
Arbaco, March 28, 2012 (HOL) - Aqoon weydaarsigan oo ay soo qabanqaabisay hay’ada arimaha dhalinyarada ka shaqeysa ee SYAO ayaa waxaa looga doodayey habka ugu wanaagsan ee ay u wada shaqeyn karaan laamaha ammaanka Booliska iyo dhalinyarada degmooyinka G/Banaadir.
Aqoon is weydaarsigan oo ka dhacay xarunta Akademiyada Kaahiye ee Iskuul Boolisyo ayaa waxaa ka qeybgalay ku dhawaad 300 dhalinyaro , taliyayaasha Booliska saldhigyada G/Banaadir , taliyaha Booliska , ururarada bulshada iyo wakiilo ka socday wasaaradaha arimaha gudaha iyo dhalinyarada.
Taliyaha Booliska Soomaaliyeed Shiikhuna Maye oo aqoon siweydaarsiga furay ayaa u mahad celiyey SYAO sida ay uga go’antahay iney dhalinyarada ku wacyi galiyaan arrimaha ammaanka , waxaa uu sheegay in hadii la helo iska warqab dhalinyarada iyo booliska laga adkaan karo kooxaha falalka ammaan darada geysta.
Taliyaha ayaa ku nuuxnuuxsaday in aqoon is weeydaarsigan uu
yahay mid muhiim u ah ammaanka caasimada.

Col Yusuf Taliyaha hogaanka booliska bulshada (community policing) Col. Yusuf iyo xogheynta guud ee ciidamada booliska Col:Madaale oo labaduba ka hadlay aqoon si weydaarsiga ayaa sheegay in kulmada noocaan ah ay ka qeybgalayaan dhalinyarada wax weyn ka badali karaan ammaanka .
Col:Bariise taliyaha ciidamada CID-da oo khudbad jeediyey
ayaa sheegay in dhalinyarada hadii ay isku xirmaan laga adkaan karo kooxaha falalka ammaan darrada ah fuliya.
Aqoon is weydaarsiga ayaa waxaa laga bixiyey casharro ku saabsan qaabka ugu haboon ee wada shaqeynta labada dhinac , iyadoo gudoomiyayaasha dhalinyarada degmooyinkana ay qalinka ku duugeen iney adkeyn doonaan xiriirka ay la leeyihiin dhamaan saldhigyada.
Ugu dambeyn gudoomiyaha SYAO oo ah hay’ada soo qabanqaabisay aqoon is weeydaarsigan ayaa u mahad celiyey taliska booliska iyo dhamaan taliyayaasha iyo dhalinayrada isagoo balanqaaday iney badin doonaan kulamadan oo kale si ammaanka caasimada loo xaqiijiyo oo dhalinyaradana ay wadashaqayn toos ah la yeeshaan talisyada .






Hiiraan Online, News Desk
Muqdisho , Soomaaliya