Dagaal khasaare dhaliyay oo deegaanka Gaashaamo ee dalka Itoobiya ku dhexmaray Ciidammo Beeleed iyo Ciidamadda Kililka

Axad, Maarso 18, 2012 (HOL) — Axad, Maarso 18, 2012 (HOL)- khasaaro badan ayaa ka dhashay dagaal ka dhacay deegaanka Gaashaamo hoos yimaadda ee Itoobiya, halkaas oo ay iskaga horyimaadeen ciidamada amniga ee maamul goboleedka Soomaaliyeed ee Itoobiya iyo Ciidamo beeleed ka soo jeedda degmadda Gaashaamo.

Dagaalkan ayaa shalay dhacay tuulooyinka Cadaadda iyo Raqda oo hoos yimaadda degmadda Gaashaamo ee Kililka shanaad ee Itoobiya, kuwaas oo sababay dhimasho iyo dhaawac aad u badan.

Inkastoo ay adag tahay in la ogaado khasaaraha dhabta ah ee halkaasi ka dhacay, haseyeeshee, waxay wararku sheegayaan in dadka deegaanka ay ka dhinteen ilaa todobo qof, halka dhaawacanu uu intaas ka badan yahay.

Cisbitaalka guud ee magaaladda Hargeysa ayaa la keenay dad ku dhaawacmay dagaalkaasi, kuwaas oo iskugu jira qaar dhaawacooddu fudud yahay iyo kuwa uu dhaawacoodu halis yahay.

Cuqaal iyo madax dhaqameed ka soo jeedda deegaanadan uu dagaalku ka dhacay ayaa cambaareeyey dagaalkaasi, waxaanay sheegeen in dagaalkaasi ay dhibaato badan ka soo gaadhay dadka shacabka ah oo aan loo kala eegin nin qorisita iyo nin aan sidanba, waxaanay sheegeen in afar tuullo oo ka tirsan deegaankaasi ay ciidamadaasi cagta mariyeen dad badana ku laayeen.

Si kastaba ha ahaatee, wararka dhinacyadda halkaasi dagaalku ku dhexmaray ayaan si rasmi ah loo ogaan Karin khasaaraha dhabta ah ee halkaasi ka dhacay, maadaama oo halka uu dagaalku ka dhacay yahay gudaha dalka Itoobiya in warar laga helaanna adag tahay.

Barkhad-Ladiif M. Cumar, Hiiraan Online
[email protected]
Hargeysa, Somaliland