5/19/2024
Today from Hiiraan Online:  _
Wararka Maanta- Isniin, Mar 5 , 2012
Jaamacadda SIMAD oo Muqdisho ka furtay Xarunta Taqasusi Sare ah (SAWIRRO)

SIMAD 1.jpg

Isniin, Maarso 05, 2012 (HOL) — Jaamacada Simad ayaa magaalada Muqdisho ka furtay maanta oo Isniin ah xarunta taqasuska sare ee (Center For Post-Graduate), taasoo hoos iyadoo waxbarashada xaruntan la kaashanaysa jaamacadda Open University ee dalka Malaysia.

Furitaanka xaruntan ayaa waxaa goobjoog ka ahaa mas'uuliyiin kala duwan oo ka socday jaamacadaha Muqdisho, arday horay uga baxay SIMAD iyo xildhibaan, Cabdi Abshir Dhoorre oo ka mid ah xubnaha baarlamaanka Soomaaliya.

Ugu horreyn waxaa xafladda ka hadlay guddoomiyaha xaruntaan cusub ee taqasusiga sare ee jaamacadda Simad, Inj. Maxamuud Maxamed Calasow isagoo sheegay in xaruntan loogu talagalay inay ka faa’iideystaan dadka u baahan waxbarashada sare.

Sidoo kale wuxuu sheegay in waxbarashada xaruntan ay la kaashan doonaan Open University oo ku taalla dalka Malaysia, iyadoo ay u furan tahay cid walba oo kasoo qalin-jabisa jaamacadaha dalka jinsi kasta oo uu yahay.

SIMAD 2.jpg

Xildhibaan, Abshir Cabdi Dhoore oo xiriirka caalamiga ah u qaabilsan jaamacadda Soomaaliya ee xarunteedu tahay Muqdisho ayaa isaguna hadal uu ka jeediyay xafladda ku sheegay in jaamacadda SIMAD ay soo martay marxalado kala duwan, isagoo xusay in haddii arrintan ay ku guuleystaan ay bulshada Soomaaliyeed u horseedi doonaan horumar.

Guddoomiyaha jaamacadda SIMAD, C/raxmaan Maxamed Xuseen (Odowaa) oo isna gabgabadii xafladda hadlay ayaa sheegay inay si toos ah u furan tahay xarunta taqasuusiga sare ee jaamacadda SIMAD uuna ka faa'iideysan karo qof walba oo Soomaaliya.

Odawaa wuxuu sheegay inay yeesheen jaamacadaha SIMAD iyo Banaadir ayna iska kaashan doonaan wixii hadda ka dambeeya waxbarashada dadka Soomaaliyeed, isagoo xusay in qof walba oo waxbarasho doon ah ay soo dhaweynayaan.

Jaamacada SIMAD oo horay u ahaan jirtay Machad ayaa waxay ka mid tahay jaamaacadaha ka hirgalay Soomaaliya wixii ka dambeeyay burburka, waxaana wax ka barta arday badan oo Soomaaliyeed.

SIMAD 3.jpg
SIMAD 4.jpg
SIMAD 5.jpg
SIMAD 6.jpg
SIMAD 7.jpg

Maxamed Xaaji Xuseen, Hiiraan Online
[email protected]
Muqdisho, Soomaaliya