4/19/2024
Today from Hiiraan Online:  _
Wararka Maanta- Axad, Nov 18, 2012
Shirkadda Hormuud Telecom oo Matoor Dab-dhaliye ah ugu deeqday Isbitaalka Masaarida ee Magaalada Muqdisho [SAWIRRO]

Axad, November 18, 2012 (HOL) — Shirkadda isgaarsiinta Hormuud ayaa matoor dab-dhaliye ah ugu deeqday isbitaalka Masaarida ee magaalada Muqdisho, iyadoo maamulka isbitaalkaas uu soo dhaweeyay.

Zamzam Egyptian Hospital oo ka mid ah isbitaallada tirada yar ee adeeg caafimaad oo lacag la'aanah u ka fuliya Muqdisho ayaa qaabilaha qaybaha kala duwan ee bukaannada sida: caruurta, dumarka, qaliinka, jiifka iyo qaybta cuduradda guud, iyadoo dhammaan bukaannada taga isbitaalkaas lagu daweeyo si lacag la'aan ah.

Maddaxa isbitaalka, Dr. Xasan Axmad oo warbaahinta la hadlayay ayaa mahad u celiyay shirkadda isgaarsiinta Hormuud; isagoo sheegay in matoorka loogu deeqay ay baahi weyn u qabaan, uuna yahay mid kaafin kara koronto siin isbitaalka oo dhan.

Madaxa waaxda xiriirka guud ee shirkadda Hormuud, Cali Sheekh Yaasiin (Fadhaa) ayaa sheegay in shirkaddu ay ugu deeqday matoorkan kaddib markay aragtay in isbitaalka ay baahi koronto ka jirto shaqadiisuna ay aad u badan tahay.

Shirkadda Hormuud ayaa dhowr jeer oo matoorro iyo qalab kale ugu deeqday dhowr isbitaal oo ku yalla Muqdisho, gaar ahaan isbitaallada Madiina, Banaadir iyo Keysaney oo ka mid ah isbitaallada waaweyn ee ka shaqeeya Muqdisho.



Maxamed Xaaji Xuseen, Hiiraan Online
[email protected]
Muqdisho, Soomaaliya