4/18/2024
Today from Hiiraan Online:  _
Wararka Maanta- Khamiis, Nov 15, 2012
Culumaa'uddiin Soomaaliyeed oo go'anno kasoo saaray kulan diimeed ay ku yeesheen Magaalada Muqdisho
Khamiis, November 15, 2012 (HOL) — Kulanka diimeedkan oo ay soo qabanqaabisay hay'adda Wadahadalka bulshada ayaa waxaa ka qayb-galay illaa 10 culumaa’udiinka Soomaaliyeed ka mid ah iyagoo kulanooda kasoo saaray qodobbo diiini ah, iyagoo shacabka Soomaaliyeed ugu baaqay inay Alle u laabtaan.

Dood kulul oo culummadan ka yeesheen su’aalaha inta badan bulshada dhexdeeda ka taagan ayaa waxaa ka mid ahaa haweenka oo laga dhaadhiciyo in ragga qaba ay yihiin kuwo diinta Islaamka ka baxay ama murtad ah, taasoo lagu baneysanayo nikaaxeeda, waxaana culummadu sheegeen in nikaaxa noocaas ahi uu yahay mid aan ku bannaaneyn shareecada Islaamkana.

Culimada ka hadlay kulanka waxaa ka mid ahaam, Sheekh Cumar Xeerow, Sheekh Xasan Sheekh Axmed Siyaar, Sheekh Shuuke, Sheekh Maxamed Jaamac, Sheekh Muuse Cagaweyne, waxaana culummadani ay si guud isugu waafaqeen dhammaan mas'alooyinkii ay ka hadleen.

Culummadu waxay sheegeen in dalka uu kasoo bogsanayo inta badan dagaalladii ka dhacay, iyagoo ku tilmaamay arrin aan diinta waafaqsanayn baaqa hoggaamiyaha Al-Qaacida ee ah in lagu jihaado dowladda Soomaaliya.



Sheekh C/qaadir Soomow oo gabagabadii kulan diimeedkan ka aqriyay go’aankii ay soo saareen ayaa sheegay in talooyin badan ay soo weydiiyeen haweenka Soomaaliyeed ee sida khasabka ah guursaday, iyadoo la leeyahay in ninkaada riddo yahay, isla markaana ilmihii ku dhasha aysan xalaal ahayn.

“Iyadoo dalka uu kasoo kabsanayo dhibaatooyinkii soo maray waxaa haddana uu ku dhawaaqay hoggaamiyaha Al-Qaacida in lagu jihaado dowladda Soomaaliya, isagoo daliishaday aayado fara badan, waxaana leennahay aayadahaas lama waafajin jidkii ay lahaayeen, culumaduna waxay u arkeen fatwadiisa mid aan diinta Islaamka raad ku lahayn,” ayuu yiri Sheekh Soomow.

Isagoo hadalkiisa sii wata ayaa wuxuu yiri culummadu waxay isku raaceen inaanu guurka khasabka ahayn mid xalaal ah; caruurtii ku dhalatana ay yihiin kuwo aan ku dhalan diinta Islaamka.

Ugu dambeyn; waxay dowaldda Soomaaliya u soo jeediyeen in lagala tashato, ayna soo dedejiso iftaha si ummadda aysan ugu dhicin walaac iyo faham-darro dhinaca diinta Islaamka ah.



Maxamed Xaaji Xuseen, Hiiraan Online
[email protected]
Muqdisho, Soomaaliya