Friday, May 24, 2013
Today from Hiiraan Online:  _
Wararka Maanta- Talaado, Oct 30, 2012
Xildhibaanno ka tirsan Baarlamaanka Uganda oo dalbaday in Ciidamadooda ka tirsan AMISOM laga soo saaro Soomaaliya
Talaado, Oktoobar 30, 2012 (HOL) — Xildhibaanno ka tirsan baarlamaanka dalka Uganda ayaa ka dalbaday dowladooda inay ciidamada Uganda ee ku sugan Soomaaliya ka saaro, iyadoo taas looga jawaabayo eedeyn ay Qaramada Midoobay u jeedisay Uganda taasoo ku saabsanayd inay taageerto jabhad ka dagaalanta bariga dalka DR Congo.

Mudanayaashan ayaa waxay isku dayayaan inay dowladooda ku cadaadiyaan inay qaadato codsigooda, iyadoo la xusuusto in toddobadkii hore ay ku dhawaaqday wasaaradda arrimaha dibadda ee Uganda inay tallaabo qaadan doonto haddii aysan Qaramada Midoobay ka laabtay eedeyn ay ku tilmaantay in lagu sumcad xumeynayo dalkooda.

Dalka Uganda ayaa waxaa Soomaaliya kaga sugan in ka badan 5,000 oo askari oo qayb ka ah howgalka nabad ilaalinta Midowga Afrika ee AMISOM, waxaana haddii ay hirgasho in Uganda ay go'aansato inay ciidamadeeda kala baxdo Soomaaliya ay taasi dhabar-jab ku noqonaysaa horumarka ay ciidamada Soomaaliya ka gaareen dagaalka ay kula jiraan Al-shabaab.

Qaramada Midoobay ayaa ku eedeysay dalalka Uganda iyo Ruwanda inay taageero milateri siiyaan jabhada M23 ee ka dagaalanta bariga dalka DR Congo, waxaase si aad ah uga xumaatay eedeyntaas dowlada Uganda oo qayb libaax ku leh howlaha nabad ilaaliyeed ee Qaaradda Afrika.

Ma jiro go'aan ay dowladda Uganda ka qaadatay codsiga xildhibaannada ka tirsan baarlamaanka dalkeeda, iyadoo dhowr jeer oo hore uu sheegay madaxweyaha dalka Uganda, Yoweri Museveni inaysan ka baxayn Soomaaliya inta ay xaqiijinayaan howsha u joogaan.

Ciidamada fara badan oo ka tirsan kuwa Uganda ayaa Soomaaliya lagu dilay iyagoo dagaal kula jira Xarakada Al-shabaab oo isku dayday inay xukunka ka tuurto dowladdii KMG ahayd ee dalka Soomaaliya, inkastoo ugu dambeyn Al-shabaab laga qabsaday dhul ballaaran.

Maxamed Xaaji Xuseen, Hiiraan Online
maxuseen@hiiraan.com
Muqdisho, Soomaaliya




Post your comments

10/31/2012 2:53 PM EST
Arboco, Oktoobar 31, 2012 (HOL) - Xaflad taageero ah oo lagu soo dhoweynayo doowlada cusub ee u dhalatey dalka Soomaliya ayaa lagu qabtey magaalada Seattle ee Gobolka Washington.

10/30/2012 11:18 AM EST
Talaado, Oktoober, 30, 2012 (HOL)-Kullankii loo qabtay saxaafadda ee lagaga hadlayey Xeerka anshaxa saxaafadda wakhtiga doorashooyinku socdaan, ayaa lagu soo gabogabeeyey magaaladda Hargeysa.

10/30/2012 8:51 AM EST
Talaado, Oktoobar 30, 2012 (HOL) — Komishanka Doorashooyinka Somaliland,ayaa sheegay in wax khilaaf ahi ka jirin guddidooda dhexdoodda, isla markaana dhinaca iskaga leexiyey eedihii ay shirkadaha daabacaaddu usoo jeediyeen guddida doorashooyinka.

10/30/2012 8:01 AM EST
Talaado, Oktoobar 30, 2012 (HOL) — Iyadoo maalmihii ugu danbeeyayba gargaar kala duwan la siinayay dadkii dhawaan ka barakacay fatahaadii ku dhufatay qeybo ka mid ah magaalada Baladweyne, ayaa dhinaca kale waxaa jira cabasho dadka ay ka muujinayaan hay’addaha qaarkood oo ay sheegeen in ay ka been abuurtaan kaalamada la siiyo dadka barakacayaasha ah.

10/30/2012 6:59 AM EST
Talaado, Oktoobar 30, 2012 (HOL) — Hal qof ayaa ku dhintay laba kalena dhaawac ayaa kasoo gaaray rasaas uu askari ka tirsan ciidamada booliiska Soomaaliya ku furay barqonimadii maanta gaari kuwa rakaabka qaada ah oo marayay meel ku dhow isgoyska KM-4 ee magaalada Muqdisho.

10/30/2012 6:06 AM EST
Talaado, Oktoobar 30, 2012 (HOL) —Howlgallo ay saaka sameeyeen ciidamada dowladda Soomaaliya iyo kuwa Kenya ayay ku guuleeysteen in ay soo saraan Miinooyin dhowr ah oo lagu aasay qaar kamid ah wadooyinka dhexmara magaalada Kismaayo.

10/30/2012 4:12 AM EST
Talaado, Oktoobar 30, 2012 (HOL) — Dowladda wadanka Kenya ayaa ugu baaqday Dowladda Ereteria in ay taageerto Nabadda Geeska Afrika, kadib kulan ay isugu yimaadeen madaxweeynaha dalka Kenya iyo safiirka dowladda Ereteria u fadhiya dalka Kenya Beyene Russom.

10/30/2012 3:42 AM EST
Talaado, Oktoobar 30, 2012 (HOL) — Maxkamadda ciidamada qalabka sida ee dowladda Soomaaliya ayaa xabsi ku xukuntay eedeysanayaan la sheegay inay ka tirsanaayeen Xarakada Al-shabaab kuwaasoo ay howgallo kusoo qabqabteen ciidamada ammaanka Soomaaliya, iyadoo sii daysay kuwo kale oo eedeymihii loo haystay lagu waayay.

10/30/2012 3:35 AM EST
Talaado, Oktoobar 30, 2012 (HOL) — Dabley hubeysan ayaa siyaabo kala duwan xalay ugu dilay degmooyinka Wardhiigley iyo Waaberi ee gobolka Banaadir laba qof oo mid ay ahayd haweeney iyo abwaan ka tirsanaa idaacadda Kulmiye oo ka mid ah idaacadaha ka howlgala Muqdisho.