Hiiraan Online
Wednesday, June 19, 2013
Today from Hiiraan Online:
Home
Cheap Calls
Somali Music
Somali Map
Sports
Opinion
RSS
Facebook
Twitter
Google Plus
Wararka Maanta-
Axad, Nov 18, 2012
Qarax ay Todobo Qof ku Dhinteen oo ka Dhacay Xaafadda Eastleigh (Islii) ee Magaalada Nairobi
Axad, November 18, 2012 (HOL) — Todobo qof oo rakaab ay ayaa ku dhimatay kadib markii gaari nooca Rakaabka qaado uu ku qarxay meel u dhow Kaniisad ku taal xaafadda Islii gaar ahaan nawaaxiga waaxda loo yaqaan Section One.
Qaraxa oo aan ilaa imika la garanayn waxa sababay ayaa waxa uu ka dhexdhacay gudaha gaariga, waxaana halkaasi kudhintay dhamaan rakaabkii gaariga saarnaa.
“Gaari Matatu ah oo rakaab waday ayaa qarxay isagoo hormaraya kaniisadda dadkii saarnaa oo dhanna way ku dhinteen,” sidaa waxa yiri goobjooge ka ag dhawaa goobta uu qaraxa ka dhacay oo HOL u waramay.
Warar aan la xaqiijin ayaa sheegaya in ruux baxsaday uu walxaha qarxa kutuuray gaariga, halka warar kalena ay sheegayaan in uu is qarxiyay ruux saarnaa gaariga.
Ilaa imika ma cadda waxa sababay qaraxa, mana jiraan masuuliyiin katirsan booliska magaalada Nairobi oo ka hadlay.
XaafaddaIslii ayaa waxa imika lagu soo daadiyay ciidamo aad u tiro badan oo kuwa Militariga ah, waxaana wadooyinka xaafadda lagu arkayaa gaadiid ciidan iyo dadweeyne kala ordaya.
Ganacsiga xaafadda ayaa inta badan xiran, waxaana dadku ay raxan-raxan u taaganyihiin hareeraha wadooyinka.
Xasan Nuur, Hiiraan Online
hnur@hiiraan.com
Kismaayo, Soomaaliya
Post your comments
COL Cabaas: Dadka ku Dhaqan Jubooyinka waa in Iyaga loo Daayaa Maamulkooda
11/18/2012 6:53 AM EST
Axad, November 18, 2012 (HOL) — COL Cabaasi Ibraahim Gureey oo kamid ah saraakiisha hogaamisa ciidamada dowladda ee gobolka Gedo ayaa sheegay in shacabka Jubooyinka ay xaq u leeyihiin in ay iyaga soo dhistaan maamulkooda.
Afhayeenka Xarakada Al-shabaab oo Qurbo-joogta Soomaalida ugu baaqay inay faraha kala baxaan siyaasadda dalka
11/18/2012 5:21 AM EST
Axad, November 18, 2012 (HOL) — Afhayeenka Xarakada Al-shabaab, Sheekh Cali Maxamuud Raage (Sheekh Cali Dheere) ayaa ugu baaqay qurbo-joogta Soomaalida inay faraha kala baxaan siyaasadda dalka, isagoo uga digay inay dalalka reer galbeedku u adeegsadaan siyaasadda dalkooda.
Garoon Diyaaradeed laga Dhisayo Degmada Ceelwaaq ee Gobolka Gedo
11/18/2012 3:45 AM EST
Axad, November 18, 2012 (HOL) — Dhismaha garoon diyaraadeed Cusub ayaa ka bilowday degmada Ceelwaaq ee gobolka Gedo, iyadoona dhismaha garoonkani ay iska kaashanayaan maamulka gobolka Gedo iyo hay’adda cuntada Aduunka ee WFP.
Shirkadda Hormuud Telecom oo Matoor Dab-dhaliye ah ugu deeqday Isbitaalka Masaarida ee Magaalada Muqdisho [SAWIRRO]
11/18/2012 3:33 AM EST
Axad, November 18, 2012 (HOL) — Shirkadda isgaarsiinta Hormuud ayaa matoor dab-dhaliye ah ugu deeqday isbitaalka Masaarida ee magaalada Muqdisho, iyadoo maamulka isbitaalkaas uu soo dhaweeyay.
Ciidamada Dowladda Soomaaliya oo saakay gaaray deegaan aad ugu dhow Degmada Jowhar ee Gobolka Shabeellada dhexe
11/18/2012 3:19 AM EST
Axad, November 18, 2012 (HOL) — Ciidamada dowladda Soomaaliya oo gaadiidka dagaalka ayaa gaaray saakay oo Axad ah deegaanka Garsale oo ku dhow degmada Jowhar ee xarunta gobolka Shabeellada dhexe.
Dadweynaha ku nool degmada Gaarisa ee Gobolka Waqooyi-bari Kenya oo ka cabanaya Ammaan-darro ka jirta degmadaas
11/18/2012 3:18 AM EST
Axad, November 18, 2012 (HOL) — Dadweynaha ku nool degmada Gaarisa ee gobolka Waqooyi-bari Kenya ayaa ka cabanaya xaalado ammaan-darro oo kusoo kordhay degmadaas, kuwaasoo sababay in degmadaas lagu dilo dad badan oo ay ku jiraan saraakiil ka tisran booliiska Kenya.
Somali News
Puntland says arrests al Shabaab members, seizes explosives
-
Reuters
11/18/2012 5:08 PM EST
(Reuters) - Somalia's northern region of Puntland, which up to now has been spared violence fuelled by Islamist fighters, said on Sunday its security forces had arrested two suspected members of the al Qaeda-linked al Shabaab militant group.
Anti-terror unit maps hideouts of Shabaab recruits
-
Daily Nation
11/18/2012 5:07 PM EST
Kenya's anti-terrorism police unit has identified hideouts where hundreds of youths returning from Al-Shabaab training camps in Somalia are said to be seeking refuge.
7 dead, more than 30 injured in Eastleigh matatu explosion
-
Daily Nation
11/18/2012 4:59 PM EST
At least seven passengers were on Sunday killed and more than 33 others injured when an explosion rocked a Kariobangi-bound matatu.
Culture shock awaits Somali returnees
-
AFP
11/18/2012 3:32 AM EST
HARGEISA, Somalia (AFP) — Two years ago, fashion designer Ayan Hussein left the high-end stores of Britain's capital for a stab at promoting fashion that was in line with Muslim tradition in her Somali homeland.
Israel pounds Gaza Strip from air and sea
-
Al Jazeera
11/18/2012 1:40 AM EST
Israel is continuing its assault on the Gaza Strip for a fifth straight day, bombarding the Palestinian enclave from both the air and sea.
Angry crowd confronts police in child-abuse case
-
The News Tribune
11/18/2012 1:37 AM EST
A large number of angry Somali immigrants trying to keep Tacoma Police from placing children into protective custody on Friday, turned into a scene so threatening that officers made an emergency, all-agency request for assistance.
United Nations chief welcomes new Somali government
-
Pana
11/18/2012 1:35 AM EST
Nairobi, Kenya - UN Secretary-General Ban Ki-Moon has welcomed the swearing in of the newly-appointed Somali cabinet, headed by Prime Minister Abdi Farah Shirdon. “The Secretary-General welcomes the swearing-in of the Council of Ministers proposed by Prime Minister Shirdon and endorsed by the Somali Federal Parliament,” a statement by spokesman Martin Nesirky said.
UNODC Chief On Counter-Piracy Mission to East Africa
-
Capital FM
11/18/2012 1:34 AM EST
Seychelles-Vienna — Visiting the Seychelles as part of a counter-piracy mission to East Africa, UNODC Executive Director, Yury Fedotov, stressed the impact of piracy on the economies of frontline East African states.