Hiiraan Online
Tuesday, May 21, 2013
Today from Hiiraan Online:
Home
Somali Music
Somali Map
Sports
Opinion
RSS
Facebook
Twitter
Google Plus
Wararka Maanta-
Isniin, Nov 15, 2012
Dowladda Uganda oo sheegtay inay ka laabatay go'aan ay ciidamadeeda uga saari lahayd dalal ay ku jirto Soomaaliya
Khamiis, November 15, 2012 (HOL) — Xukuumadda Uganda ayaa sheegtay inay ka laabatay go'aankii ay ciidamadeeda uga saaraysay Soomaaliya iyo dalal kale oo ku yaalla Afrika, taasoo ka dhalatay caro ay Uganda ka qaaday warbixin ay guddi ka tirsan Qaramada Midoobay ku sheegeen in dalalka Uganad iyo Ruwanda ay taageero siiyaan jabahadda M23 ee ka dagaalanta bariga dalka Jamhuuriyadda Congo.
Ra'iisul wasaaraha dalka Uganda, Amama Mbabazi ayaa baarlamaanka dalka Uganda u sheegay in la xalliyay khilaafkii sababay inay Uganda ku dhawaaqdo inay kala soo baxayso ciidamadeeda dalalka gobolka oo ay Soomaaliya ku jirto.
"Sababtii aan u go'aansannahay inaan ciidamadeenna uga soo saarno dalal ay ka mid tahay Soomaaliya waxay ahay si aan uga hortagno weerarro kaga yimaada dalka Uganda iyo koox argagaxiso ah oo ay Qaramada Midoobay taageerto," ayuu yiri ra'iisul waasaraha Uganda.
Arrintan ku saabsan in Qaramada Midoobay ay taageerto argagaxiso ayaa muran badan dhalisay, iyadoo lagu sheegay eedeynta Qaramada Midoobay inay tahay mid meel ka dhac ku ah sharciyada caalamiga ah ee ay ku dhisan tahay Qaramada Midoobay.
Dalka Uganda ayaa waxay hoggaaminaysa howgalka Midowga Afrika ee AMISOM ee ka socda Soomaaliya, iyadoo ay kaga sugan yihiin kumannaan askari oo isugu jira booliis iyo milateriga, waxaana go'aankooda uu walaac weyn geliyay dowladda Soomaaliya.
Inkastoo dowladda Uganda ay ka laabtay go'aankii ay ciidamadeeda uga saaraysay Soomaaliya iyo dalal kale oo Afrikaan ah ayay haddana guddiga baarista ee UN-ku ay ku adkeysanayaan go'aankoodii ahaa in Uganda ay taageerto jahadda M23 ee ka dagaalanta dalka ay dariska yihiin ee Congo.
Maxamed Xaaji Xuseen, Hiiraan Online
maxuseen@hiiraan.com
Muqdisho, Soomaaliya
Post your comments
Culumaa'uddiin Soomaaliyeed oo go'anno kasoo saaray kulan diimeed ay ku yeesheen Magaalada Muqdisho
11/15/2012 9:08 AM EST
Khamiis, November 15, 2012 (HOL) — Kulanka diimeedkan oo ay soo qabanqaabisay hay'adda Wadahadalka bulshada ayaa waxaa ka qayb-galay illaa 10 culumaa’udiinka Soomaaliyeed ka mid ah iyagoo kulanooda kasoo saaray qodobbo diiini ah, iyagoo shacabka Soomaaliyeed ugu baaqay inay Alle u laabtaan.
Madaxweynaha oo sheegay in lala Xisaabtamayo Hay'adaha Maaliyadda ee Dowladda si looga hortago Musuqmaasuqa
11/15/2012 8:48 AM EST
Khamiis, November 15, 2012 (HOL) — Madaxweynaha Soomaaliya, Xasan Sheekh Maxamuud ayaa ku sheegay khudbad uu jeediyay xalay in dowladdu ay si cad ula xisaabtami doonto hay'adaha kala duwan ee maaliyadda, isagoo sheegay in tani ay hordhac inaan lagu takri-falin hantida dowladda soo gasha.
Ururrada Bulshada Rayidka Soomaaliya oo Taageeray Xukuumadda Cusub ee Soomaaliya talooyinna u jeediyay
11/15/2012 8:48 AM EST
Khamiis, November 15, 2012 (HOL) — Kulan ay ururrada bulshada rayidka ah ee Soomaaliyeed ku taageerayaan xukuumadda Soomaaliya ayaa Muqdisho lagu qabtay, iyadoo kulankan ay soo qabanqaabiyeen haya'dda horumarinta haweenka ee IIDA iyo hay'adda Somali Women Agenda SWA.
Golaha Wasiirrada Xukuumadda Somalia oo Intooda badan lagu hordhaariyay Xildhibaannada Baarlamaanka Soomaaliya
11/15/2012 6:29 AM EST
Khamiis, November 15, 2012 (HOL) — Sagaal wasiir oo ka mid ah golaha wasiirrada xukuumadda Soomaaliya ee dhawaan uu baarlamaanku ansixiyay ayaa maanta lagu dhaariyay xarunta golaha shacabka ee Muqdisho, waxaana dhaarka ka maqnayd wasiiradda arrimaha dibadda ahna ra'iisul wasaare ku xigeenka, Fowziyo Yuusuf Xaaji Aadan oo safar dibadeed ku maqan.
Mas'uuliyiinta Maamulka Gobolka Hiiraan oo baaq u diray Xukuumada Somalia ee dhawaan uu Baarlamaanku Ansixiyay
11/15/2012 6:27 AM EST
Khamiis, November 15, 2012 (HOL) — Mas’uuliyiinta maamulka gobolka Hiiraan ayaa soo dhaweeyay talaabadii uu dhawaan baarlamaanka Soomaaliya ku ansixiyay xukuumada cusub ee Soomaaliya, kadib shir jaraa’id oo ay ku qabteen magaalada Baladweyne.
Guddoomiyihii hore ee Gobolka Banaadir Maxamed Dheere oo Muqdisho ku Geeriyooday
11/15/2012 5:43 AM EST
Khamiis, November 15, 2012 (HOL) — Guddoomiyihii gobolka Banaadir iyo duqii Muqdisho, Maxamed Cumar Xabeeb (Maxamed Dheere) ayaa maanta xanuun awgiis ugu geeriyooday Muqdisho xilli la doonayay in arrimo caafimaad dalka dibaddiisa loogu qaado.
Guddigii Farsamo ee gaaray Degmada Kismaayo oo kulamo la leh odoyaasha beelaha dega Gobollada Jubbooyinka
11/15/2012 3:10 AM EST
Khamiis, November 15, 2012 (HOL) —Guddigii farsamo ee ka socday shirka maamul u sameynta Jubooyinka ayaa gudaha magaalada Kismaayo kulamo gooni-gooni ah kula leh odoyaasha dhaqan beelaha dega Jubooyinka.
Xarakada Al-shabaab oo uga digtay shacabka ku nool Shabeellada Hoose inay raacaan Gaadiidka Muraayadaha Madow
11/15/2012 3:03 AM EST
Khamiis, November 15, 2012 (HOL) — Xarakada Al-shabaab oo dagaal kula jirta dowaldda Soomaaliya ayaa uga digtay shacabka inay raacaan gaadiidka muraayadaha madow, gaar ahaan kuwa mara deegaannada ay gobolka Shabeellada hoose ee ay ka taliso dowaldda Soomaaliya.
Madaxweynaha Somalia oo sheegay in Dowladdu ay Mas'uul ka tahay Maamul u sameynta Gobollada Jubbooyinka
11/15/2012 2:24 AM EST
Khamiis, November 15, 2012 (HOL) — Madaxweynaha Soomaaliya, Xasan Sheekh Maxamuud oo shir jaraa'id ku qabtay xarunta madaxtooyada Soomaaliya shalay oo Arbaco ahayd ayaa kaga hadlay arrimo badan oo ay ka mid yihiin maamul u sameynta gobollada dalka, wax ka qabashada ammaanka iyo dhoofinta dhuxusha taalla Kismaayo.
Somali News
Mohamud gets 25 to life for brutal killing of stepson
-
Buffalo News
11/15/2012 3:19 PM EST
Even with his murderous stepfather sentenced to 25 years to life in prison, there was no explanation Thursday for the brutal death of 10-year-old Abdifatah Mohamud.
Somalia’s new government
-
Economist
11/15/2012 3:18 PM EST
A SOOTY new shadow has been cast over Somalia’s port city of Kismayo since the militias of the violent Islamist movement, the Shabab, were chased out two months ago. Piled up all over the quay and at the entrances to the city, which is the economic hub of southern Somalia, are dark towers of sacks that locals are calling “skyscrapers of charcoal”.
Central Ohio Somali Community Warned About Man On FBI’s ‘Most Wanted’ List
-
TV10
11/15/2012 9:00 AM EST
COLUMBUS, Ohio - The FBI has added a new name to its list of Most Wanted Terrorists. They are also warning the local Somali community to be on alert.
Somali president in u-turn over U.N. charcoal ban
-
Reuters
11/15/2012 8:51 AM EST
MOGADISHU (Reuters) - Somalia's president has reversed course on what to do about millions of sacks of charcoal stockpiled in former rebel strongholds and now says they can be exported despite a U.N. embargo on the trade.
Meeting the mayor of Mogadishu: Somalia's Tarzan
-
BBC
11/15/2012 3:24 AM EST
In a cluttered office in the centre of Mogadishu, a dozen men in suits squeeze round a table to haggle politely over the price of business licenses. An elderly air conditioner wheezes quietly in the background.
Gaza: Hamas' Jaabari Killed In Israeli Attacks
-
Sky News
11/15/2012 3:11 AM EST
Israel has killed the commander of Hamas' military wing, as it launched a series of airstrikes on targets across Gaza.
Dispute widens over charcoal exports from Kismayo
-
Sabahi
11/15/2012 3:05 AM EST
Enforcing the ban on charcoal exports from the Somali port of Kismayo continues to be a source of dispute between regional authorities and federal officials who disagree over how to manage the surplus left in the city after al-Shabaab was ousted.
Benefits cheat is jailed over 'asylum' ploy
-
This is Bristol
11/15/2012 3:04 AM EST
A BRITISH citizen who posed as a struggling asylum seeker so he could claim more than £10,000 in crisis loans has been jailed.
Kenya: Pirates Are Getting 'More Sophisticated'
-
The Star
11/15/2012 2:53 AM EST
Though piracy has significantly reduced off the Somali coast, pirates have become more organised and sophisticated, Indian Navy officers l have said.
Complaint Details Alleged Hate Crime At Cub Foods
-
ABC news
11/15/2012 2:52 AM EST
(ABC 6 News) -- On Wednesday night, we learned more about a case from August when a Somali woman was allegedly chased into a store by a man yelling racial slurs. It allegedly started in the parking lot of Cub Foods in southeast Rochester.
Armed guards on commercial ships a risky business - expert
-
Defence Web
11/15/2012 2:50 AM EST
Despite their widespread use, there are significant risks for shipping operators and owners who embark armed Maritime Security companies for anti-piracy tasks, according to maritime security consultant Jason Marriott-Watson.