Hiiraan Online
Saturday, May 18, 2013
Today from Hiiraan Online:
Home
Somali Music
Somali Map
Sports
Opinion
RSS
Facebook
Twitter
Google Plus
Wararka Maanta-
Sabti, Nov 17, 2012
Kulan Wadatashi ah oo dhex-maray Wasiirrada Xukuumadda Soomaaliya iyo Wasiirradii Xukuumaddii KMG ahayd
Sabti, November 17, 2012 (HOL) — Kulan wadatashi iyo isbarasho ah ayaa maanta dhexmaray wasiirradii hore ee xukuumaddii KMG ahayd iyo wasiirrada cusub iyadoo kulankan uu shir guddoominayay ra'iisul wasaaraha Soomaaliya, Cabdi Faarax Shir-doon.
Markii uu kulanku soo dhammaaday ayaa waxaa saxaafadda si wadajir ah ula hadlay wasiirka warfaafinta ee Soomaaliya iyo wasiikii hore ee warfaafhinta iyagoo xusay in kulanka uu ahaa mid ay labada dhinac ku kala dhegeysteen warbixinnno ayna isla garteen inay wadashaqeeyaan.
"Ujeeddada kulanka wuxuu ahaa mid ay wasiiradii hore iyo kuwa cusub ay isku baranayeen, waxaana looga hadlay wixii qabsoomay dhammaan qodobbadii looga hadlayna waa la isla gartay. Waana ku faraxsannahay kulanka aan la yeelanatay wasiirada cusub," ayuu yiri wasiirkii hore ee warfaafinta Soomaaliya, Cabduqaadir Xuseen Jaahweyn.
Wasiirkii hore ee warfaafinta ayaa sheegay in kulankan uu muujinayo sida ay uga go'an tahay xukuumadda cusub inay howlihii horay loosoo qabtay halkoosa uga sii wadaan, isagoo sheegay inay ka go'an tahay inay la shaqeeyaan golaha wasiirrada cusub ayna ku biirinayaan waayo-aragnimadoodii shaqo.
Intaas kaddib waxaa isna saxaafadda la hadlay wasiirka wafaafinta xukuumadda cusub ee Soomaaliya, C/llaahi Ciilmooge Xirsi isagoo sheegay in kulankan uu ahaa mid uu soo qabanqaabiyay ra'iisul wasaaraha ayna isku baraneyeen wasiirradii hore.
"Kulanka wuxuu ahaa mid isbarasho ah, sidoo kale ugu mahadcelinnay howshiis ay soo qabteen wasiirradii hore, taasoo aan dhihi karo waa midda sababtay in heerkan lasoo gaaro," ayuu yiri Ciilmooge oo intaas ku daray inay ka codsadeen wasiirradii hore inay la shaqeeyaan si waaya-aragnimadooda ugu biiriyaan.
Ugu dambeyn, wasiirka warfaafinta Soomaaliya wuxuu sheegay in howshu ay tahay mid qori isku dhiib ah; ayna u dhiibi doonaan qoriga xukuumadda ka dambeysa ee la soo magacaabo, isagoo xusay inay kasoo bixi doonaan howsha loo idmaday.
Maxamed Xaaji Xuseen, Hiiraan Online
maxuseen@hiiraan.com
Muqdisho, Soomaaliya
Post your comments
WASIIRKA ARRIMAHA DIBADDA JABUUTI: "Soomaaliya waxay u baahan tahay lacag fara badan oo dib loogu dhiso"
11/17/2012 8:27 AM EST
Sabti, November 17, 2012 (HOL) — Wasiirka arrimaha dibadda ee dalka Jabuuti, Maxamuud Cali Yuusuf ayaa sheegay in Soomaaliya ay u baahan tahay balaayiin doollar si dib loogu dhiso, isagoo sheegay in lacagaha yaryar ee mar walba la sheego in loogu deeqay aysan waxba u tagayn Soomaaliya.
Qaramada Midoobay oo sheegtay in Soomaali ay ka mid tahay meelaha ugu daran caalamka ee ay xaaladaha bani'aadnimo ka jiraan
11/17/2012 7:23 AM EST
Sabti, November 17, 2012 (HOL) — Mark Bowden oo ah xiriiriyaha Qaramada Midoobay u qaabilsan gargaarka bani'aadamnimo ee Soomaaliya oo shir jaraa'id ku qabtay maanta magaalada Nairobi ayaa sheegay in 2.5 milyan qof oo Soomaali ah ay weli u baahan yihiin gargaar bani'aadamnimo.
Haween ka socday Degmooyinka Gobolka Banaadir oo Muqdisho loogu qabtay Dood-cilmiyeed ku saabsan Guurka
11/17/2012 6:20 AM EST
Sabti, November 17, 2012 (HOL) — Hay'adda Wadahadalka Bulshada ee CCD ayaa maanta dood-cilmiyeed looga hadlayay gabdhaha khasab lagu guursado Muqdisho ugu qabatay haween ka kala socday 16-ka degmo ee gobolka Banaadir. iyadoo lagu falanqeeyay doodda sidii looga hortagi lahaa in gabadha si khasab ah loogu guuriyo qof aysan raalli ka ahayn.
Dagaal Siyaasadeed ka taagan ciddii Maamuli lahayd Gobollada Koonfurta Soomaaliya ee laga saaray Al-shabaab
11/17/2012 3:47 AM EST
Sabti, November 17, 2012 (HOL) — Ciidamada Soomaaliya iyo kuwa Midowga Afrika ee AMISOM ayaa Al-shabaab ka saaray deegaanno ay ku xoogganayd oo ku yaalla gobollada Jubbada Hoose iyo Gedo ee Koonfurta Soomaaliya, laakiin hadda waxaa ka taagan deegaannadaas dagaal siyaasadeed ku aaddan ciddii maamuli lahayd.
Ciidamada AMISOM oo Isbitaallo dadka lagu daweeyo ka furay deegaanno ka tirsan Gobolka Shabeellada Hoose
11/17/2012 2:47 AM EST
Sabti, November 17, 2012 (HOL) — Ciidamada Midowga Afrika ee AMISOM ayaa isbitaallo lagu daweeyo dadka xanuunsan ka furay deegaanno ku yaalla gobolka Shabeellada kuwaasoo ay ka qabsadeen xoogagga Al-shabaab oo muddo sannado ah ka talinayay.
Madaxweynihii hore ee Soomaaliya Shariif Sheekh iyo Qoyskiisa oo u Guuray dalka Uganda oo ay deggenaasho ka heleen
11/17/2012 2:33 AM EST
Sabti, November 17, 2012 (HOL) — Madaxweynihii hore ee Dowladdii KMG ahayd ee Soomaaliya, Shariif Sheekh Axmed iyo qoyskiisa ayaa shalay oo Jimco ka guuray magaalada Muqdisho, iyagoo kusii jeeda dalka Uganda, halkaasoo degenaasho ay ka heleen.
Dowladda Masar oo sheegtay in ay taageeri doonto Shacabka Falastiin
11/17/2012 1:35 AM EST
Sabti, November 17, 2012 (HOL) —Kadib booqasho uu ra’isul wasaaraha dalka Masar Hisham Qandal ku tagay magaalada Qasa ee dhulka Falastiin ayuu sheegay in dowladda Masar aysan indhaha ka daboolan doonin dhibaatada ka taagan halkaasi.
Somali News
Kenya offers to intensify diplomatic ties with Somalia
-
PANA
11/17/2012 5:05 PM EST
Nairobi, Kenya - Kenyan President Mwai Kibaki hailed the installation of Somalia's new cabinet Friday and announced plans to revive a government-to-government committee on bilateral cooperation. Kibaki assured the people of Somalia of Kenya’s commitment at bilateral level and in concert with other well wishers to continue playing its role towards the realization of a peaceful, secure and prosperous Somalia, according to a statement from the Presidential Press Service here.
Africa Rising Documentary: Failure of Western Policies Towards Africa
-
HOL
11/17/2012 10:56 AM EST
Africa Rising Documentary: Failure of Western Policies Towards Africa
Human Rights Due Diligence Policy and the UN support to security forces
-
UNPOS
11/17/2012 7:26 AM EST
Mogadishu – A three-day Round Table organized by UNPOS on how to streamline human rights due diligence policy to the support that the United Nations is offering to security entities was concluded in Somalia.
IFJ, NUSOJ Conducted Safety Training for Journalists in Mogadishu
-
IFJ
11/17/2012 7:03 AM EST
The National Union of Somali Journalists (NUSOJ) in cooperation with the International Federation of Journalists (IFJ) today concluded in Mogadishu a first -ever international safety training for Somali journalists in the country's capital city, Mogadishu.
UK Muslims Urged to Celebrate Christmas
-
TURKS.US
11/17/2012 5:36 AM EST
Britain’s first Muslim cabinet minister has called on the Muslim community and other religious minorities to celebrate Christmas to help promote integration in the society.
NATO Fights Somali Piracy Nearer to the Coast
-
OCEANUSLive
11/17/2012 5:05 AM EST
This week, the ships of NATO’s counter piracy task force have been busy visiting local and regional mariners. Using their rigid hull inflatable boats, boarding teams from HNLMS Rotterdam, HDMS Iver Huitfeldt and USS Halyburton liaised with the dhows and skiffs to exchange information.
In Somalia, Political Battle Over Newly Liberated Regions
-
VOA
11/17/2012 4:04 AM EST
NAIROBI—Somali and African Union troops have made steady progress ousting al-Shabab militants from strongholds in Gedo and Juba, but now a political battle for control of newly liberated regions is posing a challenge for the country's recently established central government.