Thursday, June 20, 2013
Today from Hiiraan Online:  _
Wararka Maanta- Isniin, Oct 29, 2012
Ra'iisul wasaarihii hore ee Soomaaliya oo maanta si diiran magaalada Boosaaso loogu soo dhoweeyey (SAWIRO)

Isniin, Oktoobar 29, 2012 (HOL) - Magaalada Boosaaso ee xarunta gobolka Bari waxaa maanta si diiran loogu soo dhoweeyey Ra'iisul wasaarihii hore ee dalka Soomaaliya, Prof.  Cabdiweli Maxamed Cali (Gaas), iyadoo ay meel magaalada 20km ka baxsan kaga hortageen maamulka gobolka Bari, kan degmada Boosaaso iyo kumanaan dadweyne ah oo ka kala socdey qaybaha kala duwan ee bulshada.

Xildhibaan Cabdiweli iyo wefdigiisa oo kasoo ambabaxay degmada Qardho ee xarunta gobolka Karkaar, wuxuu kahor intii uusan dhinaca Boosaaso usoo gudbin kusoo hakaday degmooyinka laamiga ku yaal sida Waaciye iyo Carmo.

Waxyar kahor imaatinkiisa Boosaaso ayuu warbaahinta la hadlay. Wuxuuna sheegay in ujeedada socdaalkiisu ay tahay sidii uu u booqan lahaa gobolada oo dhan, islamarkaana uu ula kulmi lahaa bulshada reer Puntland.

Dhinaca kale wuxuu mahad balaaran usoo jeediyey dadweynihii sida diiran usoo dhoweeyey, isagoo sheegay in sidan si lamid ah loosoo dhoweeyey markii uu ugu danbeysey ee uu Boosaaso yimaado, oo ahayd bishii Feb ee sanadkan.

Ugu danbeyntii wuxuu guud ahaan umadda Puntland ugu baaqay, in ay dhowraan nabadda, kana fogaadaan wax walba oo midnimadooda wax u dhimi kara, isagoo xusay in nabadda iyo midnimadu ay horumarka lagama maarmaan u yihiin.

Mudane Gaas oo ahaa wasiirkii 1-aad ee xukuumaddii kumeel gaarka ahayd ee uu wakhtigeedu idlaaday, wuxuu imaatinkiisa magaalada Boosaaso kahor soo maray degmooyin badan oo Puntland ka tisan ayna kamid yihiin: Gaalkacayo, Gal-dogob iyo Garoowe.


Waxaa xusid mudan in si weyn loo hadal hayo imaatinka Gaas ee Puntland, dadka siyaasadda ka faalooda qaarkood ayaana aaminsan in uu qabo damac ku aadan sidii uu uga qayb geli lahaa doorashooyinka madaxtinimada ee Puntland ka qabsoomi doona sanad kadib.

Maxamed Salaad Xaaji Dirir, Hiiraan Online
xaajidirir@hiiraan.com
Puntland, Soomaaliya





Post your comments

10/29/2012 11:55 AM EST
Mas'uuliyiin ka tirsan maamulka gobolka Mudug ee Puntland ayaa maanta magaalada Gaalkacayo kusoo bandhigay lacag been abuur ah oo isugu jirtey Dollar iyo Shilin Soomaali.

10/29/2012 6:27 AM EST
Isniin, Oktoobar 29, 2012 (HOL) — Xarakada Al-shabaab ayaa ku hanjabtay inay ka gudaha dalka Kenya ka geysan doono qaraxyo aargudasho ah, iyadoo xustay inay go'aansatay in Kenya ay ka shalaydo go'aankii ay ku gaartay inay gudaha u soo gasho dalka Soomaaliya.

10/29/2012 4:13 AM EST
Isniin, Oktoobar 29, 2012 (HOL) — Maamulka gobolka Banaadir ayaa sheegay inay soo gabgabeeyeen howlo lagu tirakoobayay isla markaana lagu diiwaan-gelinayay dadka ku nool shan degmo oo ka tirsan gobolka Banaadir, sidoo kalena ay dhawaan billaabi doonaan tirakoobka iyo diiwaan-gelinta degmooyinka haray.

10/29/2012 4:12 AM EST
Isniin, Oktoobar 29, 2012 (HOL) — Ugu yaraan afar qaf oo dhinacyadii dagaalamay ka tirsan ayaa ku dhintay tiro intaas ka badanna way ku dhaawacmeen dagaal ku dhexmaray xalay degmada Bardaale ee gobolka Bay xoogag taabacsan Al-shabaab iyo ilaalada guddoomiyaha degmadaas.

10/29/2012 4:07 AM EST
Isniin, Oktoobar 29, 2012 (HOL) — Hayada samfalka ee Humanitarian African Relief Organization (HARO) oo gacan weyn ka geysatay taageerada dadka dhibaateysan ee ku nool Soomaaliya ayaa soo gabagabeeyesey barnaamij hilb-qeybin ah oo ku aaddan ciidul Adxa, waxayna kaamam ay ku jiraan dad curyaamiin ah ka qaybisay.

10/29/2012 3:54 AM EST
Isniin, Oktoobar 29, 2012 (HOL) —Danjiraha dowladda Soomaaliya u fadhiya Dalka Kenya Max’ed Cali Ameeriko ayaa sheegay in dadka Soomaaliyeed ee u safra dalka Kenya ay qabaan dhibaatooyin, isagoona sheegay in diyaaradaha ka yimaada Soomaaliya la mariyo baaritanno xad dhaaf ah.

10/29/2012 3:25 AM EST
Isniin, Oktoobar 29, 2012 (HOL) — Guddoomiyaha baarlamaanka Soomaaliya, Prof. Maxamed Cismaan Jawaari ayaa sheegay in howlaha ugu badan ee baarlamaanku uu qaban doono afarta sano ee soo socota ay noqonayso la xisaabtanka xukuumadda.

10/29/2012 3:11 AM EST
Isniin, Oktoobar 29, 2012 (HOL) — Madaxweynaha Puntland, C/raxmaan Sheekh Maxamed Faroole ayaa sheegay in xoogagga Al-shabaab ay kusoo qulqulayaan deegaannada ay ka taliayaa kaddib markii looga adkaaday koonfurta Soomaaliya, isagoo intaas ku daray in maamulkiisu uu qorsheyanyo inuu wafdi u diro magaalada Kismaayo.

10/29/2012 3:02 AM EST
Isniin, Oktoobar 29, 2012 (HOL) — Xarakada Al-shabaab iyo dowladda Soomaaliya ayaa ka hadlay weerar gaadmo ah oo lagu dilay Jen. Maxamed Ibaahim Faarax (Goordan) oo ka mid ahaa saraakiisha dowladda ee hoggaaminaya dagaalka lagula jiro Al-shabaab kaasoo ka dhacay shalay gallinkii dambe inta u dhexeysa degmooyinka Afgooye iyo Marko ee gobolka Shabeellada Hoose.

10/29/2012 3:02 AM EST
Isniin, Oktoobar 29, 2012 (HOL) — Wariye Maxamed Maxamuud Tuur-yare oo kooxo hubeysani ay toddobaadkii hore ku dhaawaceen degmada Wadajir ee Muqdisho ayaa xalay dhaawacii soo gaaray awgiis ugu geeriyooday isbitaalka Madiina, halkaasoo maalmihii lasoo dhaafay lagu daweynayay.

10/29/2012 3:01 AM EST
Isniin, Oktoobar 29, 2012 (HOL) — Nabaddoon Maxamed Xaasan Xaad oo ka mid ah odayaasha dhaqanka Muqdisho ayaa ka digay tirada wasiirrada la doonayo in lasoo magacaabo oo uu ku sheegay sagaal wasiir, isagoo xusay in tani ay sababi karto in Somaalida ay iska horkeento.