Tuesday, May 21, 2013
Today from Hiiraan Online:  _
Wararka Maanta- Label
Label
Label




Post your comments

6/28/2012 8:39 AM EST
Khamiis, June 28, 2012 (HOL) — Golaha Ammaanka ee Qaramada Midoobay oo kulan ay ku yeesheen magaalada New York ee dalka Mareykanka kasoo saaray go'aan ay ku sheegayaan in shirkadda isgaarsiinta Hormuud Telecom, aysan lug ku lahayn dhammaan eedeymihii horay loogu jeediyay.

6/28/2012 8:22 AM EST
Khamiis, June 28, 2012 (HOL) — Ciidamada DKMG ah ayaa maanta ka sameeyay howgallo ay kusoo qabqabteen dhallinyaro badan ka sameeyay degmada Huriwaa ee gobolka Banaadir, kaddib markii xalay la weeraray guriga guddoomiyaha iyo saldhigga degmadaas.

6/28/2012 7:49 AM EST
Khamiis, June 28, 2012 (HOL) — Ciiddamada Laanta socdaalka ee Madaarka Diyaaraddaha ee Magaaladda Berbera ayaa sheegay inay qabteen 12 Caruur ah oo laga keenay Koonfurta Soomaaliya, kuwaas oo la socday Diyaarada ka soo kicitimtay Magaaladda Muqdisho.

6/28/2012 7:29 AM EST
Khamiis, June 28, 2012 (HOL) — Madaxweynaha Soomaaliya, Sheekh Shariif Sheekh Axmed iyo madaxweynaha Somaliland, Axmed Maxamed Maxamuud (Siilaanyo) ayaa kulan ku yeeshay maanta magaalada Dubai ee dalka Imaaaraadka Carabta, iyadoo labada mas'uul ay hadallo jeediyeen.

6/28/2012 7:18 AM EST
Khamiis, June 28, 2012 (HOL) — Dood-cilmiyeed looga hadlayay kaalinta Haweenka Soomaaliyeed ay ku yeelan karaan nabadda iyo xasiloonida dalka oo ay ka qayb-galeen boqolaal haween ah ayaa maanta ka dhacay Muqdisho.

6/28/2012 7:01 AM EST
Khamiis, June 28, 2012 (HOL) — Dowladda KMG ah ee Soomaaliya ayaa maanta u gudbisay odayaasha dahaqanka ee ku shirsan Muqdisho qabyo-qoraalka dastuurka cusub ee Soomaaliya oo la qorsheynayo in bisha soo socota la ansixiyo.

6/28/2012 6:57 AM EST
Khamiis, June 28, 2012 (HOL) — Abaabullo ciidan iyo xiisado dagaal oo aad u xoooggan ayaa ka taagan inta u dhexeysa degmada Afmadow iyo deegaanka Biibi, halkaasoo ay isku horfadhiyaan ciidamada dowladda KMG, kuwa Raaskaambooni oo kaashanaya Militariga Kenya iyo Xarakada Al-shabaab.

6/28/2012 3:04 AM EST
Khamiis, June 28, 2012 (HOL) — Madaxweynaha Soomaaliya, Sheekh Shariif Sheekh Axmed oo hadal ka jeediyay shir looga hadlayo arrimaha burcadbadeedda ayaa ka sheegay in dowladdiisu ay muddo sannad ah ku cirib-tirayso burcadbadeedda haddii la siiyo taageerada ay u baahan yihiin.

6/28/2012 1:30 AM EST
Khamiis, Juun 28, 2012 (HOL) - Muqdisho oo ah caasimadda Soomaaliya waxaa ay goob colaadeed ahayd muddo ka badan labaatameeyo sano, waxaana dadkii ku dhaqnaa gudaheeda ay dantu ku qasabtay in ay isaga cararaan, si ay naftooda amaan ugu helaan