Monday, May 20, 2013
Today from Hiiraan Online:  _
Wararka Maanta- Sabti, Oct 27, 2012
Qarax Xooggan oo ka dhacay Agagaar Xarunta maamulka Degmada Kismaayo ee Gobolka Jubbada Hoose
Sabti, Oktoobar 27, 2012 (HOL) — Qarax xooggan oo loo adeegsaday Miinooyinka nooca dhulka lagu aaso ayaa maanta ka dhacay afaafka hore ee xarunta degmada Kismaayo, wuxuuna qaraxaasi sababay khasaarooyinka soo gaaray ciidamada dowladda iyo dad rayid ah.

Goobta uu qaraxa ka dhacay ayaa ahayd goob laga shaaheeyo oo ku taal afaafka hore ee laga galo xarunta degmada, waxaana ku sugnaa dad rayid ah iyo ciidamo katirsan kuwa dowladda xilligii uu qaraxa dhacayay.

Goobjooge ku sugnaa agagaarka goobta uu qaraxa ka dhacay ayaa HOL u sheegay in qaraxu ahaa mid xooggan oo laga maqlayay xaafado badan oo katirsan magaalada, wuxuuna sheegay in qaraxa kadib ay goobta xireen ciidamada dowladda, kuwaasoo rasaas badan cirka u ridayay.

Illaa imika inta la ogyahay qaraxa waxa ku dhintay hal qof oo rayid ah, waxaana ku dhawacmay ilaa afar kale oo  labo kamid ah ay ahaayeen ciidamada dowladda.

Ma jiraan masuuliyiin katirsan ciidamada dowladda oo faahfaahin ka bixiyay qaraxa, ilaa imikana ma jirto cid sheegatay masuuliyadda qaraxaasi.

Tan iyo markii ciidamada dowladda, kuwa Raaskaambooni iyo Militariga Kenya ay la wareegeen Kismaayo, waxa magaalada kusoo badanayay qaraxyo iyo dilal qorsheysan oo ay geysanayaan kooxo aan la garanayn oo si qarsoodi ah howgallo uga fuliya gudaha magaalada.

Xasan Nuur, Hiiraan Online
hnur@hiiraan.com
Kismaayo, Soomaaliya




Post your comments

10/27/2012 8:05 AM EST
Sabti, Oktoobar 27, 2012 (HOL) — Kooxo hubeysan oo aan la garaneynin ayaa lagu waramayaa inay ku dileen galinkii danbe ee maalintii shalay sadax ruux oo rayid ah deegaan lagu magacaabo Oomane oo ka tirsan degmada Matabaan ee gobolka Hiiraan.

10/27/2012 7:20 AM EST
Sabti, Oktoobar 27, 2012 (HOL) — Dhallinyaradda magaalada Hargeysa ayaa ilaa maalintii Ciidda iyo maalinta labaad ee ciidda safar dalxiis ah uga baxay magaaladda, iyagoo intooda badan dalxis ahaan u tagaan magaalo xabeedka Berbera ilaa Buurta Sheekh oo ah meel dalxiiska iyo in sawiro lagu galo ku fiican, halka qaarkoodna u baxaan dhinaca galbeed Magaalada Gabiley ilaa Boorame.

10/27/2012 6:14 AM EST
Sabti, Oktoobar, 27, 2012 (HOL) – Shirkada xawaalada Amaana oo maalmihii ugu danbeeyayba siweyn ugu howlaneyd sidii loo caawin lahaa qoysaska dhibaateysan ee ku nool magaalada Baladweyne, ayaa munaasabada ciidul-adxa awgeed kaalmo balaaran gaarsiisay qoysas isugu jiray kuwo ay samaayeen fatahaadii dhawaan ku dhuftay magaalada Baladweyne iyo qaar kale oo ay la soo darseen daruufo dhinaca nolasha ah.

10/27/2012 4:32 AM EST
Sabti, Oktoobar, 27, 2012 (HOL) -Shacabka ku dhaqan xaafadda Islii (Eastleigh) ee magaalada Nairobi ayaa ka cabanaya Tuugo xilliyada habeenkii ah dhac u geysta dadka, kuwaasoo ka qaata teleefonnada gacanta iyo waxyaalaha ay wataan.

10/27/2012 4:18 AM EST
Sabti, Oktoobar 27, 2012 (HOL) - Roobabkii Dayrta ayaa si weyn uga curtay deegaanno badan oo ka tirsan gobollada Bari, Karkaar iyo Nugaal ee Puntland. Roobka ugu badan oo da’ay maalinnimadii shalay, waxaa goobaha uu sida fiican ugu hooray kamid ah magaalada Boosaaso ee xarunta gobolka Bari oo iyadu muddo sanad ah aan wax roob ahi arkin.

10/27/2012 4:01 AM EST
Sabti, Oktoobar 27, 2012 (HOL) — Shacabka ku nool degmada Marko ee gobolka Shabeellada hoose ayaa sheegay inay dhac iyo dhibaateyn kala duwan kala kulmaan ciidamada dowladda Soomaaliya ee halkaas ku sugan.

10/27/2012 3:47 AM EST
Sabti, Oktoobar, 27, 2012 (HOL) -Hogaamiyaha ugu sareeya ee Xarakada Al-shabaab Sheekh Mukhtaar C/raxmaan (Abuu Zubery) oo cajalad maqal ah soo saaray ayaa uga hadlay arimo dhowr ah oo ay kamid yihiin sida uu u arko dowladda cusub ee Soomaaliya iyo weliba dagaallada ay kaga soo horjeedaan ciidamada dowladda iyo kuwa AMISOM.

10/27/2012 3:36 AM EST
Sabti, Oktoobar 27, 2012 (HOL) — Madaxweynaha Soomaaliya, Xasan Sheekh Maxamuud ayaa sheegay in isbedel weyn lagu sameyn doono hay'adaha kala duwan ee dowladda si dib loogu soo celiyo dhismihii ama haykalkii dowladeed ee dalka.