Hiiraan Online
Wednesday, June 19, 2013
Today from Hiiraan Online:
Home
Cheap Calls
Somali Music
Somali Map
Sports
Opinion
RSS
Facebook
Twitter
Google Plus
Wararka Maanta-
Khamiis, Nov 15, 2012
Madaxweynaha oo sheegay in lala Xisaabtamayo Hay'adaha Maaliyadda ee Dowladda si looga hortago Musuqmaasuqa
Khamiis, November 15, 2012 (HOL) — Madaxweynaha Soomaaliya, Xasan Sheekh Maxamuud ayaa ku sheegay khudbad uu jeediyay xalay in dowladdu ay si cad ula xisaabtami doonto hay'adaha kala duwan ee maaliyadda, isagoo sheegay in tani ay hordhac inaan lagu takri-falin hantida dowladda soo gasha.
Xasan Sheekh wuxuu sheegay in dowladdiisu ay xoogga saari doonto dhismaha hay'adaha kala duwan ee dowladda iyo la xisaatankooda, isagoo sheegay inay ka shaqeynayaan inay beeniyaan in Soomaaliya uu ka jiro musuqmaasuq baahsan.
"Dowladdu waxay xoogga saari doonnaa dhismaha hay'daaha maaliyadda, kuwaasoo ay ka mid yihiin: wasaaradda maaliyadda, bankiga dhexe, xisaabaadka guud iyo hanti-dhowraha guud," ayuu yiri yiri Xasan Sheekh oo sheegay inay la xisaabtami doonaan dhammaan haya'dahan si ay Soomaaliya uga harto magacyada xunxun ee lagu dhajiyay la xisaabtan ma lahan, shafaafiyad ma lahan iyo musuqmaasuqu wuxuu gaaray meel sare.
Madaxweynuhu wuxuu sheegay in hay'adahan ay ka rajeynayaan inay shaqooyinka loo igmaday kasoo baxaan; isagoo intaas ku daray in shacabka Soomaaliyeed aysan istaahilin in loogu yeero magacyo xun-xun.
"Shakhsiyaad yar oo naga tirsan oo iyagu ku takri-falay awooddii dowladnimada ee la siiyay ama ammaanadii daycay inay magac xumo dalkan u soo jiidaan suurogal ma ahan, waxaana u istaagaynaa inaan hor-istaagno in wax yar ee aan haysanno lagu takri-falo," ayuu yiri madaxweyne Xasan Sheekh.
Dhanka kale; madaxweynuhu wuxuu ka hadlay dhulka dowladda ee la dhistay isagoo sheegay in dhulka dowladda uu yahay dhul dowladeed markii ay dowladdu u baahantana ay ka saarayso dadka ku dhaqmayay muddada dheer.
"Dhul kasta oo dhul dowladeed ahaa 26-kii Jannaayo 1991-kii weli waa dhul ay leedahay dowladda Soomaaliya; waxaan uga digaynaa shacabka dhistay inay u qaataan inay iyagu leeyihiin, qofkii ku dhaqmay waxaan u sheegaynaa inuusan is-lahaysiin," ayuu yiri Xasan Sheekh.
Madaxweynaha Soomaaliya ayaa tan iyo xalay jeedinayay khudbadyo kala duwan oo ku saabsan waxqabadka dowladda horyaalla, waxaana hadalladiisan ay kusoo beegmayaa xilli la ansixiyay xukuumadda Soomaaliya lana dhaariyay maanta oo Khamiis ah.
Maxamed Xaaji Xuseen, Hiiraan Online
maxuseen@hiiraan.com
Muqdisho, Soomaaliya
Post your comments
Culumaa'uddiin Soomaaliyeed oo go'anno kasoo saaray kulan diimeed ay ku yeesheen Magaalada Muqdisho
11/15/2012 9:08 AM EST
Khamiis, November 15, 2012 (HOL) — Kulanka diimeedkan oo ay soo qabanqaabisay hay'adda Wadahadalka bulshada ayaa waxaa ka qayb-galay illaa 10 culumaa’udiinka Soomaaliyeed ka mid ah iyagoo kulanooda kasoo saaray qodobbo diiini ah, iyagoo shacabka Soomaaliyeed ugu baaqay inay Alle u laabtaan.
Ururrada Bulshada Rayidka Soomaaliya oo Taageeray Xukuumadda Cusub ee Soomaaliya talooyinna u jeediyay
11/15/2012 8:48 AM EST
Khamiis, November 15, 2012 (HOL) — Kulan ay ururrada bulshada rayidka ah ee Soomaaliyeed ku taageerayaan xukuumadda Soomaaliya ayaa Muqdisho lagu qabtay, iyadoo kulankan ay soo qabanqaabiyeen haya'dda horumarinta haweenka ee IIDA iyo hay'adda Somali Women Agenda SWA.
Golaha Wasiirrada Xukuumadda Somalia oo Intooda badan lagu hordhaariyay Xildhibaannada Baarlamaanka Soomaaliya
11/15/2012 6:29 AM EST
Khamiis, November 15, 2012 (HOL) — Sagaal wasiir oo ka mid ah golaha wasiirrada xukuumadda Soomaaliya ee dhawaan uu baarlamaanku ansixiyay ayaa maanta lagu dhaariyay xarunta golaha shacabka ee Muqdisho, waxaana dhaarka ka maqnayd wasiiradda arrimaha dibadda ahna ra'iisul wasaare ku xigeenka, Fowziyo Yuusuf Xaaji Aadan oo safar dibadeed ku maqan.
Mas'uuliyiinta Maamulka Gobolka Hiiraan oo baaq u diray Xukuumada Somalia ee dhawaan uu Baarlamaanku Ansixiyay
11/15/2012 6:27 AM EST
Khamiis, November 15, 2012 (HOL) — Mas’uuliyiinta maamulka gobolka Hiiraan ayaa soo dhaweeyay talaabadii uu dhawaan baarlamaanka Soomaaliya ku ansixiyay xukuumada cusub ee Soomaaliya, kadib shir jaraa’id oo ay ku qabteen magaalada Baladweyne.
Guddoomiyihii hore ee Gobolka Banaadir Maxamed Dheere oo Muqdisho ku Geeriyooday
11/15/2012 5:43 AM EST
Khamiis, November 15, 2012 (HOL) — Guddoomiyihii gobolka Banaadir iyo duqii Muqdisho, Maxamed Cumar Xabeeb (Maxamed Dheere) ayaa maanta xanuun awgiis ugu geeriyooday Muqdisho xilli la doonayay in arrimo caafimaad dalka dibaddiisa loogu qaado.
Guddigii Farsamo ee gaaray Degmada Kismaayo oo kulamo la leh odoyaasha beelaha dega Gobollada Jubbooyinka
11/15/2012 3:10 AM EST
Khamiis, November 15, 2012 (HOL) —Guddigii farsamo ee ka socday shirka maamul u sameynta Jubooyinka ayaa gudaha magaalada Kismaayo kulamo gooni-gooni ah kula leh odoyaasha dhaqan beelaha dega Jubooyinka.
Xarakada Al-shabaab oo uga digtay shacabka ku nool Shabeellada Hoose inay raacaan Gaadiidka Muraayadaha Madow
11/15/2012 3:03 AM EST
Khamiis, November 15, 2012 (HOL) — Xarakada Al-shabaab oo dagaal kula jirta dowaldda Soomaaliya ayaa uga digtay shacabka inay raacaan gaadiidka muraayadaha madow, gaar ahaan kuwa mara deegaannada ay gobolka Shabeellada hoose ee ay ka taliso dowaldda Soomaaliya.
Dowladda Uganda oo sheegtay inay ka laabatay go'aan ay ciidamadeeda uga saari lahayd dalal ay ku jirto Soomaaliya
11/15/2012 2:50 AM EST
Khamiis, November 15, 2012 (HOL) — Xukuumadda Uganda ayaa sheegtay inay ka laabatay go'aankii ay ciidamadeeda uga saaraysay Soomaaliya iyo dalal kale oo ku yaalla Afrika, taasoo ka dhalatay caro ay Uganda ka qaaday warbixin ay guddi ka tirsan Qaramada Midoobay ku sheegeen in dalalka Uganad iyo Ruwanda ay taageero siiyaan jabahadda M23 ee ka dagaalanta bariga dalka Jamhuuriyadda Congo.
Madaxweynaha Somalia oo sheegay in Dowladdu ay Mas'uul ka tahay Maamul u sameynta Gobollada Jubbooyinka
11/15/2012 2:24 AM EST
Khamiis, November 15, 2012 (HOL) — Madaxweynaha Soomaaliya, Xasan Sheekh Maxamuud oo shir jaraa'id ku qabtay xarunta madaxtooyada Soomaaliya shalay oo Arbaco ahayd ayaa kaga hadlay arrimo badan oo ay ka mid yihiin maamul u sameynta gobollada dalka, wax ka qabashada ammaanka iyo dhoofinta dhuxusha taalla Kismaayo.
Somali News
Mohamud gets 25 to life for brutal killing of stepson
-
Buffalo News
11/15/2012 3:19 PM EST
Even with his murderous stepfather sentenced to 25 years to life in prison, there was no explanation Thursday for the brutal death of 10-year-old Abdifatah Mohamud.
Somalia’s new government
-
Economist
11/15/2012 3:18 PM EST
A SOOTY new shadow has been cast over Somalia’s port city of Kismayo since the militias of the violent Islamist movement, the Shabab, were chased out two months ago. Piled up all over the quay and at the entrances to the city, which is the economic hub of southern Somalia, are dark towers of sacks that locals are calling “skyscrapers of charcoal”.
Central Ohio Somali Community Warned About Man On FBI’s ‘Most Wanted’ List
-
TV10
11/15/2012 9:00 AM EST
COLUMBUS, Ohio - The FBI has added a new name to its list of Most Wanted Terrorists. They are also warning the local Somali community to be on alert.
Somali president in u-turn over U.N. charcoal ban
-
Reuters
11/15/2012 8:51 AM EST
MOGADISHU (Reuters) - Somalia's president has reversed course on what to do about millions of sacks of charcoal stockpiled in former rebel strongholds and now says they can be exported despite a U.N. embargo on the trade.
Meeting the mayor of Mogadishu: Somalia's Tarzan
-
BBC
11/15/2012 3:24 AM EST
In a cluttered office in the centre of Mogadishu, a dozen men in suits squeeze round a table to haggle politely over the price of business licenses. An elderly air conditioner wheezes quietly in the background.
Gaza: Hamas' Jaabari Killed In Israeli Attacks
-
Sky News
11/15/2012 3:11 AM EST
Israel has killed the commander of Hamas' military wing, as it launched a series of airstrikes on targets across Gaza.
Dispute widens over charcoal exports from Kismayo
-
Sabahi
11/15/2012 3:05 AM EST
Enforcing the ban on charcoal exports from the Somali port of Kismayo continues to be a source of dispute between regional authorities and federal officials who disagree over how to manage the surplus left in the city after al-Shabaab was ousted.
Benefits cheat is jailed over 'asylum' ploy
-
This is Bristol
11/15/2012 3:04 AM EST
A BRITISH citizen who posed as a struggling asylum seeker so he could claim more than £10,000 in crisis loans has been jailed.
Kenya: Pirates Are Getting 'More Sophisticated'
-
The Star
11/15/2012 2:53 AM EST
Though piracy has significantly reduced off the Somali coast, pirates have become more organised and sophisticated, Indian Navy officers l have said.
Complaint Details Alleged Hate Crime At Cub Foods
-
ABC news
11/15/2012 2:52 AM EST
(ABC 6 News) -- On Wednesday night, we learned more about a case from August when a Somali woman was allegedly chased into a store by a man yelling racial slurs. It allegedly started in the parking lot of Cub Foods in southeast Rochester.
Armed guards on commercial ships a risky business - expert
-
Defence Web
11/15/2012 2:50 AM EST
Despite their widespread use, there are significant risks for shipping operators and owners who embark armed Maritime Security companies for anti-piracy tasks, according to maritime security consultant Jason Marriott-Watson.