4/23/2024
Today from Hiiraan Online:  _
Wararka Maanta- Jimco, Nov 16, 2012
Tababar ku saabsan badbaadada suxufiyiinta oo Magaalada Muqdisho lagu soo gebagebeeyay (DAAWO SAWIRRO)


Jimco, November 16, 2012(HOL): Magaalada Muqdisho ayaa waxaa lagu soo gunaanaday tababar la siinayo suxufiyiinta Soomaaliyeed, kaasi oo lagu barayay sidii ay isu badbaadin lahaayeen marka ay ku shaqeynayaan xaaladaha khatarta ah eek a jira dalka gudahiisa.

 

Tababarkan oo  uu soo abaabulay Ururka Qaranka Suxufiyiinta Soomaaliyeed ee NUSOJ ayaa waxaa gacan weyn ka geysanayay Ururka Suxufiyiinta Aduunka ee IFJ oo wafdi ka socda uu maalmihii la soo dhaafay ku sugnaa magaalada Muqdisho.

 

Suxufiyiinta tababarka loo fidinaayay ayaa isugu jira gabdho iyo wiilal ka howlgala saxaafadda madaxa banaan ee ka shaqeysa magaalada Muqdisho oo sanadkan noqotay halka loogu dilka badan yahay suxufiyiinta Soomaaliyeed. Casharrada tababarka waxaa bixinayay khabiir sare oo ku xeel dheer khataraha soo wajaha suxufiyiinta ka howlgala goobaha colaadaha sida dalalka Ciraaq, Afgaanistan iyo Mexico.

 

Xoghayaha Guud ee NUSOJ Cumar Faaruuq Cusmaan ayaa la hadlay wafdiga ka socda IFJ iyo suxufiyiinta ka faa’ideysaneysa tababarka, wuxuuna sheegay in ay tahay markii ugu horreysay ee tababar noocaan oo kale ah oo ka hadlaayo amniga suxufiyiinta lagu qabto magaalada Muqdisho.

 


“Si wax ku ool ah wax looga qabto dhibaatada lagu hayo suxufiyiinta waxaan qaadeynaa olole kor loogu qaadayo wacyiga suxufiyiinta si ay isu badbaadiyaan, loona yareeyo khataraha soo wajahayo suxufiyiinta” ayuu yiri Cumar Faaruuq oo intaas ku daray hadalkiisa in uu tababarkan yahay billowga dhowr tababar oo is-daba yaalla.

 

Tababarka ayaa waxaa maalgelinaysa Midowga Yurub oo si weyn uga walaacsan dhibaatada lagu hayo suxufiyiinta Soomaaliyeed ee sii kordheysa, gaar ahaan ammaanka suxufiyiinta ee sii xumaanaya.

 

Sarkaal sare oo ka socda ururka IFJ oo lagu Magacaabo Sadibou Marong ayaa sheegay in IFJ ay si buuxda u garab taagan tahay NUSOJ iyo suxufiyiinta Soomaaliyeed, ayna sii labuulaabi doonto taageerada ay siineyso suxufiyiinta si loo badbaadiyo suxufiyiinta.

 

“Tababarkan waxaan xoogga ku saarnay 15 saxafi, kuwaasi oo tababarkii ay qaateen u sii gudbin doona wariyayaasha kale, waxaana rajeyneynaa in markaasi kaddib ay yaraan doonto dhibaatadii saxafiyiinta ka soo gaari jirtay goobaha xasaradaha ka taagan yihiin ee ay amni darrada ka jirto”ayuu yiri Sadibou Marong.

 

IFJ ayaa noqonaysa ururkii ama hay’addii ugu horreysay ee u doodda xuquuqda suxufiyiinta caalamka ee gaarta magalaada Muqdisho tan iyo markii dhibaatada dilka leh ay soo food saartay suxufiyiinta Soomaaliyeed.



 

 

Salaad Iidow Xasan (Xiis), Hiiraan Online

[email protected]