4/18/2024
Today from Hiiraan Online:  _
Wararka Maanta- Sabti, Nov 17, 2012
Ciidamada AMISOM oo Isbitaallo dadka lagu daweeyo ka furay deegaanno ka tirsan Gobolka Shabeellada Hoose
Sabti, November 17, 2012 (HOL) — Ciidamada Midowga Afrika ee AMISOM ayaa isbitaallo lagu daweeyo dadka xanuunsan ka furay deegaanno ku yaalla gobolka Shabeellada kuwaasoo ay ka qabsadeen xoogagga Al-shabaab oo muddo sannado ah ka talinayay.

Guddoomiyaha gobolka Shabeellada hoose, C/qaadir Maxamed Siidii ayaa sheegay in ciidamada AMISOM ay isbitaalladii ugu dambeeyay ka fureendeegaannada Leego iyo Shalaanbood, kuwaasoo lagu daweeyo dad xanuunsan oo ka kala imaanaya dhowr deegaan oo ku yaalla gobolka Shabeellada Hoose.

"Isbitaalladan waxay qaabilaan maalin walba bukaanno kala duwan oo deegaanno ka tirsan gobolka Shabeellada hoose ka imaanaya, waxayna qayb ka yihiin isbitaallo horay looga hirgeliyay degmada Afgooye iyo deegaanka Lafoole," ayuu yiri Siidii oo intaas ku daray in hay'do maxalli ay ka billaabeen gobolkaas raashin qaybin.

Ciidamada dowladda Soomaaliya iyo kuwa AMISOM ayaa tan iyo horraantii sandkan kala wareegay Al-shabaab deegaanno fara badan oo ku yaalla gobolka Shabeellada hoose, kuwaasoo ay ku jirto degmada Marko oo ka mid ahayd saldhigyada waaweyn ee Al-shabaab ku lahayd Koonfurta Soomaaliya.

Ciidamada AMISOM ayaa horay uga furay Muqdisho isbitaallo lagu daweeyo dadka xanuunsan, inkastoo ay xireen markii Al-shabaab ay isaga baxday Muqdsho, iyagoo aan xilli u qaban isbitaallada ay hadda ka fureen gobolka Shabeellada Hoose.

Maxamed Xaaji Xuseen, Hiiraan Online
[email protected]
Muqdisho, Soomaaliya