12/20/2014
Today from Hiiraan Online:  _
Wararka Maanta- Jimco, Nov 16, 2012
Guddoomiyaha gobollka Hiiraan oo ay la Socdaan Saraakiil ka Tirsan AMISOM oo Gaaray Magaalada Baladweyne [SAWIRRO]


Jimco, November, 16, 2012 (HOL) --  Guddoomiyaha maamulka gobollka C/fitaax Xassan Afrax oo wehliyaan xubno ka tirsan ku-xigeenadiisa iyo saraakiisha ciidamada midowgga Africa AMISOM ee ka howlgala gobollka Hiiraan ayaa maanta gaaray magaalada Baladweyne.

 

Wafdiga oo ka soo duulay magaalada Muqdisho oo maalmihii ugu danbeeyay ay u joogeen howlo shaqo, ayaa waxaa garoonka diyaaradaha magaalada Baladweyne ku soo dhaweeyay mas’uuliyiinta maamulka gobollka, saraakiisha ciidamada Itoobiya iyo kuwa Jabuuti ee horay u sii joogay magaalada.

 

C/fitaax Xassan Afrax oo warbaahinta la hadllay ayaa sheegay maalmihii ugu danbeeyayba howlo shaqo ay ugu maqnaayeen magaalada Muqdisho oo ay fadhiyaan mas’uuliyiinta sare ee dowladda Soomaaliya, isaga oo sheegay maamulkiisa uu madaxda ka yahay wixii hadda ka danbeeya dardar galin doono inta ka harsan howlgalada ka dhan-ka ah Al-shabaab ee gobollka Hiiraan.

 

‘’Talaabada ugu horeysa oo aan qaadeyno waa in horay loo sii dhaqaajiyo howlgalka ka dhan-ka ah Al-shabaab ilaa gobollka oo dhan lagu soo celiyo gacanta maamulka dowladda Soomaaliya, waxaana maalmaha nagu soo foolka leh garoonka diyaaradaha Baladweyne ka dagi doona ciidamo ka tirsan midowgga Africa ee howlgalka AMISOM,’’ ayuu yiri,’’ guddoomiyaha gobolka Hiiraan.

 

Guddoomiyaha iyo wafdigii la socday ayaa  intaa kadib ku wareegay magaalada iyaga oo lugeynaya, taasoo ay ku tilmaameen astaan muujineysa nabad-galyada buuxda ee ka jirta waqtigan magaalada Baladweyne.

 

Mudadii ay socodka ku jireen mas’uuliyiinta maamulka iyo saraakiisha AMISOM waxaa soo dhaweynayay dadweynaha xaafaddaha ay socodka ku marayeen, inkastoo aysan meel fagaaro ah kala hadal dadka.

 

Magaalada Baladweyne waxaa waqtigan gacanta ku haya ciidamo ka tirsan dowladda Soomaaliya oo ay kaabayaan ciidamo ka tirsan AMISOM oo ka socda dowladda Jabuuti iyo kuwa Itoobiyaan ah.

 

C/raxmaan Diini, Hiiraan Online

diini@hiiraan.com

Baladweyne, Soomaaliya.





Post your comments

11/16/2012 12:55 PM EST
Jimco, November 16, 2012 (HOL) — Waxaa horraantii bishan aynu ku jirno ee Nov, 2012 si rasmi ah usoo gaba gaboobey hawlihii shidaal baarista ahaa ee ay shirkadda Africa Oil ka waddey ceelalka Shabeel-1 iyo Shabeel-2 ee dooxada Dharoor ee gobolka Bari.

11/16/2012 7:57 AM EST
Jimco, November 16, 2012(HOL): Magaalada Muqdisho ayaa waxaa lagu soo gunaanaday tababar la siinayo suxufiyiinta Soomaaliyeed, kaasi oo lagu barayay sidii ay isu badbaadin lahaayeen marka ay ku shaqeynayaan xaaladaha khatarta ah eek a jira dalka gudahiisa.

11/16/2012 3:29 AM EST
Jimco, November 16, 2012 (HOL) — Madaxweynaha Dowladda Soomaaliya, Xasan Sheekh Maxamuud ayaa iska fogeeyay waribxin ay daabacday wakaaladda wararka ee Reutes, taasoo lagu sheegay in madaxweynaha Soomaaliya uu ogolaaday in la dhoofiyo dhuxusha taalla Kismaayo.

11/16/2012 3:01 AM EST
Jimco, November 16, 2012 (HOL) — Taliyeyaasha saldhigyaada degmooyinka Xamar Jajab, Xamar-weyne, Waaberi iyo Wardhiigley ayaa loo xiray qaraxii dhawaan ka dhacay afaafka hore ee xarunta baarlamaanka Soomaaliya, kaasoo khasaare nafeed oo aad u yar dhaliyay.

11/16/2012 2:43 AM EST
Jimco, November 16, 2012 (HOL) — Xoghayaha guud ee Qaramada Midoobay, Ban Ki-Moon ayaa soo dhaweeyay dhaarinta inta badan xubnaha golaha wasiirrada dowladda Soomaaliya ee uu soo dhisay ra'iisul wasaare Cabdi Faarax Shir-doon (Saacid) isagoo ku tilmaamay dhaarinta wasiirrada tallaabo kale oo horay loo qaaday.

11/16/2012 2:29 AM EST
Jimco, November 16, 2012 (HOL) — Madaxweynaha Somaliland Md: Axmed Maxamed Maxamuud (Siilaanyo) iyo weftigii uu hogaaminayey oo labaddii cisho u dambeeyey hawlo shaqo ku joogay magaaladda Boorame ayaa booqday mashaariic kala duwan oo ka socda magaaladda Boorame iyo jaamacadda Camuud.

11/16/2012 2:28 AM EST
Jimco, November 16, 2012 (HOL) — Ugu yaraan afar qof oo beeraley ah ayaa ku dhintay sideed kalena dhaawacyo kala duwan ayaa soo gaaray kaddib dagaal ku dhexmaray deegaanka Warmaxan ee gobolka Shabeellada hoose kooxo beeraley ah oo ku muransan dhul beereed halkaas ku yaalla.