo, isla markaana jecel yahay, balse ka doonayey inuu danno guracan ka gaadho, ka dibna markii ay uurqaadayna uu diiday, xaafadii inantuna ay inantii dayriyeen oo ay reerkoodii ka eryeen, iyadoo inantii nafteedda la hadlaysa waxay tidhi “ Ubucdayda wadhaneey,

 

Adhaxdayda liicdaay,

 

Arinkayga laalmow,

 

Taladaan ilduufaay.

 

Axdigaan rumaystiyo

 

Ma arraday jacaylkii?

 

Ma engegay darkiisii?

 

Ma afbeelay xiisihii?

 

Ma ajowday laagtii?

 

Ma abaaday geedkaan

 

Ubaxiisa guran laa?

 


Markii inantii xaafadii iyo ehelkoodii eryeen waxay la hadashay wiilka caloosheeda ku jira waxay tidhi “Samow wiil gaabsiyow waa       Samow guur baaqdayow waa

 

Samow geesi ciilanow waa,     Habeen god la seexdayoow waa

 

wixii iga gaadhayow waa   Ma gocor baa aabahaaya?

 

ma gacalkaagaa ku dayrshey?,   ma garab kaagan rag joogin?

 

maxaad ku gunaanad seegtay?.

 

Abwaanka qisadan isago u dhigaya qaab hooyaddu ilmaha uurka ku jira la hadalayso ayuu sheegay in caruurta dhalata lagu farxo, balse wiilkeedu ka duwan yahay caruurtaas, iyadoo wali ilmihii hooyadu la hadlaysa waxay tidhi “Guhaadow aynigaaga,  garnayl baa loo ridaaye

 

adoon weli lagu gardaadin,        maxaa fiintii gadoodshey?

 

maxaa kalgacaylkii maydhay?,        maxaa gabawerey adoogay?

 

maxaa hooyaday gulaalay?         geyaanku muxuu ka fiigay?  Hoheey caku guuldaraanta!!!

 

 Maansooyinkiisa halkan laguma soo koobi karo, waxaan ku soo xidhayaa maanso kale oo abwaanku la dardaarmayey ummadda soomaaliyeed, isagoo lahaa khilaafka joojiya oo waxaad isku haysaan isku afgarta, oo xal wada gaadha, waa kii lahaa”-Rag haduu is af dhaafo,    aayatiina wadaago

 

afkaa laysku gartaayee,   is afwaajiya maaha

 

isu soo ura maaha

 

-Adigoo hebel diidan eryo reer hebel maaha

 

isu weersada maaha    udahaaga cun maaha

 


Abwaan Gaariye ayaa gabay baroor diiq ah u sameeyey geeridii abwaanka weynaa Cabdilaahi Suldaan Timacade, maansadaa uu Timacade u tiriyey ayaa maanta isaga laftiisa ugu baroordiiqaynaa, waxaana ka mid ahaa erayadiisa”      Geeriyeey xijaabaay! Xejiyaay fogeeyaay!  Xaasha e af-tahannimo.     Haddii uu xabaal galay,     Xeel-dheereheediii;  Haddii aan bud-dhigay xalay,     Abwaankii xiddigin jirey,  Murtidii xag loo dayo,     Xulashada ahayd iyo,     Xarragada higgaaddii, Ayaa xarafki hoos-dhabi?

 

Abwaanka waxaan ilaahay u baryeynaa inuu janadii fardawsa ka waraabiyo, ehelkiisi iyo afartii hablood iyo hooyadoodna samir iyo iimaan ka siiyo, aamin aamin.



 

Barkhad-Ladiif  M. Cumar, Hiiraan Online

barkhadladiif@hiiraan.com

Hargeysa, Somaliland





Post your comments

10/8/2012 5:37 PM EST
Isniin, October 08, 2012(HOL): Shirweynaha Suxufiyiinta dalalka Ingiriiska iyo Ireland oo lagu qabtay Newcastle ayaa markii ugu horreysay ka hadlay xaaladda dhibka badan ee ay ku shaqeeyaan suxufiyiinta Soomaaliyeed.

10/8/2012 11:54 AM EST
Isniin, October 08, 2012(HOL): Madaxweynaha Soomaaliya Xasan Shiikh Maxamuud oo maanta markii ugu horreysay dalka dibaddiisa safar ugu amba baxay ayaa waxaa si weyn loogu soo dhaweeyay garoonka diyaaradaha Entebbe ee magaalada Kampala ee dalka Uganda.

10/8/2012 10:16 AM EST
Isniin, Oktoobar 08, 2012 (HOL) — Magaalada Muqdisho ayaa waxaa maanta lagu qabtay xaflad lagu taageerayo ra'iisul wasaaraha cusub ee Soomaaliya, Cabdi Faarax Shir-doon oo maalin ka hor uu madaxweynaha Soomaaliya u magacaabay xil ra'iisul wasaaraha.

10/8/2012 9:48 AM EST
Isniin, Oktoobar 08, 2012 (HOL) — Shirkadda Isgaarsiinta Hormuud ayaa maanta ballanqaaday inay bixinayso mushaaraadka macallimiinta wax ka dhiga laba iskuul oo ay wax ka bartaan dadka dhegaha la'a oo Muqdisho ku yaalla kaddib kulan ay la yeelatay mas'uuliyiinta iyo qaar ka mid ah ardayda iskuulladaas wax ka barta.

10/8/2012 8:48 AM EST
Isniin, Oktoobar 08, 2012 (HOL) — Guddida ruqsad bixinta iyo anshax marinta Qareenadda ayaa sheegay natiijada imtixaan ay ka qaadeen kooxdii u horreysay ee qareenadda Somaliland.

10/8/2012 8:22 AM EST
Isniin, Oktoobar 08, 2012 (HOL) — Wafdi ka socda hay’addaha samafalka QM ayaa maanta gaaray magaalada Baladweyne ee xarunta gobolka Hiiraan oo dhawaan ay ku dhuftay fatahaad uu sameeyay wabiga Shabeelle.

10/8/2012 6:55 AM EST
Isniin, Oktoobar 08, 2012 (HOL) — Ugu yaraan lix qof oo dhinacyadii dagaalamay ka tirsan ayaa ku dhintya dagaal culus oo deegaanka Goof-guduud ee duleedka Baydhabo ku dhexmaray ciidamada dowladda Soomaaliya, kuwa Itoobiya iyo xoogagga Al-shabaab.

10/8/2012 6:20 AM EST
Isniin, Oktoobar 08, 2012 (HOL) — Madaxweynaha Soomaaliya, Xasan Sheekh Maxamuud iyo wafdi uu hoggaaminayo ayaa maanta u dhoogay dalka Uganda, halkaas oo uu uga qaybgalayo munaasabad lagu xusayo 50-sano guuradii kasoo wareegtay markii Uganda ay xorriyadda qaadatay.

10/8/2012 5:57 AM EST
Isniin, Oktoobar 08, 2012 (HOL) — Xarakada Al-shabaab ayaa deegaannada ay ka taliso ka mamnuucday maanta oo Isniin ah hay'adda Islaamiga ah ee Islamic Relief oo fadhigeedu yahay magaalada London ee dalka Britain.

10/8/2012 5:45 AM EST
Isniin, Oktoobar 08, 2012 (HOL) — Maamulka Jaamacadda Kismaayo ayaa cabasho ka muujiyay ciidamada dowladda iyo kuwa AMISOM oo dhawaan saldhig ciidan ka sameystay xarunta jaamacadda Kismayo oo ku taal duleedka waqooyi ee magaalada.

10/8/2012 3:16 AM EST
Isniin, Oktoobar 08, 2012 (HOL) — Taliye ku xigeenka ciidamada milateriga Somalia, Jen. C/kariin Yuusuf Aadan (Dhega-badan) ayaa sheegay in qorshahoodu uu yahay mid ay ku doonayaan inay isugu furaan magaalada Muqdisho, degmada Baydhabo ee gobolka Bay, degmada Baladweyne ee gobolka Hiiraan iyo degmada Kismaayo ee gobolka Jubbada Hoose.