3/29/2024
Today from Hiiraan Online:  _
Wararka Maanta- Khamiis, Nov 29, 2012
Munaasabad ay Boqolaal arday kaga Qalin-jabinayeen Jaamacadda SIMAD oo lagu qabtay Magaalada Muqdisho [SAWIRRO]

Khamiis, November 29, 2012 (HOL) — Munaasabad maanta loo qabtay 650-arday oo ka qalin-jabinayay jaamacada SIMAD ayaa lagu qabtay hoteelka City Palace ee magaalada Muqdisho kuwaasoo isugu jiray wiilal iyo gabadho da'yar, waxaana munaasabadda ka qayb-galay maamulka sare ee jaamacada, macallimiinta, ardayda, waalidiin iyo dadweyne kale oo lagu casuumay.

Ardayda qalin-jabinayay ayaa waxay ahaayeen dufcaddii siddeedaad iyagoo wax ka bartay laba kulliyadood, waxaana halkaas hadallo ka jeediyay maamulka jaamacada iyo martidii lagu casuumay, iyagoo si aad ah uga hadlay marxaladihii waxbarasho ee ay ardaydu soo mareen afartii sano ee ay waxbarashada jaamacadeed wadeen.

Guddoomiyaha jaamacada SIMAD, Cabdiraxmaan Maxamed Xuseen ayaa sheegay in jaamacadda la aasaasay sanadkii 1999-kii, iyadoo lagu billaabay machad, balse loo bedelay sannadkii 2011 Jaamacad, isagoo sheegay in ardaydan qalin-jebisay ay nasiib u yeesheen inay noqdaan ardaydii u horreyay ee SIMAD ka qalin-jebiyay markii jaamacadda loo bedelay.

"Maanta waa maalin weyn oo aan u dabaal-dageyno 650-ka arday ee qalin-jebisay. Ardaydan waxay waxbarashada wadeen afar sano iyagoo soo maray duruufo aad u adag, waxaan ugu tahniyadeynaynaa sida ay u soo dhabar-adeygeen iyagoo wax ku bartay waddanka oo xaaladiisu adkeyd ayna maanta nasiib u yeeshaan inay qalin-jebiyaan," ayuu yiri guddoomiyaha SIMAD.

Sidoo kale, guddoomiyuhu wuxuu sheegay in SIMAD ay tan iyo sannadii 2006-dii ku guuleystay in 55-arday oo ka qalin-jebisay ay soo qaatee shahaadooyinka sarsare ee PHD iyo Master, haatanna ay yihiin macallimiin jaamacadda wax ka dhigi doona, isagoo hoosta ka xariiqay inay rajeynayaan in marka la gaaro 2017-ka ardayda wax ka bartay jaamacadda 60% ay noqdaan kuwo haysta shahaadada PHD, 40% ay iyaguna noqdaan kuwo haysta shahaadada Masters.

Guddoomiyaha wuxuu hadalkiisa ku daray in jaamacadda ay taakuleeyaan hay'ado ay ka mid yihiin; wakaalada muslimiinta Afrika oo uu xusay inay dhistay xarunta jaamacadda, isagoo sheegay inay dhawaanna xarun jaamacaddu leedahay ay ka hirgelin doono duleedka Muqdisho, taasoo lagu baran doono caafimaadka.

Madaxa Wakaalada Muslimiinta Afrika Sheekh Xasan Badawi oo munaasabad ka hadlay ayaa sheegay in Jaamacada Simad aanay laheyn qolo gaar ah, balse ay shacabka matalaan, isagoo tilmaamay in dhamaan ardayda 650 ay yihiin kuwo udub dhexaadka u ah jaamacada, isla markaana aanay ku shaqeyn ahdaafta urur siyaasadeed iyo mid diimeed.

Maamulka sare ee jaamacada ayaa abaal-mariyay 18-arday oo mid ka midi ay gabar ahayd, kuwaasoo kaalimaha koowaad ka galay labada kulyadood, waxaana lagu abaal-mariyay midkiiba kombiyuutar, iyadoo gabar ku jirtay 18-ka arday ee kaalinta koowaad galay ay wakaalada muslimiinta Afrika ku abaalmarisay waxbarasho lacag la'aan ah oo ay kusoo diyaarinayso shahaadada master-ka, iyadoo kusoo diyaarin doonta dalka Malaysiya.

Sidoo kale, saddexdii arday ee ugu sarreeyay dhibacaha labada kulyadood ayaa la siiyay waxsbarasho master ah oo ay kusoo diyaarinayaan dalka Malaysiya, iyadoo mid ka mid ah ardaydan ay kharashkiisa oo ah 15,000 oo dollar ay bixin doonto shirkadda xawaaladda Jubba Express, halka labada arday ee kalena ay jaamacadda Simad balan-qaadday inay bixinayso qarashaadka ay wax ku baranayaan oo min 4,000 oo doollar ah.

Ugu dambeyn, munaasabada oo ahayd ayaa waxaa suugaan kusoo bandhigtay kooxda deegaan, waxaana sugaantaas ka mid ahayd hees ka hadlaysa qiimaha ay leedahay waxbarashada iyo doorka ay Jaamacada SIMAD kaga jirto sare u qaadista waxbarashada dalka.


Maxamed Xaaji Xuseen, Hiiraan Online
[email protected]
Muqdisho, Soomaaliya













Click here
11/29/2012 7:58 AM EST
Khamiis, November 29, 2012 (HOL) — Saraakiil ka tirsan Ahlusunna oo maanta shir jaraa'id ku qabtay Muqdisho ayaa sheegay in ciidamada Ahlusunna si rasmi ah loogu wareejinayo dowladda Soomaaliya, iyagoo xusay in dagaalkii ay soo galeen uusan ahayn mid ay ku doonayaan inay noqdaan urur gooni-u-goosad ah.

11/29/2012 7:35 AM EST
Khamiis, November 29, 2012 (HOL) — Kulan golaha wasiirrada Soomaaliya ay ku yeesheen maanta xaruntooda Muqdisho ayay kasoo saareen qodobbo ay ka mid yihiin in la adkeeyo ammaanka caasimadda Soomaaliya, sidoo kalena dowladdu ay is le'ekeyso dhaqaalaha kasoo xarooda dekedda iyo gasroonka diyaaradaha Muqdisho.

11/29/2012 6:06 AM EST
Khamiis, November 29, 2012 (HOL) — Askari ka tirsan ciidamada dowladda Somalia ayaa haweeney rakaab ahayd dilay, saddex qof oo kale ku dhaawacay rasaas uu si bareer ah ugu furay gaari kuwa dadweynaha ah oo marayay agagaarka tarabuunka Muqdisho.

11/29/2012 5:51 AM EST
Khamiis, November 29, 2012 (HOL) — Iskahorimaad u dhexeeya ciidamada AMISOM iyo xoogagga Al-shabaab ayaa maanta ka dhacay deegaanno ka tirsan gobolka Shabeellada hoose, iyadoo sidoo kale nin bam ku hubeysan uu qarax ku weeraray ciidammo ka tirsan kuwa AMISOM oo ku sugan degmada Marko.

11/29/2012 5:44 AM EST
Khamiis, November 29, 2012 (HOL) — Ugu yaraan lix qof oo labada dhinac ah ayaa ku dhintay toban kalena way ku dhaawacmeen dagaal Arbacadii shalay deegaanka Xudun ee gobolka Sool ku dhexmaray ciidamada Somaliland iyo ciidamada Khaatumo oo diidanaa in doorasho ay halkaas ka dhacdo.

11/29/2012 4:15 AM EST
Khamiis, November, 29, 2012 (HOL) – Maalintii shalay waxaa booqasho ku tagay magaalada Baladweyne ee xarunta gobollka Hiiraan wafdi ka socday xukuumada Soomaaliya oo sidoo kalana ay ka mid ahaayeen xildhibaanno ka tirsan baarlamaanka.

11/29/2012 2:09 AM EST
Khamiis, November 29, 2012 (HOL) — Ra'iisul wasaaraha Itoobiya, Hailemariam Desalegn ayaa sheegay Arbacadii shalay in ciidamada Itoobiya ay sii joogi doonaan Soomaaliya inta ay goobaha ay hayaan kaga wareejinayaan ciidamada Midowga Afrika ka socda ee AMISOM.