Hiiraan Online
Saturday, May 18, 2013
Today from Hiiraan Online:
Home
Somali Music
Somali Map
Sports
Opinion
RSS
Facebook
Twitter
Google Plus
Wararka Maanta-
Sabti, Nov 17, 2012
Haween ka socday Degmooyinka Gobolka Banaadir oo Muqdisho loogu qabtay Dood-cilmiyeed ku saabsan Guurka
Sabti, November 17, 2012 (HOL) — Hay'adda Wadahadalka Bulshada ee CCD ayaa maanta dood-cilmiyeed looga hadlayay gabdhaha khasab lagu guursado Muqdisho ugu qabatay haween ka kala socday 16-ka degmo ee gobolka Banaadir. iyadoo lagu falanqeeyay doodda sidii looga hortagi lahaa in gabadha si khasab ah loogu guuriyo qof aysan raalli ka ahayn.
Xildhibaanad Caasho Maxamuud Cumar (Caasho Koos) oo furitaankii doodda hadal ka jeedisay ayaa tilmaamtay inay haboon tahay in gabdha laga doodto waalidkii dhalay marka la doonayo in la guursado, si guurkaas uu u noqdo xalaal, iyadoo wax laga xumaado ku tilmaamtay in dhaqanka wanaagsan laga leexdo, isla markaana si khasab ah lagu guursado haweenka.
"Waxaa nasiib daro ah gabar lagu soo tiir iyo tacab beelay xoog lagu guursado, tani waa qayb ka mid ah dhibka haweenka haysta. Waxaa dhacaysa in nin ajnabi ah si khasab ah loogu guuriyo, ruux aysan dhaqankiisa, afkiisa aqoon lama dhaqmi karto," ayay tiri xildhibaanad Caasho Koos.
Xildhibaannadu waxay sheegtay in loo baahan yahay in haweenka la wacyi-geliyo, gabdhahana loo caqli-celiyo, si aanay mustaqbalkeeda u qasaarin, si khasab ama jajuub ahna aan loogu guursan. Iyadoo intaas ku dartay in gabdhaha looga baahan yahay inay wax bartaan si garaadkooda u kobco.
Guddoomiyaha ururka haweenka gobolka Banaadir, Jawaahir Baarqab oo iyaduna ka hadashay doodda ayaa sheegtay in gabdhaha la khasbay ay la kulmaan dhibaato aad u xooggan, isla markaana noloshooda mugi la gelinayo, iyadoo ku tilmaamtay in guur aan xalaal ahayn uu yahay guurka khasabka ku dhisan.
"Gabdhaha sida khasabka ah lagu guursaday ee noloshooda mugdi la geliyay, waxaa u aragnaa mid lagu doonayo in lagu bedelo dhaqanka wanaagsan ee Soomaalidu ay lahaan jirtay," ayay tiri Jawaahir Baarqab.
Sidoo kale, waxaa doodda ka hadlay guddoomiyayaasha ururrada haweenka ee ka socday degmooyinka Dayniile, Shingaani iyo kuwa kale waxayna farta ku fiiqeen in gabadhaha xoogga lagu guursado ay ka dambeeyaan dad Soomaaliya u dhashay.
Madaxa Haweenka CCD, Sahro Maxamuud Amiin oo doodda ka hadasha ayaa iyana sheegtay in waalidiinta looga baahan yahay inay ka hortagaan kuwa gabdhahooda ku qalqaalinaya inay guursato qof aan Soomaali ahayn, waxayna xustay in waalidiin badan la qayaanay markii dad kale ay u yimaadeen gabadhana ka soo doonteen, kaddibna ajaanib loo guuriyay.
Ugu dambeyn, waxaa doodda la isku dhaafsaday fikrado iyo aragtiyo kala duwan; waxaana haweenkii ka qayb-galay ay soo jeediyeen inay isku xirnaadaan waalidka iyo gabadha si looga hortago in khasab lagu guursado.
Maxamed Xaaji Xuseen, Hiiraan Online
maxuseen@hiiraan.com
Muqdisho, Soomaaliya
Post your comments
WASIIRKA ARRIMAHA DIBADDA JABUUTI: "Soomaaliya waxay u baahan tahay lacag fara badan oo dib loogu dhiso"
11/17/2012 8:27 AM EST
Sabti, November 17, 2012 (HOL) — Wasiirka arrimaha dibadda ee dalka Jabuuti, Maxamuud Cali Yuusuf ayaa sheegay in Soomaaliya ay u baahan tahay balaayiin doollar si dib loogu dhiso, isagoo sheegay in lacagaha yaryar ee mar walba la sheego in loogu deeqay aysan waxba u tagayn Soomaaliya.
Qaramada Midoobay oo sheegtay in Soomaali ay ka mid tahay meelaha ugu daran caalamka ee ay xaaladaha bani'aadnimo ka jiraan
11/17/2012 7:23 AM EST
Sabti, November 17, 2012 (HOL) — Mark Bowden oo ah xiriiriyaha Qaramada Midoobay u qaabilsan gargaarka bani'aadamnimo ee Soomaaliya oo shir jaraa'id ku qabtay maanta magaalada Nairobi ayaa sheegay in 2.5 milyan qof oo Soomaali ah ay weli u baahan yihiin gargaar bani'aadamnimo.
Kulan Wadatashi ah oo dhex-maray Wasiirrada Xukuumadda Soomaaliya iyo Wasiirradii Xukuumaddii KMG ahayd
11/17/2012 6:58 AM EST
Sabti, November 17, 2012 (HOL) — Kulan wadatashi iyo isbarasho ah ayaa maanta dhexmaray wasiirradii hore ee xukuumaddii KMG ahayd iyo wasiirrada cusub iyadoo kulankan uu shir guddoominayay ra'iisul wasaaraha Soomaaliya, Cabdi Faarax Shir-doon.
Dagaal Siyaasadeed ka taagan ciddii Maamuli lahayd Gobollada Koonfurta Soomaaliya ee laga saaray Al-shabaab
11/17/2012 3:47 AM EST
Sabti, November 17, 2012 (HOL) — Ciidamada Soomaaliya iyo kuwa Midowga Afrika ee AMISOM ayaa Al-shabaab ka saaray deegaanno ay ku xoogganayd oo ku yaalla gobollada Jubbada Hoose iyo Gedo ee Koonfurta Soomaaliya, laakiin hadda waxaa ka taagan deegaannadaas dagaal siyaasadeed ku aaddan ciddii maamuli lahayd.
Ciidamada AMISOM oo Isbitaallo dadka lagu daweeyo ka furay deegaanno ka tirsan Gobolka Shabeellada Hoose
11/17/2012 2:47 AM EST
Sabti, November 17, 2012 (HOL) — Ciidamada Midowga Afrika ee AMISOM ayaa isbitaallo lagu daweeyo dadka xanuunsan ka furay deegaanno ku yaalla gobolka Shabeellada kuwaasoo ay ka qabsadeen xoogagga Al-shabaab oo muddo sannado ah ka talinayay.
Madaxweynihii hore ee Soomaaliya Shariif Sheekh iyo Qoyskiisa oo u Guuray dalka Uganda oo ay deggenaasho ka heleen
11/17/2012 2:33 AM EST
Sabti, November 17, 2012 (HOL) — Madaxweynihii hore ee Dowladdii KMG ahayd ee Soomaaliya, Shariif Sheekh Axmed iyo qoyskiisa ayaa shalay oo Jimco ka guuray magaalada Muqdisho, iyagoo kusii jeeda dalka Uganda, halkaasoo degenaasho ay ka heleen.
Dowladda Masar oo sheegtay in ay taageeri doonto Shacabka Falastiin
11/17/2012 1:35 AM EST
Sabti, November 17, 2012 (HOL) —Kadib booqasho uu ra’isul wasaaraha dalka Masar Hisham Qandal ku tagay magaalada Qasa ee dhulka Falastiin ayuu sheegay in dowladda Masar aysan indhaha ka daboolan doonin dhibaatada ka taagan halkaasi.
Somali News
Kenya offers to intensify diplomatic ties with Somalia
-
PANA
11/17/2012 5:05 PM EST
Nairobi, Kenya - Kenyan President Mwai Kibaki hailed the installation of Somalia's new cabinet Friday and announced plans to revive a government-to-government committee on bilateral cooperation. Kibaki assured the people of Somalia of Kenya’s commitment at bilateral level and in concert with other well wishers to continue playing its role towards the realization of a peaceful, secure and prosperous Somalia, according to a statement from the Presidential Press Service here.
Africa Rising Documentary: Failure of Western Policies Towards Africa
-
HOL
11/17/2012 10:56 AM EST
Africa Rising Documentary: Failure of Western Policies Towards Africa
Human Rights Due Diligence Policy and the UN support to security forces
-
UNPOS
11/17/2012 7:26 AM EST
Mogadishu – A three-day Round Table organized by UNPOS on how to streamline human rights due diligence policy to the support that the United Nations is offering to security entities was concluded in Somalia.
IFJ, NUSOJ Conducted Safety Training for Journalists in Mogadishu
-
IFJ
11/17/2012 7:03 AM EST
The National Union of Somali Journalists (NUSOJ) in cooperation with the International Federation of Journalists (IFJ) today concluded in Mogadishu a first -ever international safety training for Somali journalists in the country's capital city, Mogadishu.
UK Muslims Urged to Celebrate Christmas
-
TURKS.US
11/17/2012 5:36 AM EST
Britain’s first Muslim cabinet minister has called on the Muslim community and other religious minorities to celebrate Christmas to help promote integration in the society.
NATO Fights Somali Piracy Nearer to the Coast
-
OCEANUSLive
11/17/2012 5:05 AM EST
This week, the ships of NATO’s counter piracy task force have been busy visiting local and regional mariners. Using their rigid hull inflatable boats, boarding teams from HNLMS Rotterdam, HDMS Iver Huitfeldt and USS Halyburton liaised with the dhows and skiffs to exchange information.
In Somalia, Political Battle Over Newly Liberated Regions
-
VOA
11/17/2012 4:04 AM EST
NAIROBI—Somali and African Union troops have made steady progress ousting al-Shabab militants from strongholds in Gedo and Juba, but now a political battle for control of newly liberated regions is posing a challenge for the country's recently established central government.