Hiiraan Online
Wednesday, June 19, 2013
Today from Hiiraan Online:
Home
Cheap Calls
Somali Music
Somali Map
Sports
Opinion
RSS
Facebook
Twitter
Google Plus
Wararka Maanta-
Sabti, Nov 17, 2012
Dowladda Masar oo sheegtay in ay taageeri doonto Shacabka Falastiin
Sabti, November 17, 2012 (HOL) —Kadib booqasho uu ra’isul wasaaraha dalka Masar Hisham Qandal ku tagay magaalada Qasa ee dhulka Falastiin ayuu sheegay in dowladda Masar aysan indhaha ka daboolan doonin dhibaatada ka taagan halkaasi.
Ra’isul wasaaraha ayaa ugu baaqay dowladda Israa’iil inay joojiso duqeymaha ay ka wado halkaasi, isagoona xusay in waxa uu arkay ay tahay masiibo aan laga aamusi karin.
Masuulkani ayaa sidoo kale sheegay in dowladda Masar ay dadaal ku bixin doonto sidii loo hakin lahaa dagaallada iyo duqeymaha ba’an ee halkaasi ka jira.
Duqeymo ayaa lagu soo waramayaa in ay ku socdeen Qasa xilligii uu booqashada ku joogay ra’isul wasaaraha dalkaMasar, wallow dowladda Israa’iil ay ballan qaaday in ay xabad joojin sameyn doonto mudada uu boqashada ku joogo ra’isul wasaaraha Masar.
Dowladda Israa’iil ayaa dafirtay in ay fulisay weerarradii shalay lagu qaaday magaalada Qasa balse waxay sheegtay in 50 Gantaal ay uga soo dhaceen dhanka Qasa xilligii uu booqashada ku joogay ra’isul wasaaraha Masar.
Weerarrada sedexdii maalin ee ugu danbeeyay ay fulisay dowladda Israa’iil ayaa la sheegay in ay ku dhinteen in ka badan 28 qof oo reer Falastiin ah, kuwaasoo ay kamid ahaayeen dad rayid ah.
Gantaal maalintii khamiista laga tuuray dhanka Qasa ayaa la sheegay in sedex qof oo reer Israa’iil ah uu ku dilay magaalada Kiryat Malachi.
Ururka Xamaaz ayaa sidoo kale duqeymo ka geestay magaalada Tel-aviv ee dalka Israa’iil, waxaana dowladda Israa’iil ay daartay qalabka digniinta ka bixiya duqeymaha.
Booqashada ra’isul wasaaraha dalka Masar uu ku tagay magaalada Qasa ayaa kusoo beegmeysa xilli madaxweeynaha dalka Masar khudbad uu jimcadii Masaajid ku yaal magaalada Qaahira ka jeediyay uu ku sheegay in dowladiisu aysan daawan doonin dhibaatooyinka ka jira Marinka Qasa.
Dhinaca kale wasiirka arimaha dibadda Tunisia ayaa isna la filayaa in maanta uu booqasho ku tago Marinka Qasa.
Xasan Nuur, Hiiraan Online
hnur@hiiraan.com
Kismaayo, Soomaaliya
Post your comments
WASIIRKA ARRIMAHA DIBADDA JABUUTI: "Soomaaliya waxay u baahan tahay lacag fara badan oo dib loogu dhiso"
11/17/2012 8:27 AM EST
Sabti, November 17, 2012 (HOL) — Wasiirka arrimaha dibadda ee dalka Jabuuti, Maxamuud Cali Yuusuf ayaa sheegay in Soomaaliya ay u baahan tahay balaayiin doollar si dib loogu dhiso, isagoo sheegay in lacagaha yaryar ee mar walba la sheego in loogu deeqay aysan waxba u tagayn Soomaaliya.
Qaramada Midoobay oo sheegtay in Soomaali ay ka mid tahay meelaha ugu daran caalamka ee ay xaaladaha bani'aadnimo ka jiraan
11/17/2012 7:23 AM EST
Sabti, November 17, 2012 (HOL) — Mark Bowden oo ah xiriiriyaha Qaramada Midoobay u qaabilsan gargaarka bani'aadamnimo ee Soomaaliya oo shir jaraa'id ku qabtay maanta magaalada Nairobi ayaa sheegay in 2.5 milyan qof oo Soomaali ah ay weli u baahan yihiin gargaar bani'aadamnimo.
Kulan Wadatashi ah oo dhex-maray Wasiirrada Xukuumadda Soomaaliya iyo Wasiirradii Xukuumaddii KMG ahayd
11/17/2012 6:58 AM EST
Sabti, November 17, 2012 (HOL) — Kulan wadatashi iyo isbarasho ah ayaa maanta dhexmaray wasiirradii hore ee xukuumaddii KMG ahayd iyo wasiirrada cusub iyadoo kulankan uu shir guddoominayay ra'iisul wasaaraha Soomaaliya, Cabdi Faarax Shir-doon.
Haween ka socday Degmooyinka Gobolka Banaadir oo Muqdisho loogu qabtay Dood-cilmiyeed ku saabsan Guurka
11/17/2012 6:20 AM EST
Sabti, November 17, 2012 (HOL) — Hay'adda Wadahadalka Bulshada ee CCD ayaa maanta dood-cilmiyeed looga hadlayay gabdhaha khasab lagu guursado Muqdisho ugu qabatay haween ka kala socday 16-ka degmo ee gobolka Banaadir. iyadoo lagu falanqeeyay doodda sidii looga hortagi lahaa in gabadha si khasab ah loogu guuriyo qof aysan raalli ka ahayn.
Dagaal Siyaasadeed ka taagan ciddii Maamuli lahayd Gobollada Koonfurta Soomaaliya ee laga saaray Al-shabaab
11/17/2012 3:47 AM EST
Sabti, November 17, 2012 (HOL) — Ciidamada Soomaaliya iyo kuwa Midowga Afrika ee AMISOM ayaa Al-shabaab ka saaray deegaanno ay ku xoogganayd oo ku yaalla gobollada Jubbada Hoose iyo Gedo ee Koonfurta Soomaaliya, laakiin hadda waxaa ka taagan deegaannadaas dagaal siyaasadeed ku aaddan ciddii maamuli lahayd.
Ciidamada AMISOM oo Isbitaallo dadka lagu daweeyo ka furay deegaanno ka tirsan Gobolka Shabeellada Hoose
11/17/2012 2:47 AM EST
Sabti, November 17, 2012 (HOL) — Ciidamada Midowga Afrika ee AMISOM ayaa isbitaallo lagu daweeyo dadka xanuunsan ka furay deegaanno ku yaalla gobolka Shabeellada kuwaasoo ay ka qabsadeen xoogagga Al-shabaab oo muddo sannado ah ka talinayay.
Madaxweynihii hore ee Soomaaliya Shariif Sheekh iyo Qoyskiisa oo u Guuray dalka Uganda oo ay deggenaasho ka heleen
11/17/2012 2:33 AM EST
Sabti, November 17, 2012 (HOL) — Madaxweynihii hore ee Dowladdii KMG ahayd ee Soomaaliya, Shariif Sheekh Axmed iyo qoyskiisa ayaa shalay oo Jimco ka guuray magaalada Muqdisho, iyagoo kusii jeeda dalka Uganda, halkaasoo degenaasho ay ka heleen.
Somali News
Kenya offers to intensify diplomatic ties with Somalia
-
PANA
11/17/2012 5:05 PM EST
Nairobi, Kenya - Kenyan President Mwai Kibaki hailed the installation of Somalia's new cabinet Friday and announced plans to revive a government-to-government committee on bilateral cooperation. Kibaki assured the people of Somalia of Kenya’s commitment at bilateral level and in concert with other well wishers to continue playing its role towards the realization of a peaceful, secure and prosperous Somalia, according to a statement from the Presidential Press Service here.
Africa Rising Documentary: Failure of Western Policies Towards Africa
-
HOL
11/17/2012 10:56 AM EST
Africa Rising Documentary: Failure of Western Policies Towards Africa
Human Rights Due Diligence Policy and the UN support to security forces
-
UNPOS
11/17/2012 7:26 AM EST
Mogadishu – A three-day Round Table organized by UNPOS on how to streamline human rights due diligence policy to the support that the United Nations is offering to security entities was concluded in Somalia.
IFJ, NUSOJ Conducted Safety Training for Journalists in Mogadishu
-
IFJ
11/17/2012 7:03 AM EST
The National Union of Somali Journalists (NUSOJ) in cooperation with the International Federation of Journalists (IFJ) today concluded in Mogadishu a first -ever international safety training for Somali journalists in the country's capital city, Mogadishu.
UK Muslims Urged to Celebrate Christmas
-
TURKS.US
11/17/2012 5:36 AM EST
Britain’s first Muslim cabinet minister has called on the Muslim community and other religious minorities to celebrate Christmas to help promote integration in the society.
NATO Fights Somali Piracy Nearer to the Coast
-
OCEANUSLive
11/17/2012 5:05 AM EST
This week, the ships of NATO’s counter piracy task force have been busy visiting local and regional mariners. Using their rigid hull inflatable boats, boarding teams from HNLMS Rotterdam, HDMS Iver Huitfeldt and USS Halyburton liaised with the dhows and skiffs to exchange information.
In Somalia, Political Battle Over Newly Liberated Regions
-
VOA
11/17/2012 4:04 AM EST
NAIROBI—Somali and African Union troops have made steady progress ousting al-Shabab militants from strongholds in Gedo and Juba, but now a political battle for control of newly liberated regions is posing a challenge for the country's recently established central government.